Ahmed Silanyo Oo Si Balaadhan Logu Soo
Dhaweeyay Minnesota

 

Minnesota (Timacade News) Maanta saacadu markii ahayd 1120 AM wakhtiga Central time ee woqooyiga Maraynkan, ayaa waxaa garoonka dayuuradaha ee MSP ee  Minne sota ka soo degey waftigii uu hogaaminayey Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Ahmed  Moh amed Siilaanyo isla markaana ah Musharaxa Madaxweynaha Jamhuuriyada S/land, waf tiga waxaa garoonka dayuuradaha ku soo dhoweeyey boqolaal qof oo ah jaaliyada S/l and ee degan Minnesota oo ay horkacayaan gudida iyo taageerayaasha xisbigu ,Xubn a ha weftigu waxay mid midn u gacan qaadeen dadweynhii tirada badnaa ee ku soo  d howeeyey garoonka markaa ka dib waxaa loo gudbiyey waftiga Hotelka Hilton ee ku  y aal badhtamaha magaalada Minneapolis oo ay ku sugnaan doonaan inta ay joogaan Minnesota.


Galabta Saacadu markay tahay 4: 00 galabnimo waftigu waxay kala qayb geliyaan  Jaa liyada S/land ee Minnesota iyo madax ka tirsan Gobolka Minnesota kulan isugu jira soo dhoweyn iyo xog waran oo ka dhici doona Hilton Hotel Minneapolis.


Xubnaha weftiga gudoomiyuhu hogaaminayo waxaa ka mid ah Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar oo ah xoghaya arimaha dibeda ee Xisbiga Kulmiye iyo Marwo Amina Weris oo ah marwada Gudoomiyaha iyo Husein Abdi Duale oo ah Gudoomiyaha woqooyiga America oo waftiga kaga soo biiray Washington DC.
 

Wixii warar ah ee ka soo kordha booqashada waftiga inta ay joogaan Minnesota  waxa anu idinla soo socodsiin doonaa saacadaha soo socda

 



Saeed Suleiman
Guul iyo Gobanimo