Waxaad Ceebta u taqaan Ragbay Caadadiisa tahay
Waa qormo dheer oo sharaxaysa faraqa u dhaxeeya Madaxweynayaashii soo
maray Somaliland,W aa qalinkii Mohamed Isma,il Omar (M-biid)
Tan iyo mudadii ay xilka haysey xukumada madaxwayne
Axmed Siilaanyo
waxaa iska soo daba baxa yay
Dhaliilo iyo ee daymo kala duwan oo salka ku haya nidaamka
hogaamineed ee xukuumadan,Wax aana dhaliilahan iyo ee daymahanba lagu
sheegayaa nidaam horleh iyo habdhaqan fool xun oo Ka muuqata nidaamka
hogaamineed ee madaxwayne Axmed Siilaanyo iyo xukuumadiisa
habdhaqankan Guracan oo ah mid ku cusub guud ahaanba qaybaha kala
duwan ee bulshada somaliland iyo Xukuum adihii hore ee somaliland
kasoo jirayba ayaa u muuqda mid lagu waxyeelaynayo sharafta iyo
karaa mada madaxwayne dadkiisu udoortay inuu sinaan iyo cadaalad ku
hogaamiyo isla Markaana ka shil aal qaado rabitaanka dadkiisa
shacbiga somaliland wuxuu horumarka muuqda ku gaadhay isku duub naan
iyo iskaashi calool samaan iyo midnimo marka aynu dib ujaleecno
sooyaalkii taariikheed ee maa muladii iyo xukuumadihii kala danbeeyay
iyo habdhaqanadoodii waxaynu ka Markhaati kici doonaa
midkastaaba
raadka uu ka tagey iyo wixii ay shacbiga somaliland ka dhaxleen
Waxaa kaloo aynu ka markhaati kici doonaa kaalintii ay kagaleen
nabad ku wada noolaanshaha bulshada samaha jecel ee somaliland
1 marxuum Maxamed
X. Ibraahim Cigaal rabi isaga iyo muslimiintii iyo
mujaahidiintii SNM naxariistiisii jano haka waraabiyee wuxuu ahaa
macalin gaara oo rabi swt usoo diray qadiyada madaxbanaanida jsl
Waxaanu ahaa ama noqday ninkii seeska udhigay dawladnimada ama
madaxbanaannida jsl isagoo umadiisa u daacad ah isla markaana wax
walba ka hormarin jirtay midnimadooda iyo isku duubnaan ta
Shacbiga iyo nabad ku wada nooolaanshahooda Marxuum
Maxamed X. Ibraahim Cigaal wuxuu meel hoose oo la ogaa kabilaabay (o) dhismaha
dowlad madax banaan oo somaliland la yidhaahdo waxaana muran kujirin
in markii lagu doortay 1993/5/5 kii
Shirwaynihii boorame ee xilka madaxwayne nimo loo dhaariyay halkii
uu kabilaabay la ogaa isla mark aana kaabayaashii dakhligii kasoo
xeroodo ee dalka kuwa ugu mudan ee berbera iyo kalabaydh uu ka
bilaabay inuu qarameeyo kana wareejiyo dadkii iyo ciidamadii gacanta
ku hayay ee beel ahaan k asoo jeeday beesha uu marxuum Cigaal ka
dhashay oo ahayd (habar awal)waxaa xusid mudan
maal qabeenadii
beesha habar awal iyo tijaartii
habar awal uu khasab kaga dhigay
inay ka qayb qaataan dhismaha qaranimada j/s/l/ isla markaana qayb
libaax ka qaateen lacagtii cusbayd ee somaliland k harashkeeda bixiya
mid hanti badan ku bixiya sidii ay maraakiibta waa wayni ugu soo
xidhan lahaay een dakada berbera mid hantidiisa ku bixiya ciidamada
wadooyinka iyo kaabayaashii dhaqaale hayst ay siloo qarameeyo iyo
kuwo hanti lacageed oo buuran amaah ahaan usiiya dhismihii
xukuumadii cusbeyd howshaasoo markii ay ganacsatadii iyo
tijaartii
habar awal ku dhaqaaqeen ayku dhiiradeen guud ahaanba tijaartii
somaliland ee kale waxaa xusid gaar ah mudan illaahay ha
unaxariistee kaa lintii uu ku lahaa ganacsade marxuum
X. Abdi Awad Ali (indho deero ) oo kamid noqday dadka sida gaarka ah looga
xurmayn jiray qasriga madaxtooyada jamhuuriyada somaliland ee
waqtigan uu fad hiyo mudane siilaanyo marka aynueegno habdhaqanka
madaxwayne Cigaal ee ku dhaqanta sharciy ada qabyaalada waxaa
cidwaliba ka markhaati kacaysaa inaan marxuumku intii uu xilka
madaxwayn enimo ee somalilland hayay lagu arag ku dhaqanka nidaamka
qabyaaladeed isla markaana markii ay hano qaaday ama tisqaaday
himiladiisii ahayd in lahelo qaranimo lugaheeda isu taagtay iyadoon
ga cmo shisheeye wax kaalmo ah ka gaysan balse ay halkaa ku gaadhay
iskaashiga dadka iyo xukuuma dooda ayuu albaabada ka xidhay ragii ay
isku beesha ahaayeen ee shalay wax ladhisay waxaanu halkoodii ku
bedeshay tujaarta siyaasiyiinta wax garadka beelaha kale ee
somalliland bari iyo galb eedba waxaana ladafiri karin sida uu ugu
talax tegay saami qaybsigii golayaasha qaranka dhismaho odii
isagoo
beesha uu ka soo jeeday duudsi ku sameeyay xaqii ayku lahaayeen inay
helaan tirada beelaha kale kaheleen isagoo uga danlahaa ama
ujeedadiisu ahayd beeshoodu waxa ay beeshaadu waxay doonto haku
cabato balse beelaha kale ee somalilland aanay kuu arkin madaxwayne
beeleed iyo nin beeshiisa sad bursi siinaya waxaynu odhan karnaa
taasi wax badan ayay u wanaajisay sumc ad iyo karaamo wuu ku helay
isla markaa muhiimada meesha ku jirtaa waxay ahayd inuu noqdo mid ku
dayasho mudan oo madaxda ka danbaysaa ay kaga daydaan dhinaca kale
marxuum Cigaal wuxuu noqday nin aan sinaba loogu xaman ku dhaqanka
foosha xun ee qabyaalada xusuusnow akhriste xusuus qorka pro
Maxamed Siciid Gees uu kaga hadlayo in lagu magcaabo welli
Daauud Cigaal oo
ka tirsan hawl wadeenada Wasaarada Maaliyada ku yidhi shaqaale
caadiya ahaa inuu mudane gees oo w/maaliyada ah kuyidhi
ka eri
wasaarada yaanu magacaygaku shaqaysan mamaqli karo waxaa ka loo kucad
xusuus qorada somalilland inay odayaal ay isku raas ahaayeen ugu
tageen ninka lagu ma gcaabo Cabdi Musbaar
kana codsadeen inuu
kashaqaaleeyo Kastamada Dalka jawaabtii uu odayaas ha u celiyay waxay
ahayd (iska dhaaf shaqo aan siiyo oo aan umada xil ugu dhiibo e
intaan noolah ay iska dhaaf cabdi musbaare nin ciise muuse nimo aan
xil ugu dhiibo lama arkayo mawaxaad doon aysaan in beri ka maalin
markaan kursiga baneeyo aan qodob uga tago ciise muuse oo sidii
mareex aanka tuke baal cad kanoqdaan beelaha somalillaand dhexdooda
)) ilaahay naxariistii jano haka war aabiyee uu
sharaf iyo cisi uu
kaga tegay xilkiisiii
2 dhimashadii marxum cigaal waxaa xilkii lawareegay madaxwane ku
xigeenkiisiimudane Daahir Ray aale kaahin isaga laftigiisu wuxuu
raaciyay dariiqii uu jeexay marxuum cigaal manay jirin cid ku
shaq aysan jirtay magaca m/ rayaale marka laga tegi waayo laba sedex
oo lagu xaman jiray inay marwa da koowaad is xigaan oo iyadu ay sabab
utahay magacaabistooda balse may jirin xubno ay isku be elyihiin oo
siyaasiyiin iyo ganacsato ah oo ka ag dhawaa qasriga madaxtooyada ee
uu fadhiyo mada xwayne rayaale manay jirin intaas oo wasiir ganacsade
ay is xigaan rayaale ayaa magcaabay man ay jirin warshado waxsoosaar
umada reer somalliland u simantahay oo uu reernimo ugu wareejiyay
maal qabeeno iyo tijaar ay isu beel yihiin waxaa taa dheer
golayaashiisa xukuumadiisa uu dhowrka jeer kala belelay mar naba
laguma arki jirin rag cunsiriyada qabyaaladeed lagu xaman jiray ama
umada somaliland ku taqaanay ku dhaqanka iyo adeegsiga qabyaaladeed
iyo cidkasta oo umadu utaqaanay nin qabyaaladu biyo dhigtay kuna
caan baxay cunsuriyad iyo wax kasta oo lag jab ku ah qaranimada iyo
madax banaaninada somaliland
3 xafladii xilka uukula wareegay m/wayne
Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo wixii ka danbeeyay waxaa dhacay m/siilanyo dhismihiisii
golihii xukuumadiisa talada haysa waxaa cadaaday in odayga si ay ka
noqotayba taladii iyo hogaamintii dalkaba lalaleeyahay 70% waxaa ka taliya rag ay ka muuqa to cunsuriyad qabyaaladeed iyo khibrad waayo
aragnimo la aan siyaasadeed taas oo dhaxal siisay in siwayn looga
soo horjeesado hogaamintii iyo siyaasada arimaha gudaha ee dadka iyo
dalkiisa la gu hayay isla markaana ay meesha ka baxday xaqsoor la
aantii iyo sinaantii ay qaybaha kala duwan ee bulshadu somaliland
uga fadhidey m/siilaanyo ku dhawaad laba sano in kayar xilka qaranka
hog aaminayay waxaan la dafiri karin in muuqaalkii ugu horeeyay ee
dhismihii xukuumadiisa ee bulshada somaliland ka dheehatay mooqaal
foolxun (ugama jeedo waxmatarayaal )balse waxaan uga jeedaa in laba
ama sedex marka laga tago ay ahaayeen rag xayn dumar isu keenay oo
la dhalay ama uu in an qabay taa macnaheeduna tahay kalsooni daro
uuka qabo muwaadininiinta kale ee aan labadaaa arimood midna soo
galayn marka aynu si kale udhigno nidaamka maamuleed ee m/ wayne
siilaanyo waxay isu milmeen qaybo ka tirsan ganacsato ay isu beel
kasoo jeedaan waxaana la odhan karaa waa wax ku cusub nidaamka
dowladnimo ee j/s/land waana nasiib daro inteeda leeg in halkii ay
bul shada somaliland ee codkooga hagar laaanta ugu doortay inuu
daacadnimo iyo sinaan ugu adeegi doono ay mudo sanad iyo badh ah
indhahooda ku arkeen in madaxwaynihii ay doorteen isu bedelay nidaam
ku lid ah milgihii iyo sharaftii loo doortay oo ahaa inuu sinaan iyo
cadaalad ku maamulo balse uu noqday m/wayne waxbadan ka qaldan
yihiin isla markaan umuuqda m/daxwayne ilaaway dadkii doortay akuna
bedeshay oo uu qaatay codkii uu helay mid ay sabab unoqdeen
ganacsadata ay isu beesha yihiin sida dahabshiil waxaana marag
inoogu filan ficilada guracan ee qabyaaladu ka dhadha mayso ee
m/wayne siilaanyo ku siiyay dhismaha warshada shamiitada ee berbera
ficilkan oo umada Somaliland gudo iyo dabadba si isu mid ah uga biyo
diideen ayaa waxa ay sababeen in wax garadkii m/dhaqameedyadii
ganacsatadii iyo guud ahaanba dadkii reer berbera ka gadoodaan kuna
dumiyeen dayr dhowr kmitir ah oo la sheegay inuu dahabshiil ku
xidhay ama ka dhisay guud ahaanba buurtii sibidhka ahaydee warshada
shameetada ee berbera lahayd arintan oo la ogyahay inay mark hore
soo baxday balse kacdoonkan oo kale ka aloosmay bulshada deegaanka
berbera lana hakiyay ayaa waqtigan markale uu m/wayne siilaanyo
digreeto kusoo saaray isla markaana dahabshiil ku bilaabay dhismahan
waxaa xusid mudan inay jiraan rag ganacsato ah kana kooban degaanka
berbera oo mudo sedexsano kahor kahowl galay sidii ay u kicin
lahaayeen warshadii shamiitada ee hore waxaana labadii sano ee
udanbeeyay ku hawlanaayeen sidii ay u qiimayn lahaaayeen agabka ka
maqan iyo baahida hortaala ee wax ka qabashada ubaahan ilaa hadan ay
ku gudo jiraan waxayna ahayd in dahabshiil ganacsatadaa ku hawlanayd
mudada hadii uurabo inuu shamiito dhisto uu la xaajoodo waxna
layeesho balse wuxuu u muuqdaa nin ka kalsooni badan ku qaba
wareegtada m/tooyada somalilland lagaga soo siiyay kuma koobna
dahabshiil oo keliya ganacsatada ku dhex milmay nidaamka dowladnimo
ee umadii dooratay dayacay balse waxaa kale oo jira rag katirsanaa
ganacsatada ay madaxwayne siilaanyo isu beesha yihiin oo iyaga
laftigooda lasheegayo inay ku milmeen wax badana waqtigooda ku
qaataan qasriga madaxtooyada isla markaana ku howlan sidii ay
madaxwayne siilaan yo uga wareejin lahaayeen haamaha keydka
shidaalka ee berbera oo ay mudaba ku howlanaayeen howshan hamaha
shidaalka ayaa waxa hore loo hadal hayay inay shirkada al harbi
marka horeba sabab u ahayd ina madaxwayne siilaanyo shirkadii total
ruqsadeedii laalo si uu al harbi ugu wareejiyo balse kacdoonkii
arintaa ka dhashay sababo in lahakiyo wareejintiisii si loo eegto
waqti ku munaasib ah waxaa kaloo ay xukuumadu ay wasaarada ganacsigu
baahisay dhawaan in haamaha kaydka shidaalka ee berbera shirkadii
lagu wareejin lahaa tartan loo gali doono taasoo laga dayrinayo
heerka daacad nimo iyo cadaaladeed ee dhinaca xukuumada somalilland
ay ugu xaqsoori karto shirkadaha tartanka loo qabanayo hadiiba ay
dhacdo iyadoo dadka intiisa badani sheegayaan in cida helaysaa tahay
shirkada al xarbi qaladaadka iy o gafafka dhinaca sharciyada iyo
heykalka dowladnimo laga galay kuma koobna inta aynu soo sheegnay
laakiin waxaynu ognahay halka ay xukuumada ka gaadhay tacadiga iy o
cago juglaynta cabudhinta saxaafada madaxa banana ee Somaliland lana
odhan karo waxay ahayd hiilkii kali ahaa ee waqtiyadii adkaa ee uu
soo maray xisbigii kulmiye xaq iyo xaqdaro ugu hiilin jirtay balse
manta saxafiga isu daya inuu dhaliil ka hadlo xaalkiisu waa xabsiga
liinta haku cabo dhinaca kale ma jirto xukumada talada dalka haysa
mid uga nugul wax sheega saxaafada waxaana marag inoogu filan inta
saxafi ee dhaliil sheegay dacwad u furay wasiirka duulista iyo
xirsiga m/tooyada oo labaduba baal madow sooyaalka tarikhta
Somaliland kaga jiray kahor tintaanay noqon wasiirada ugu firfircoon
golaha xukuumada ee m/siilaanyo labadan xubnood oo sida la ogyahay
bulshada somalliland ku sheegto inay sabab u yihiin hab dhaqanada
beelaysan ee xukuumadani ka dhaqaaqdo laguna yaqaano cunsuriyada iyo
qabyaalada ayaa waxay umuuqdaan rag ay isaga qaldan tahay qabiilka
xilka qaranimo ee dusha loo saaray waana sababta bulsha somalliland
gudo iyo dabadba u hadal hayso iyadoo la ogyahay in inta badan
noocan ugu dhaqmayaan sidii ay mudada ay xilka hayaan u hanan
lahaayeen dano dhaqaale iyo iyagoo uga dannle inay dadka isu tusaan
rag intii ay xilka hayeen beesha u faa iideeyay si kastaba ha
ahaadee iyadoo dhaliilahaa dhinaca maamul ee xukuumada talada dalka
haysa aan qalin iyo qoraal laggu koobi Karin ayaynu isu dayi doonaa
dhacdooyinka kala duwan ee maalin laha ah aynu kusoo bandhigno qormo
taxane ah lasoco
m/wayne Dahir Rayaale
lagama yaabo in hano qaadka dimuqraadiyadeed
een seeska u dhigay iyo dhismaha qaranka
ee tacabka badani ku baxay ay wax yeelo ka soo gaadho
damacayga ama kelmad aan si qaldan u idhahdo
oo ay ku dunto
marxuum Cigaal
lagama yaabo inaan beeshayda godob uga tago
markaan kursiga baneeyo oo sidii Mareexaanka tuke
baal cad aad noqotaan yarka ina Daauud Cigaal
ka eri Wasaarada yaanu magacayga ku shaqaysan ma maqli karo
Waa qalinkii Mohamed Isma,il Omar(M-biid)
Hargeysa Somaliland |
|