Maalmahan u dan beeyay waxaa soo shaac baxay warar ku saabsan gobalka gabilay oo runtii aan farxad galin qurba jooga u dhashay gobalka.

 


Wararkaa oo qaar lagu dhaliilaayo Dawlada somaliland ee uu madaxda ka yahay Axmed Maxamed Maxamuud (siiraanyo),halka qaarna ay dhaliisha u jeediyeen masuuliyiinta dawlada ku jirta ee ka soo jeeda Gobalka Gabilay.

Si kastaba ha ahaatee,horta waxaad moodaa Gobalka Gabilay in uu yahay (hangool) waayo halgo olka waxaa aad loogu baahdaa oo la adeegsadaa marka reerku guuraayo ama uu dagaayo oo lag ama maarmo waayo ooda ayaa kagu soo jiidaa reerka lagu oodaayo.Markaa intii dawlad soo mart ay dalka Somaliland ,waxaad moodaa in Gobalka Gabilay uu u yahay Hangool oo waad ogaydeen waxay xisbiyadoo dhami ku tartamayeen uu ahaa ninka ay reer gabilay raacaan in ay guushu raa cayso.

Samalidu waxay tihaa (mar i dage Alaha dago Marlabaad i dagana anaa dagan),saw may haboon ayan mar hadii ay dawladihii hore ee soo marayba ay fulin waayeen balan qaadyadii in ay danaho oda raacdaan ooy iyagu isku tashadaan.


Mayse dhicinoo kulmiyaa la isku shubay oo isna balanqaadyadii kuwii horaba looga bartay iyo kuw o ka sii daran la galay,runtiina dalka oo dhan baabay wax la qabeen oo isbadal baa la rajaynayay farxad iyo rayn rayn baanay doorashadii ku dhamaatay.Guushiina ku raacday xisbiga kulmiye mar kaa tan iyo intii uu ku guulaystay talada dalka Xusbiga kulmiye ee uu madaxwayne u yahay Axm ed Maxamed Maxamuud (Siiraanyo ),waxa aad moodaa in Gobalka Gabilay ay la soo darsayaan dhi baatooyin aad u badan oo hoos loogu dhigayo sumcadiisa iyo wax qabadkiisaba,laguna kala ja jab inaayo bulshada reer Gabilay, iyada oo loo adeegsanaayo shaqsiyaad ka soo jeeda Gobalka oo da na gaara le, amaba dhuuni qaate ah oo aan u damqanayn dhibaatada horumar la,aaneed ee la s oo darista dadkiisa iyo dalkiisaba.


Waana nasiib daro ku habsatay Gobalka ,waxaan xasuustay Gabay uu tiriyay Ilaahay naxariistii jano ha ka waraabiyee Cabdilaahi Suldaan (Timacade),  ee uu lahaa:

 

 

Doqoniimo soomaali ,waa loogu dowgalayee.
Goortaan horaa loo durki iyo darajo eegaayay.
Haduun baa sidii buul-duqeed, daaha loo rogayee.
Daayeerana laas waa qotaa, doox haduu tago'e.
Daa'imo caruureedna ,ways daba gurgurtaane.
Haduunbay u dooyaysantahay shay yadii dilayayee.

 



Hadaba miyanay haboonayn in laga damqado arintan ka taagan Gobalka ,ee lagu kala ja jabinaayo dad wada dhashay ,oo meel ka soo wada jeeda,oo gacan bira la iskaga qabto kuwa iibsanaaaya d adkooda iyo dalkoodaba.

Talo ahaana waxaan u soo jeedinayaa , intii u damqanaysa ee danaynaysa Gobalka horumarkiisa iyo nabad galyadiisaba ee ka kooban,(Rag,Dumar, Cuqaal, Odayaal, Madax dhaqameedyo, Aqoony ahano,Siyaasiyiin,Qurba joog) in arintaa dagdag wax looga qabto,oon laga sugin inay dawlad ama dadkale waxkuu qabtaan ama ay xaliyaan dhibaatada ka dhex taagan siyaasiyiinta Goblka iyo dum arka Gobalkaba.

Waayo waxaa la yidhi (ood kaa dheeri dhaxan kaama celiso) ee intaanaydun u qayshan umad kale horta idinku isku daya inaad xalisaan dhibaatadiina,oo (ceebtaadoo kow ogtahay kun lama ogaysii yee la yidhi) ee asturnaan ku xalista arimihiina.

Ilaahay naxariistii jano ha ka waraabiyee Cabdilaahi suldaan (Timacade), ee uu lahaa.

 



Nin waliba marbuu qaadan jiray , qaanso iyo leebee
Qorfo iyo marbuu seeexan jiray,  qalan qal hoosteedee .
Hayeeshee quluub wada jirtaa , qani ah sheekhoowe
Qabaa’il jeeroo la naco, iyo qaadkan lagu waashay
Qasdi jeeray wada yeelatoo, qawlka ku heshiiso


Qabyo weeye Gabilay, qiira diinaniye
Nin qalbi la quraan kii u akhriyay, “Qaaf” dheh ku harraadye
Kutubtaa sidii loo qarridhay, qiil la’ Aakhiro e
Qayrkii ka hadhe waa ninkii, qalay walaalkiiye.


Anuunbaa damqanayee dheguhu, uma daloolaane
Doc hadday u wada jeedsatooy,Dhowrto danaheeda

 Ooy duul walaala ah tahaooy, Duunka ka heshiiso

 

 

 

 

 

 

Ruqiya Budle
Rbudle@hotmail.com