“Shirka Nairobi Wuxu
Ahaa Madal Taariikhiya Oo Aanay Wali Helin Qadiyadda
S/Land”W/Khaarajiga Dr. Maxamed C/laahi
Hargeysa, May 27, 2011 (TNN) – Wasiirka arimaha dibadda Somaliland
Dr. Maxamed C/laahi Cumar ayaa difaacay shirkii uu waftigii uu
hogaaminayey kaga qayb galeen magaaladda Nairobi, waxaanu sheegay
inuu shirkaasi ahaa mid Somaliland guul wayn u soo hooyey, isla
markaana taariikhiya.
Shirkan oo muran wayn ka dhashay ayaa waxa uu wasiirku sheegay inay
kulan gaar la qaateen golaha am aanka qaramadda midoobay, waxaanu
tilmaamay inay madashaas ku soo bandhigeen qadiyadda madax-banaanida
Somaliland.
Wasiirka khaarajiga Somaliland Dr. Maxamed C/laahi Cumar ayaa waxa
kale oo uu tibaaxay shirkaa uu she egay inay la yeesheen golaha
amaanka ee qaramadda midoobay inuu sumcadda Somaliland iyo
xidhiidhka ay la leedahay beesha caalamka uu wax wayn ka badalayo.
Dr. Maxamed C/laahi Cumar ayaa waxa uu sidaas ku sheegay mar uu
shalay galab wargeyska Haatuf khad ka tilifoonka ugu waramayey,
isaga oo ku sugan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.
S: Waxaad nooga warantaa shirkaas aad Nairobi kaga qayb gasheen
ajandayaasha lagaga hadlay?
J: Shirkii uu la yeeshay waftigii Somaliland ka socday ee aan ka
midka ahaa Golaha amaanka ee jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa ee
dhacay shalay, wuxuu ahaa shir Somaliland dan wayni ugu jirtay, isla
markaana aanu ku soo bandhignay qadiyadda Somaliland iyo danaha
Somaliland-ba, waxaa noo suurta gashay inaanu sharaxaad ka bixino
kana hadalno xuquuqaha shacbiga Somaliland oo xaq u leh inay noqdaan
dal madax-banaan, isla markaana beesha caalamka ka hela ictiraaf.
Waxa kale oo aanu ka hadalnay oo aanu u sharaxnay wufuudaas wixii ay
Somaliland qabsatay 20-kii sano ee ay madaxa-banaaneyd.
S: Waxa la sheegayaa in qaramada midoobay ay isku dayday inay kulan
iskugu kiin keento idinka iyo wufuudii ka kala socotay TFG-ga iyo
maamul goboleedada kale ee Somalia, arintaasi saw ma jirto?
J: Golaha amaanku isaga oo Somaliland qadarin u haya wuxuu noo
sheegay in hadii aanu rabno aanu cid u dirsano shirar kale oo lagaga
hadlayey amaanka mandaqada, laakiin waxaanu ku wargalinay in aanaan
anigu halkan u iman inaanu galno shir ay kooxaha Somalia ka qayb
galayaan, waxa aanu halkan u nimid-na ay tahay inaanu kulan la
yeelano golaha amaanka, arintaas oo markii danbe tixgalin la siiyey,
isla markaana aanu kulan la yeelanay golaha amaanka.
S: Shirkaas aad ka qayb gasheen wufuudii ka qayb gashay ma noo
sheegi kartaa cida ay ka kala socdeen?
J: Shirka qudha ee aanu ka qayb galnay waftigayagii wuxuu ahaa kii
aanu la yeelanay golaha amaanka ee noo gaarka ah. Maanta galintii
danbe-na waxa naloo sheegay inay jiraan shirar ay yeesheen golaha
amaanka iyo kooxaha Somalia isku hayaa, kaasna waxba kalama socono.
S: Maxaad ka odhan lahayd hadalkii ka soo yeeshay doraad ergeyga
qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland Agoustine Mihiga, kaas oo
sheegay in Somaliland ay tahay qayb Somalia ka mid ah, arintaas
siday kuula muuqataa?
J: Hadalkaasi wuxu u muuqda mawqifkii barigii hore ay jimciyadda
quruumaha ka dhaxaysaa ay ka aamin-san tahay ilaa imikana ay ka
aamisan tahay, hadalkaasina maaha mid wax u dhimaya himiladda
shacbiga iyo dawladda Somaliland ee ay ku doonayaan inay beesha
caalamka aqoonsi ka helaan.
S: Maadaama shirkan aad ka qayb gasheen ee Nairobi ka dhacay qaar
badan oo shacbiga ka mid ahi ay dareen shaki leh ka muujiyeen,
maxaad ku difaaci lahayd mawqifka xukuumadda aad ka midka tahay?
J: Waxaan shacbiga Somaliland u sheegayaa inaanu u maqanahay oo aanu
mar al-baab walba u garaacayno sidii Somaliland beesha caalamka uga
mid noqon lahayd, waxaanan aamin-sanahay inaanay cidi shirkaa shaki
ka muujin. Kuwa dadka sida khaldan wax ugu sheegayana waxaan
leeyahay waar ummadda fidmadda ka daaya oo ka shaqeeya sidii aynu
beesha caalamka wax ula qabsan lahayn.
Shirkan Nairobi waa mid taariikhiya oo aanu ku faanayno, Waana Madal
aanay wali helin Qadiyadda Somaliland oo mihiim ah, qolooyinka ka
hordhacayna waxaan u arkaa kuwo aan danta dalka rabin.
Shacbiga Somaliland ee sharafta badan waxaan leeyahay imika
qadiyadiinii waa mid dawladdo badani fahmeen ee halkaa ka sii wada
dadaalada iyo horumarka aad ku doonaysaan inaad beesha caalamka kaga
mid noqono.
S: Shirkaas Nairobi ee aad sheegtay inaad si gaar ula kulanteen
golaha amaanku maxaad is leedahay Somaliland wuu ka badali karaa?
J: Shirkan mihiimka ahi wuxuu wax wayn ka badalayaa xidhiidhka
Somaliland iyo caalamka ka dhaxeeya, waayo waxa uu golaha amaanku
ogolaaday inay Somaliland horfadhiisato. Waxaanan u mahad naqayaa
dawladdo Somaliland saaxiib la ah oo gacan wayn ka gaystay shirkan
aanu la yeelanay golaha amaanka.
Source:Haatuf
|