Nuxurka Kulan
Dhexmaray Madaxwayne Siilaanyo iyo Ra'iisal Wasaaraha Itoobiya Males
Zanawi

Kulankan oo
lagaga wada hadlay arrimo dhawra oo la xidhiidha sidii laysaga
kaashan lahaa, sii xoojinta xidhiidhka Nabad-gelyada
Addis-Ababba (TNN)- Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud
(Siilaanyo) iyo weftiga uu hogaaminaayo ee ku sugan Dalka Ethiopia
ayaa maanta (07/02/2012,) waxa ay kulan la yeesheen Ra’iisal
wasaaraha Dalka Ethiopia Mudane, Meles Zenawi, kulankan oo ka dhacay
Xafiiska Ra’iisal wasaaraha Ethiopia ee Magaalada Addis- ababa.
Kulankan oo lagaga wada hadlay arrimo dhawra oo la xidhiidha sidii
laysaga kaashan lahaa, sii xoojinta xidhiidhka Nabad-gelyada,
Ganacsiga, waxbarashada labada dal ee Somaliland iyo Ethio pia.
Waxa kale oo ay kawada hadleen sidii dib u qiimayn loogu samayn
lahaa xidhiidhka labada dal ee xaga nabad-gelyada iyo ilaalinta
xasiloonida iyadoo fiiro gaar ah la siinayo arrimaha la xidhiidha
Amnidarrada ka taagan meelo ka mid ah mandaqada.
Waxa kale oo ay labada Dawladood isla meel dhigeen inay si isku mid
ah uga soo horjeestaan isk ana kaashadaan wixii wiiqaya ee waxyeelo
u keeni kara xasiloonida iyo amniga labada dal iyo lab ada shacbi ee
derisnimada iyo walaal-tinimada dheeri ka dhaxayso.
Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaruhu waxay ku nuux-nuuxsadeen in ay ku
fara adaygi-doonaan kuna faraxsan-yihiin heerka iskaashiga iyo wada
shaqaynta labada dal ka dhaxaysa, iyadoo laga duulayo heshiisyadii
ay hore u wada saxeexeen.
Weftiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ku wehelina Safarka:
1. Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Dr.
Maxamed Cabdilaahi Cumar
2. Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Madaxtooyada, Xirsi Cali Xaaji
Xasan
3. Xog-hayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha JSL,Cali Axmed Cali
4. Danjiraha Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Addis Ababa,Mudane,
Aadan Nuux Dhuule
5. Ku-xigeenka Danjiraha Jamhuuriyadda Somalilanad ee Addis Ababa,
Mudane, Ayaanle Salaad Diiriye
ALLAA MAHD LEH
Xafiiska Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
|