“Bulshada Qaar ka mid
ahi Waxay Leeyihiin waa sax in Dawlad Tiro Yar la Dhiso, Laakiin waa
in Nin Jilibkayga ahi ku Jiro”
Hargeysa (TNN)- Marwada 1aad ee Somaliland Aamina Sheekh Muxumed (Aamina
Waris), ayaa mar kii u horraysay si rasmi ah u sheegtay in
dhaliilaha xukuumadda madaxweyne Siilaanyo loo jeediyaa ku salaysan
yihiin damac kursi jacayl.
Marwo Aamina Weris oo shalay ka hadashay kulan shir ay yeesheen
dallada haweenka NAGAAD, w axay tilmaan tahay in dhaliisha ugu
badani xukuumadda kaga timaado beelaha reer Somaliland ee a an
sida fiican uga dhex muuqan xukuumadda uu soo dhisay madaxweyne
Siilaanyo, iyada oo Ka had ashay qaabka loo soo xulay xukuumadda,
isla markaana shacbiga u jeedisay inay xukuumada cusub ku qiimeeyaan
waxqabadkeeda, balse aan lagu qiimayn qabiil.
“Waxaynu adduunka abaalmarin iyo sumcad kaga helnay sidii
wanaagsanay ee aynu xilka ula kala w areegnay ee aynu xukuumadda
kooban ee tayada leh u soo dhisanay.
Walalayaal kama wada muuqan karno xukuumadda, waxyaabaha ugu badan
ee xukuumadda lagu d haliilaa waa haddaanu reer hebel nahay oo
aanu jilibkaa nahay kama muuqano oo wasiir ma lihin, la akiin
walalayaal marka aynu eegno sida uu xisbiga KULMIYE, markii uu
olalaha go’aan ugu gaadhay inuu isbedel sameeyo oo dawladeenii hore
halkii ay soo gaadhsiisay dalka aynu hore uga sii wadno, maxaa
isbedelkaasi noqonayaa.?
Su’aalo badan baa lays wadiiyey, waxaannay ahaayeen; dal yarbaynu
nahay ictiraafna ma haysano ee aynu dawladda yarayno oo aynu soo
koobno, dawladeenii farabadnayn kala badhbaa laga dhig ay.
Markaa haddaynu jilib qudha oo dadkeena ka mid ah siino labaatan
wasiir ma gaadhi karaan.
Markaa waxa qolo walba oo bulshada ka mid ah ka soo yeedhay waa sax
oo way hagaagsan tahay oo waa inaynu yaraynaa tirade dawladda, way
wanaagsanayd inaynu tayada ka fikirnaa, laakiin qo fkaa laga
dhigayaa inuu jilibkayaga ahaado ayey ku haboonayd, ayey bulshadii
qaar ka mid ahi leey ihiin.
Waxaynu maanta rag iyo dumar dhexda u xidhanay inaynu adduunka u
muujino inaynu nahay dal is xukumi kara oo wixii aynu ku qiimaynaa
noqdo waxa la qabtay. Markaa dawladeenu ha yaraato am ma ha
badnaatee kama wada muuqan karnee intaa ka muuqata waa inaynu
taageernaa, waa inay nu iska dhaafnaa qabiilka aynu wax ku
qiimaynayno, waxaanan idiinku bushaaraynayaa 100 maalm ood ee
xukuumaddu ku ballanqaaday inay waxqabadkeeda soo bandhigi doonto ee
bili ka hadhay aanu ku dhammaystirno biriishka labaad ee Hargeysa,
waddada u dhexaysa Dila iyo Boorama iyo sidoo kale madaarada
Hargeysa iyo Boorama.
Haddii aynu 100 cishiba yeelano qorshe waan hubaa inaynu horumar
gaadhayno,” ayey marwada 1aad ee Somalikand ku soo xidhay
hadalkeeda, iyadda tani noqonayso markii ugu horraysay ee ay goob
fagaara ah si faahfaahsan uga hadasho xaaladda siyaasadeed ee
Somaliland iyo saluugga da dka qaar ka tirsanayaan xukuumadda
cusub ee madaxweyne Siilaanyo soo dhisay.
Source: Jamhuuriya Online
|