WASIIRKA KHAARIJIGA SOMALILAND IYO WAFTIGIISII OO LAGU QAABILAY
XAFIISKA RAYSAL WASRAARAHA MASAR
Kulankan waxay labada geesood kawada hadleen arrimo ay ka mid yihin
xidhiidh cusub oo leh dhinacayo badan oo dhex mara labada dal ee
Masar iyo Somaliland
Qaahira (TNN)-Waftigii ka socdaa xukuumadda Somaliland ee uu
hpgaaminayay wasiirka Ar rimahqa Dibadda iyo Iskaashiga Caalamigi,
Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar, ee la socday was iirka Madaxtooyadu,
Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa maanta lagu qaabilaya qasriga Raysal
Was aaraha xukuumadda cususb ee Masar ee ku yaalla magaalada Qaahira.
Waxaa wafiga wasii rada Somaliland halkaa ku qaabilay wasiirka
Iskaashiga Caalamiga ee xukuumadda Masar, Marwo Faysa Abul Nagga iyo
masuuliyiin ay hogaaminaysay oo ay ka mid yihin wasiir ku xig eenno
iyo diblamasiyiin.
Kulankan waxay labada geesood kawada hadleen arrimo ay ka mid yihin
xidhiidh cusub oo leh dhinacayo badan oo dhex mara labada dal ee
Masar iyo Somaliland. Waxayna si gar ah u taabteen iskaashiyo la
xidhiidha xagga dhoofka xoolaha, iskaashiga caafimaadka, waxbar
ashada iyo biyaha. Waxay kaloo kawada hadleen tababarada hay'adaha
nabadgalyada da lka iyo farsamada gacanta.
Waa markii ugu horaysa ee labada dal ay wadahadalo dawli oo noocan
oo kale ay wada ye eshaan tan iyo intii ay Somaliland dib ula soo
noqotay madaxbanaanideeda.
Waxaa kale oo uu waftiga Somaliland kulan la yeeshay Ururka
Jaamcadda Carabta oo ku m artiqaaday xaruntooda magaalada Qaahira.
Waxay labada dhinac ku heshiiyeen in wada sh ayqan cusub ay wada
yeeshaan Somaliland iyo Ururka Jaamacada Carabtu.
Waxaa waftiga oo caawa ka dhoofaya magaalada Qaahira sii dhawaynaya
madax ka tirsan golaha cusub ee xukuumadda Masar. Waxaana la
rajaynayaa in kulamo kale ay dhawaan ku balan san yihiin labada dal
ay dhawaan dhici doonaa.
Wasaaradda Arrimaha Dibeda
Jamhuuriyadda Somaliland
|