1.Geellow hoy daalimow dadkaan wada dhalanay iyo kuwii duntu noo
xidhnayd ninkaa dacar marinayow.
2.Ninkaa xaq diidayee xogneenaad tabinayow.
3.Wixii uu wacad ku maray ninkaa waydaaranaayee wejiyada kale lahow.
4.Ninkii weedhiisa iyo wacad fulaba lahaynow.
5.Dariskay wada dhasheen kuway duud wada galeen ninkaa dabinada u
xidhow.
6.Ninkaa Dekadooda iyo duunyada xoolahay dhaqdaan daboolada saarayee
dacaayado faafiyow.
7.Ninkaa boqorada xukuma wax beena u sheegayee bartii ka dhaqaajinow.
8.Ninkaa iscajabiyayee kalidii is casuumayow.
9.Ninkaa saarayda iyo habruhu sacabadda u tumaanow.
10.Geesigii ina Xabiyo kuwii loo gubay xornimo xaqoodii daboolayow.
11.Gobtaa Somaliland xaqoodda garwaaqsanee xabaalo qodkii wadoow.
12.Nikaa daafaha adduun dilaal beenaadka iyo waxaan diintuba banayn
dalkooda ka sheegayow.
13.Rabaa xaq dilaaciyow waxaan xabaddii ku helay waxaan xaasidnimo
lahayn xamdibaa ku noolahee ninkaa xanibaayow allaa hoy kugu xawilay.
14.xisaabaha hoose iyo waxaad xidid beertayee xayndaab ku wareejisee
xabaalo u qodotay baan ayaan xabad xabad u helee xogtaadii baan
hayaa.
15.Xaqay lama qarin karoow Mujaahid xaqaan ehee xageed ku xerooni
doontaa xabaal baa kuu qodane.
16.Xeerkii xeerbeegtidiyo dadkaa xeebtu ay lahaayeen ninkaa xagga
kale u rogee xishood an aqooninow.
17.Ninkaa buugii Siyaad bakhaaro ka buuxsadee balaayo ku fooganee
bacuhu u dhaqaaqayaanow.
|