Wasiirka wasaarada
warfaafinta Somaliland A xmed X.Daahir Cilmi
ayaa warsixaafadeed

“xukuumada
iyo bulshada reer Somalilandba waxa ka go’an wakhti kasta oo ay
qaad ato inaan laga hadhayn cid kasta oo lug ku lahayd xasuuqii loo
geystay dadka Somali land gaar ahaan Maxamed Cali Samatar,”
Warsaxaafadeed Wasaarada Warfaafinta JSL.
Hargeisa (Longlivesomaliland News)-Wasiirka wasaarada warfaafinta
Somalil and Axmed X.Daahir Cilmi ayaa warsixaafadeed uu soo saaray,
kaga jawaabay war ay Dhawaan qoreen wargaysyada Dalka ka soo baxa
qaarkood. Waxa uu wasiirku war-safaadeedkaasi si gaar ah ugaga
hadlay Cali Samar oo waqtigii Siyaad bare Madaxwayne ku xigeenka
ahaan jiray in aanay arintiisu ahayn mid la ilaabi karo iyada oo uu
Ninkaasi ahaa nikii amray in Magaalada Hargeysa Diyaarado lagu
duqeeyo.
War-saxaafadeedkaasi oo dhamaystiran ayaa waxa uu u qornaa sidan:
“Af-hayeenka xukuumada ahna Wasiirka Warfaafinta Somaliland Md.
Axmed X.Daahir Cilmi, ayaa soo saaray War-saxaafadeed uu kaga
jawaabayo war ku soo baxay Wargeyska “Geeska Afrika” 8dii October,
2009 ee lagudifaacayay dacwada xasuuqa ah ee loo haysto Maxamed Cali
Samater.
Waxa jirta dacwad la xidhiidha tacaddiyadii iyo xasuuqii ka dhacay
Somaliland oo lagu soo oogay Maxamed Cali Samatar oo ahaa
Madaxweyne-xigeenkii iyo Wasiirkii Gaashaandhiga eeTaliskii Siyaad
Barre , taasoo haatan hortaala Maxkamadku taala dalka Maraykanka oo
lafilayo in dhawan ay bilowdo dhagaysiga dacwadiisa.
Dacwadan oo ah mid caalami ah ayaa waxa mar kastoo la damco in la
dhaqa ajiyo soo baxa madax ka mid ah Maamulka Somaliya oo u
tafaxayta sidii ay dacwadaasi u horjoogsan lahaayeen , iyagoo
adeegsanaya magaca
xukuumada Somalia.
Haddaba, xukuumada iyo bulshada reer Somalilandba meel kasta ha
joogaa ne’e waxa ka go’an wakhti kasta oo ay qaadato inaan laga
hadhayn cid kasta oo lug ku lahayd xasuuqii loo geystay dadka reer
Somaliland sanadihii siddeetameeyadii gaar ahaan Maxamed Cali
Samatar, oo ahaa Masuulkii sida tooska ah ugu caddeeyay BBC-da inuu
isagu ahaa Janaraalkii amarka ku bixiyay in lagu duqeeyo diyaarad
iyo madaafiic Magaalada Hargeysa, iyadoo uu shacbiguna ku dhex jiro.
Waxa kale oo aanu xasuusinaynaa Raga u halgamaya inay hor joogsadaan
dacwada Maxamed Cali Samatar iyo kuwa kale ee la midka ahba inay
yihiin kuwo lid ku ah xuquuqda bini’aadmiga iyo Xeerarka kale ee
caalamiga ahba, sidaas awgeed aanay ku guulaysan doonin si kasta oo
ay iskugu dayaan inay ku duudsiyaan xaqa ay u leeyihiin
dhibaneyaashu inay daba galaan kuwii ku tacadiyay xuquuqdooda.
War-saxaafadeedkani wuxuu si gaar ah ugu dhiirigelinayaa ururada
xuquuqul insaanka ee dacwadan gacanta ku haya inaanay marnaba ka
daalin in mar uun Caddaalada horgeeyaan eedeysaneyaasha uu Maxamed
Cali Samatar kow ka yahay, si looga jaro dambiyadii ay galeen.”
War-saxaafadaadkan saaka ka soo baxay Xafiiska Wasiirka Warfaafinta
Soma liland oo uu ku saxeexnaa Wasiirka Warfaafintu waxa uu soo
baxay in yar uun ka dib markii ay dhawaan Dalka Maraykanka ka
bilaabantay Dacwad ka dhan ah Maxamed Cali Samatar. Cali Samatar
ayaa ah Nin Danbiile ah oo Qaranka Somaliland iyo Ummada Reer
Somaliland ba ka galay danbi aad u balaadhan oo xad gudub ku ah guud
ahaanba Bani’aadnimada.
Mustafe Future
Longlivesomaliland News
Hargeysa Somailand.
mccfuture@hotmail.com
|