Somaliland oo wax lagu qoslo ku tilmaantay hadal ka soo yeedhay
Raysal wasaaraha somaliya.
Hargaysa(TNN)-Xukuumada somaliland ayaa si kulul uga jawaabtay hadal
dhawaan ka soo yeedh ay Raysal wasaaraha federaalka ku meel
gaadhka ah ee somaliya Maxamed C/laahi Maxamed oo sheegay in aan loo
baahnayn in ay somaliya kala go'do,wasiirka arimaha dibada iyo
iskaashiga ca alamiga ah somaliland Dr Maxamed C/laahi Cumar
oo ka jawaabayay hadalkaasi ayaa ku tilmaamay in Raysal wasaare
Farmaajo in uu yahay nin fashilmay oo aan waxba ka qaban hawlaha loo
igmad ay,isla markaana aanu wakhtiga iskaga lumiyo ama ku mashquulo
arimaha somaliland.
Wasiirka arimaha dibada somaliland oo maanta u waramayay idaacada
BBC-da laanta Afka somali ga waxaa uu ku tilmaamay hadalkaasi
raysal wasaare farmaajo mid meel ka dhac ku ah shacabka
somaliland,waana hadal lagu tilmaami karo in uu yidhi nin hurdo ka
soo toosay oo kale oo aan la s ocon go'aankii ay shacbiga somlailand
qaateen 20 ka hor"xukuumada somalinad waxay shacbigee da ku
hogaaminaysaa rabitaankooda,dib u midaw danbena ma jiro, waxa keliya
ee u yaala somalil and iyo somaliya waa in ay kawada
shaqeeyaan jaar wanaaga nabad geliyada iyo Ganacsiga".
wasiirka arimaha dibada somaliand waxaa kale oo uu intaasi ku daray
xoriyada iyo madax banaani da somaliland in ay tahay mid ay
go'aankeeda leeyihiin shacabku,isaga oo xusay in ay somaliya wada
hadal la geli karaan marka ay timaado dawlad gacanta ku wada haysa
somaliya oo dhan oo nabad ah.
khadar Cabdi Muuse
Timacade News Desk
Hargaysa Somaliland
|