WAR-SAXAAFADEED

 



Wafti culus oo Ka tirsan Madaxda xisbiga UCID oo uu hogaaminayo Gudoomiye Faysal Cali Warabe ayaa subaxnimadii hore ee Khamiista 16May2013 Ka Soo degay gagida diyaarada ha Caalamiga ah ee magaalada Melbourne ee dalka Australia .

Gudoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo uu Weheliyo xoghayaha guud ee UCID Ax med Ismaaciil Kayse oo Ka Soo duulay dalka Britain ayaa Soo gaadhay Australia 5:00am subaxnimo halkaasi oo ay ugu diyaar ahaayeen masuuliyiin, Aqoonyahan, iyo Waayeel uu hogaaminayo Gudoomiyaha UCID ee Qaaradda Australia Md, Mustafe Axmed Cali Sh. Cisma an Nuur .

Madaxda xisbiga UCID ayay garoonka diyaaradaha magaalada Melbourne Ku Soo dhameey een taageera yaashayda xisbiga, iyo Jaaliyadda Reer S/land oo aan u kala hadhin, waxaa na Soo dhawayn diiran oo Lagu qabilay calanka Jamuhuuriyadda Somaliland iyo caleemo Qoyane kadib loo qaaday Hotel Ka loogu talo galay martida iyagoo intaas Ka dibna kulan qado sharaf ah la wadaagay Masuuliyiinta xisbiga ee Australia iyo xubinihii kale ee Jaaliyad da Reer S/land .


Ujeedada socdaal Ka waftiga aya ah sidii ay dadwaynaha Reer S/land ee Ku dhaqan Austr alia igala qayb gali lahaayeen xafladaha dabaal dega Qaranimada Jamuhuriyadda S/land .

Waftingan ayaa inta ay joogaan kulamo kala duwan la yeelan doona Qaybaha kala duwan ee bulshada S/ land ee qaaradan Australia Ku dhaqan iyo madax ka tirsan Dawladda feder al ka Australia iyagoo kala hadli doona qadiyadda gooni isku tagaa S/land iyo xaalada uu haatan dadku marayo iyo sida ay shacbiga Reer S/land uga go an tahay gooni isku taa go od iyo madxbanaanidooda 22 sano jir satay, wixii warar ah ee Ka Soo baxa kulamada wafti ga ee Australia waxaad kala socon doontaan warbaahinta Madaxa banaan ee TimacadeNews.com.
 

 



Gudoomiyaha UCID ee Australia
Mudane, Mustafe Axmed Cali Sh, Cismaan Nuur,
Melbourne Australia.
Ccaabi@hotmail.com