Wasiirka Khaarijiga Somaliland oo fariin u gudbiyay madaxda Afrika ee Shirku uga socdo Addis Ababa lana kulmay Masuuliyiin sare
 


Dareenka Shacabka Somaliland oo laga dhex akhriyay Shirka madaxda Afrika uga socda Addis Aba ba

Addis Ababa (TNN)-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland, Dr. Maxa med Cabdillahi Cumar, oo safar shaqo ah ku jooga magaalada Addis oo uu ka socdo shirkii  wadamad a ururka midawga Afrika, ayaa kulamo gaar ah la qaatay qaar ka mid ah wufuud ka socotay wadam ada Afrika iyo qaarada Yurub.


Wasiirka oo uu weheliyo wakiilka Somaliland ee dalka Itoobiya, mudane Aadan Nuux Dhuule, ayaa  k ulamo gaar ah la galay Wasiirro, Safiirro, Diplomaasiyiin iyo madax kale. Waxaana ka mid ahaa  Wasii rka Arrimaha Dibadda ee dalka Finland, Mudane Alexandra Stubb, Wasiirka Arrimaha Dibadde ee  Ko onfurta Suudaan, Mudane Deng Alor Kuol, Wakiilka Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa u qaabilsan Soomaaliya iyo Somaliland, Ambasador Augustine Mahiga, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda  Arrim aha Dibadda ee dalka Jarmalka, mudane Walter Lindner, safiiro iyo madax kaloo ka tirsan Qaaradda Afrika.


Wasiirku wuxuu masuuliyiintan shisheeyaha uga xog-waramay xaaladda Siyaasadeed, Nabadgalyo, Dhaqaale ee Somaliland, wuxuuna ka codsaday Wadamada iyo Haya’ada Caalamiga ah ee ay  masu uliyiintani ka soo jeedaan inay gacan balaadhan ka gaystaan arrimaha Somaliland ee dhinacayada badan leh.


Waxaa kale oo uu wasiirku ku nuuxnuuxsaday in bulshada caalamku tixgalin siiso xuquuqda dadka  r eer Somaliland u leeyihiin inay ay aayahooda ka tashadaan oo ka helaan dunida ictiraaf buuxa.

Wasiirka wuxuu tilmaamay in qaddiyadda Koonfurta Sudaan ka socotaa ay tilmaan cad u tahay inuu dhamaaday xiligii dareenka iyo rabitaanka shucuubta la cabudhin jiray. Waxaanu kula taliyay  bulsh ada caalamku inay dib ugu eegto qaddiyadda Somaliland oo tusaale wanaagsan u ah Horumarinta Nabadgalaya iyo Dimuqraadiyadda.


Waxaa kale oo uu Wasiirku fariin ku jahaysan qaddiyada ictiraaf doonka ah ee Somaliland u  gudbiy ay shirwaynaha madaxda Qaaradda Afrika, fariintaasi oo ka turjumaysay rabitaanka siyaaadeed iyo Horumerineed ee Somaliland waxaa madasha uu ka socdo shirka madaxda Afrika ka soo jeediyay qaar ka mid ah ka qayb-galayaasha shirka.


Dhinaca kale, Wasiirka oo shir jaraa’id qabtay ayaa ugu baaqay madaxda qaaradda Afrika inay  gar waaqsadaan in xaaladda Somaliland ay hadda gaadhay heer ay adagtay in indhaha laga qarsado, l oona baahan yahay in xaqiiiqda dib loo eego, oo la soo dhaweeyo rabitaanka shacabka Somaliland.

Qaar ka mid wargaysyada waaweyn ee ka soo baxa dalka Itoobiya oo lagu qaybiyay madasha  shirk a madaxda qaaradda Afrika ka socdo ayaa ka faalooday shirka jaraaid ee wasiirku qabtay. Waxayna ka hadleen nuxurka dareenka ay xambaarsanayd fariinta wasiirku ee ku socotay madaxda iyo masuuliyiinta ka soo qaby-gashay shirka.





Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation.


www.somalilandforeign.net