Weligiin Ma Aragteen Dawlad Mucaarid Ku Mudaharaada

“Waaryaadhaheen, weligiin ma aragteen dawlad mucaarid ku mudaharaada, hadaba Hargeysa iyo Burco ayey ka dhacdayoo, xafladii hudheelka kaah dawladaa taayiro ku gubtay, soo dhaweyntii KULMIYE-na UDUB-baa rabshado kala hortagtay, bal eega  si yaasadan maqluubka loo rogay, mise iyada oo aan doorashaba la isla gaadhin ayey UDUB hadhay oo mucaaridnimada ayey u sii alamiitaynaysaa” kelmedahan cajaa’ib-ka ah waxaa bogiisa murtida ku xardhay Sawir gacmeedka caanka ah ee Dhanxiir kuna soo baxa maalin-walba wargeyska madaxabanaan ee Jamhuuriya.

Runtii waa fariin iyo odhaah xambaarsan xaqiiqo waxaana layaableh in aynu arkayno maalin walba dawlad sheeganaysa in ay dal dhan oo muxaafid iyo mucaaridba leh  ho gaamiso oo hadana macaaridkeedii ku mudaharaadaysa, xisbiga Udub oo aynu odhan karno wuxuu ku jiraa dhamaadka wakhtigiisa ayaa wuxuu imika qaadayaa  talooboo yin khatar ku ah amaanka guud ee dalka, runtiina hadaan shacabka Somaliland Isku duubnaan waxay fashilaadaa xisbiga UDUB iyo xaaladaha murugsan ee  qaybyaalade ed ee uu bilaabay halis ku yihiin xoojinta midnimada dadka reer Somaliland  ,qabsoo mida doorashada,horumarkasta oo Somaliland loo rajaynayay iyo weliba gooni isu taagga Somaliland.

Xisbiga Udub oo uu hogaamiyo Dahir rayaale kaahin oo isagu doorashadii  madaxtooy ada ee dalka laga qabtay bishii April 2003 la sheego in uu ku soo baxay in kasta oo sida uu ku soo baxay madaw badni ku jiray hadana marnaba lama filayn in Daahir  Riy aale Kaahin oo si weyn ula safnaa Taliskii Moxamed Siyaad Barre ilaa maalintii uu  dha cay laguna eedaynayay dembiyo culus loo doorto madaxweynaha dalka dabadeedna laga sugo inuu dacaad ugu adeego dadka, dawladnimada, iyo qaranimada Somaliland.

Xisbiga Udub wuxuu sidaynu ognahay wakhtiyadan dambe bilaabay hujuum uu ku  sa maynayo nabad-gelyada iyo midnimada beelaha reer Somaliland ka dib markii uu  dha raarihii aynu ka soo gudubnay kula kacay xisbiga kulmiye ee ay ku tar tamayaan  hog aanka sare ee dalka hagardaamooyin isku jira cay iyo gacan ka hadal badheedh ah iyada oo xataa Radio hargeisa laga Kulmiye waa ARGAGIXISO,

Kulmiye oo isagu si balaadhan iskugu diyaarinaya doorashada dhacaysa bisha June ee fooda inagu soo haysa ayaa ku mashquulsan gudihiisa iyo sidii uu isku dhisi lahaa haday tahay heer gobol ilaa heer degmo, halka xisbiga Udub uu ku mashquulsan  yah ay mudaaharaado uu ku kicinayo hogaamiye yaasha xisbiga kulmiye oo socdaal  sha qo ku maraya magaalooyin ka tirsan bariga Somaliland,

Arrintan oo la odhan karno waa siyaasadii oo maqluubka loo rogay waayo waxay  ah ayd in xisbiga Kulmiye ahaado kan dawlada iyo xisbigeeda ku mudaaharaadaya  mada ma oo uu mucaarad yahay, lakiin may ahayn in dawlada iyo xisbigeedu mudaaharad la taagnaadaan dariiqyada magaalooyinka iyagoo dhagxaan tuuraya marna taayir gubaya !

Haddaba hogaamiyaha xisbiga Udub Daahir rayaale wuxuu Si loo wiiqo dawladnimada iyo aqoonsiga Somaliland ka buuxiyey xukuumaddiisa iyo xisbigiisa Udub hadhaagii  Ta liskii Siyaad Barre iyo damiir-laawayaal laaluush ku nool ah oo dadka, dalka, iyo  dawl adnimada midna aan dan ka lahayn. Waxaa xaqiiqo ah in aan ummadda Somaliland  c idi ku habaarin dhibaatada uu ku hayo Maamulka Daahir Riyaale iyo xisbigiisa Udub lakiin iyada ayaa isku habaartay markii ay Daahir Riyaale u dooratay madaxweynaha dalka, dhabarkana u jeedisay geesiyadii ka badbaadshay khatartii jiritaankooda soo wajahday.

Haddaba si reer Somaliland u ilaashadaan danahooda iyo qaranimadooda waxaa la  g udboon ay isku duubni muujiyaan, oo aan dheg jalaq loo siin durbaanka  coladeed,qa byaaladeed ee ay garaacayaa kuwa badan oo bukaa.


 

 

Mohamed Abdi Jama
E-mail:mabdi1@live.nl
Hargeisa/Somaliland