
KU: MADAXWEYNE DAAHIR RAYAALE
KAAHIN. W/Q SANWAA CUMAR YARE
KU: MW/DAAHIR RAYAALE KAAHIN
OG: SHACBI WEYNAHA SL EE SOO DOORTAY M/RAYAALE
OG: TAAGEERAYAASHA IYO MADAXDA XISBIGA UDUB
ASALAAMU CALYKUM WARAXMATU LAAHI WA BARA KAATU
SUB: MAHADNAQ IYO TALO
Mudane Madaxweyne, waxaan ugu horayn ka badheedhayaa inaan kuugu
mahadnaqo sida geesinimada iyo wadaniyadu ku dheehantay ee aad isu
dhaafisay 7 xubnood ee komishanka cusub kuwaasoo kusii jeeda
wakhtigan golaha sharcidajinta (Parliament) si ay u sharciyeeyaan,
adigoo uga gol leh in aad tusto umadaada siday kaaga dhabtahay
dadajinta ama hirgalinta heshiiskii 6 qodob ahaa. Intaas waxa ii
raaca talo ka kooban labadan qodob:
1) Madaxweyne waxaad noqotay madaxweyne lagu majeerto inuu
somaliland ka daacad yahay qadiyadeeda
isla markaasina ah madaxweynii u horeeyay ee hirgaliya doorasho
dimoqraadiya. Iyadoo xisbiga UDUB yahay xisbi lagusoo hirto oo ah
mid walaaleeya dhamaan shacbiga somaliland, hadana Madaxweyne waxaan
kugula talinayaa xisbiga UDUB waxaad kaga mashquultay dantii qaranka
laakiin inaad isna cadkiisa siiso weeye oo taasi waa mid naga dhiman
hadaynu nahay REER UDUB. Majiro madaxweyne aan u ololayn xisbigiisa
markaa hiil iyo gacansiinba waanu kula garabtaaganay ee haka
dhawrsan inaad xisbigaaga ololihiisa faragaliso. Waxaan mar labaad
si xushmad leh kaaga codsanayaa inaanad cidna kaga haybaysan
taageerida xisbiga UDUB ee aad gudoomiyaha u tahay si xisbigu u
dhamaystiro himilooyinkiisa fog ee ay ka mid tahay horumarinta
dhaqaalaha, waxbarashada ,caafimaadka iyo helitaanka Aqoonisi
caalamiya.
2) Baryahan waxay soo qoraan niman isleh siyaasiyiin baad tihiin
hadal aan loo aabo yeelayn oo xambaarsan xanuun qarsoon iyo mid
korka usoo baxa mararka qaar, toosna ugama soo baxo afkooda iyo
qalinkooda laakiin caruur ay adeer u yihiin ayay usoo dhiibaan ooy
yidhaahdaan fikirkayagaa isku qarxiya!!. Nimanka waxaas oo dhan
wadaa waa niman qoday BOORAAN AY DHEEREEYEEN ooy cid ugu talo galeen
laakiin iyagii ayay hoygoodii noqotay. Ereyada ay ku dagaalamaan
waxa ka mida: WAA LAYNA SIRXAY , ADHIGEENII JABOUTI BAA
CUNTA,FAQASHBAA INA HAYSATA laakiin waanu ognay waxay ka gubanayaan
NIN RAGINA WUU GARANAYAA DOQONA LOO SHEEGI MAAYO.Madaxweyne way
jirtaa in la soo qoro aflagaado shaqsiyan ku shuseeya iyo kuwo
wasiiradaada ah ba taasna waxaan ku leeyay ugu dulqaado umada kusoo
dooratay ee xilka kuu dhiibatay. Waxaan kaga baxay ilaahay hakugu
garabgalo xilka umadu kuu dhiibatay adiga iyo madaxda kula
shaqaynaysaba.
ILLAAHAY AYAY MAHADI U SUGNAATAY.
WA BILAAHI TAWFIIQ.
SANWAA CUMAR YARE
GUDOOMIYAHA GUDIDA
SIYAASADA XISBIGA UDUB
QATAR
E-Mail
Address:muwadin01@hotmail.com
|