Weriyayaal
Ka Kala Socda Warbaahinta Dawlada Iyo Tim acade News Network Oo
Bileyska Wajaale Garaacay Iyagoo ku Gudo Jira Shir Jaraa’id Oo Uu
Qabtay Guddoomiyihii Hore Ee Wajaale
Axmed Cabdi Daahir “dacawo”
Wajaale, (Timacade News)-Ciidanka
bileyska Wajaale oo uu hor kacayo taliyaha bileyska W ajaale,
Axmed Cabdi Daahir “dacawo”
ayaa garaacay qaar ka mid ah weriyayaasha ka hawl gala warbaahinta
dawlada, gaar ahaan TV-ga Qaranka iyo wargeyska Maandeeq iyo sawir
qaade ka tirsan Universal TV.
Bileyska ayaa kamaradii ka jabiyay isla markaana Garaacay
Weriye Nimcaan Dheeg Ibraahin oo ah
weriyaha TV-ga aranka uga soo warama
Gobolka Gabiley iyo Shabakada Caalamiga ah ee
Timacade News Network, isla
markaana waxa ay bileysku garaaceen weriye Mukhtaar N uux oo
ka tirsan idaacada Horyaal iyo Cawil Cabdi Kaahin oo ah sawir qaade
ka tirsan Unive rsal Tv.
Garaacida ay bileysku u geysteen weriyayaasha ayaa dhacday xili ay
suxufiyiin ka kala soc day qaybaha kala duwan ee warbaahintu
ka qayb galayeen shir jaraa’id oo uu Hotel
Central Wajaale ku qabtay Guddoomiyihii hore ee Wajaale,
Maxamuud Muxumed Ibraahin “Maxamuu d weyne” ayaa mar qudha ay ku soo
dhex dhaceen ciidanka bileyska oo uu hor kacayo kaca yo
taliyaha bileyska Wajaale, Axmed Cabdi Daahir
“dacawo” oo amar ku bixiyay in deg deg
loo joojiyo shirka jaraa’id, taas oo guddoomiyihii hore ee Wajaale,
Maxamuud Muxumed Ibra ahin “Maxamuud weyne” uu ku adkeystay in uu
sii wadayo shirkiisa jaraa’id ka dibna ciidan ka bileysku waxay
bilaabeen inay gacanta saaraan weriyeyaasha.
Shirka jaraa’id ayaa guddoomiyihii hore waxa uu kaga hadlayay arrimo
la xidhiidha xil ka qaa distiisa iyo warar kale oo sheegayay
in uu baxsaday kaddib markii uu labo maalmood ka maq naa
magaalada Wajaale.
Kooxda weriyeyaasha ayaa labadii maalmood ee ugu dambeeyay u joogay
inay ka qayb gal aan xaflada ay xilka kula kala wareegayaan
guddoomiyaha cusub ee Wajaale, Qawrax Muuse
iyo Guddoomiyihii ka horeeyay ee Maxamuud
Weyne, taas oo la filayay inay dhacdo maalintii sabtidii ee
toddobaadkan hase ahaatee ilaa imika aan la isku waafiqin wakhtiga
ay dhacayso xil wareejintu kaddib markii uu khilaaf xoogani soo kala
dhex galay labada dhinac.
Taliyaha bileyska Wajaale, Axmed Dacawo
, ayaa lagu tilmaamaa in uu ku caan baxay tacad iyada uu u
geysto saxaafada iyo siyaasiyiinta mucaaridka ee booqashada ku
yimaada Waja ale, taas oo uu ugu dambeeyay
Guddoomiyaha xisbiga UCID,
Faysal Cali Waraabe, oo bilawgii
sanadkan uu Baastoolad ku qabtay, isla
markaana uu kamaradii ka jabiyay weriye Nuur Jirde oo la socday
guddoomiyaha UCID.
Dadka reer Wajaale ayaa aaminsan
in taliyaha Bileyska, Axmed Dacawo uu
awood badan ka heysto madaxtooyada Somaliland taas oo aanu amar ka
qaadan taliyayaasha bileyska ee ka sareeya.
Timacade News Desk
Wajaale/Somaliland
timacadenews@hotmail.com
|