Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Somaliland oo kormeer ku tagay magaalada Ganacsiga Somaliland ee Tog-wajaale

 



Aniga farxad weyn ayay ii tahay inaan maanta imaado magaalada Tog-Wajaale .........

Tog-Wajaale, 23 Feb ,2012 (TNN)-Wasiirka Wasaarada Macdanta ,Biyaha iyo Tamarta ee Somalilan d Mudane,Eng. Xuseen Cabdi Ducaale, ayaa kormeer shaqo ku tagay Magaalada Tog wajaale,si uu ugu kuur galo xaaladda Biyo la'aabta ee ka jirta degaanka.


Waxaa Sabtidii hore, Bisha 18 February,2012 ,   qaylo dhaan iyo Warsaxaafadeed ku aadan biyo l a'aanta ka soo saartay ,Hay'adda Samo-Falka ee  Tog-Wajaale Foundation,una gudbisay dhammaa n Saxaafad da Somaliland.

 

Wasiirka Wasaarada Macdanta ,Biyaha iyo Tamarta Somaliland, Eng. Xuseen Cabdi Ducaale ,oo la hadlay bulashada degan magaalada Tog-wajaale,ayaa waxaa hadaladiisii ka mid ahaa:


"Aniga farxad weyn ayay ii tahay inaan maanta imaado magaalada Tog-Wajaale,maxaa sababay inaan idiin im aado baahida aan ogahay in ay Tog-Wajaale tahay meelaha Somaliland Biyaha ugu daran, Madexweynuhu si gaar ah ayuu iigu balamiyay inaan Biyaha Tog-Wajaale wax uga qabto, waxaan idiin sheegayaa in ay Tog-Wajaale tahay halka ugu horeysa ee Biyaha wax laga qabanayo, waxaana biyaha looga soo qaadayaa ceelasha Biyaha Botor ,l,acagta inoo xadidani ee Biyaha Tog-Wajaale wax lagaga qabanayaa waa 2 Milyan oo Dollar.



Waxaan kale oo idiinku bushaareynayaa, waxaan maanta idiin wadaa waxaan huuhaa aheyn, oo a an dhagax meel la dhigayo aheyn, Biyihii waan idiin keenayaaye ee wado sameysta waad ku filan tihiine ."




Timacade News Desk
Tog-wajaale,Somaliland