Weriyeyaasha Horaal ayaa ka dambeyey buu yidhi wasiir-kuxigeenku Ahmed Hashi

 

Sida aad la socotaan wasiir ku xigeenka qorsheynta S/land Ahmed Hashi oo  la gu yaqaano in u ku hadlo afka Riyaale iyo Huda , kuna caan baxay sheegida propogandadda dawlada , oo la socda kuwa kale oo UDUB ah  ayaa loo soo  kha rsh gareeyey in ay kadaba tagaan goobihii u Mujaahidku hore u soo  booq dey qurbaha, sidii caadada u ahayd reerr UDUB gaar ahaan  Ahm ed Hashi oo ku caan baxay ka been sheegida waxa aan dawladu qaban a ma xitaa aanay  qors heyn in ay dadka ka soo iibiyaan.


Shalayto oo ay magaalada Birmingham ee dalka England kulan kula  yees heen dad kooban ayaa dadku ay aad u yaabeen, markii la weydiidyey  sab abta  da wladu saaxafadda xorta ah dagaalka ugula jirto, taas oo xitaa faqa shtii ay ka xishoon jirtey oo aan weligeed wariye xidhin, iyo sababta  wari yeyaasha  Hory aal loo xidh xidhey.Dadku waxa ay ku quusteen markii u ku jawaabey:

"wariyeyaashaasu iyakaa ka masuul ahaa dadkii geystey falka jid gooyada ah ee dadkii reer Borame lagu khaarajiyey, waayo? waxa ay iska hor  kee neen  b eena ka sheegeen madaxtooyada iyo reer Gabiley, taas oo keliftey markii  Hor yaal war aan jirrin madaxtooyada ka sheegeen oo la maqley in ay jawaabta xasuqa ah geestaan reer Gabiley."


Akhristow, hadalkani waxa u ka marag furey caadadii Ahmed Hashi ku  tilmaa mi jireen muwaadiniinta reer S/land ee ahayd u adeegida Riyaale iyo Huda.

Waxaase looga fadhiyaa in u cadeeyo hadalka u ku qiraayo in  weriyeyaa shu yihiin gacan ku dhiig leyaal, taas oo hore madaxtooyadu u faafisey ka dib markii madaxtooyadu ku fashilantey wax ka qabashada arrinta Ceel bardaale iyo fulinta go'aamadii Guurtida.


 

 

Amina Hagi Mohamoud