Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka hadlay masaalixda Somaliland uga soo
baxay shirkii London

London (TNN)- Wasiirka Arrimaha dibadda Dr. Maxamed
Cabdilaahi Cumar, ayaa ka hadlay na tiijooyinka iyo masaalixda
Somaliland ugu soo baxay shirweynihii Britain marti-gelisay ee xalay
lagu soo gabo-gabeeyay magaaladda London.
Wasiirka oo ka hadlayay midhihii shirkaasi wuxuu yidhi “Waxaanu aad
iyo aad ugu faraxsan na hay in shir-weynuhu uu weftigii Madaxweynaha
Somaliland uu hoggaaminayey uu siiyey proto col gaara iyo sharaf
gaara oo iyaga oo madaxbannaan ay shirka ka heleen kursi u gaara oo
madaxweynaha jamuuriyadda Somaliland uu la mid ahaa
madaxweynahaashii kale iyo hoggaa miyayaashii kale ee caalamka ee ka
soo qaybgalay shirka. Madaxweynuhu wuxuu helay fursad uu khudbad uu
ku soo jeediyo oo uu nuxurkeedu ahaa in beesha caalamku taageero ka
bixiso qadiyadda siyaasadeed iyo horumarineed iyo nabadgelyo ee
Somaliland ee caalamkan uu ka codsaday in ictiraaf la siiyo. Marka
waxa anaga nooga soo baxay ka Somaliland ahaan dhowr qoddob kow
iyada oo aanu fursadda u arkaynay inay tahay mid muhiim ah oo codka
iyo rabitaanka shacabka Somaliland ay maqlaan afar iyo kontan
dawladdood oo caalamka ka mid ah waliba kuwoogii ugu waaweynaa ay ku
jiraan in madaxweynuhu halka ka caddeeyo waxay shacabka Somaliland
doonayaan in dal madaxbannaanidiisa haysta oo ictiraaf doona ah.”
“Arrinta kale ee meesha nooga soo baxday waxa weeye markii ugu
horeysay taariikhada 21 sanno ee ugu danbeeyay in Madaxweyne
Somaliland ah shirweyn oo noocaas ah uu ka hadlo qadiyadda dalkiisa,
iyada oo Soomaaliya-na Madaxweynahoodii uu fadhiyo oo isaguna uu ka
hadlay oo labadoodiiba ay halka ka wadahadalaan iyaga oo shucuurta
ay masuulka ay ka yih iin. Arrintaasina waa arrin saaxadda siyaasadda
ee caalamka ku cusub wax weyna ka tari-do onta mustaqbalka ictiraaf
doonka iyo qaranimadda Somaliland,”ayuu yidhi Wasiirka Khaarajig a oo
maanta ka hadlayay barnaamijka falanqeynta ee laanta afsoomaaliga ee
BBC-da.
Wasiirka wax laga weydiiyey inay jira wax wadahadal ah oo dhex maray
Somaliland iyo Sooma aliya wuxuu yidhi“Wadahadalo gaara oo dhexmaray
Somaliland iyo Soomaaliya ma jiraan, oo aan ka ahayn shirweynahaa
caalamka oo dhami wada fadhiyo oo madaxdii dunidu wada fadhi do oo ay
Somaliland iyo Soomaaliyana fadhiyeen aan ahayn oo gaar ma
jiro.Hase-yeeshee wa xay Somaliland diyaar u tahay oo ay jeceshahayna
inay talo iyo fekerba ka bixiso sida xasiloo ni-darrada Soomaaliya ka
tagan wax looga qaban lahaa oo talooyinka dunidu ay bixinaysay ku wa
la mid ah ayay Somaliland halka ka bixinaysay.”
“Waxaana ka mid ahaa arrimihii Somaliland loogu yeedhay in dariiqi
nabadaynta iyo dawlad dhiska iyo dimuquraadiyanta ee Somaliland soo
martay in lala wadaago Soomaaliya masuul iyiinteeda, intaasina waxaan
filayaa inay wax ka tari karo. Hase-yeeshee shirar noo gaar oo laba
geesood ee Somaliland iyo Soomaaliya ma jirto,”ayuu yidhi Dr.
Maxamed Cabdilaahi.
Wasiirka waxa laga weydiiyey sida ay u arkaan inay wada-hadal la
sameeyaan dawlada ku-m eel-gaadhka ah ee Soomaaliya, wuxuu ku
jawaabay “Anagu waxaanu u aragnaa immika halka ay marayso arrinta
Soomaaliya waa xilli siyaasaddii kala guurku uu imika dhammaad ku
dhawd ahay, oo qoddobka ugu horreeya ee shirweynahan ka soo baxay
waxa weeye.In dawladii ku-meel-gaadhka ahayd in la soo afjaro, marka
anigu waxaanu jecelnahay in arrintaasi ay nabad galyo ku dhammaato in
dadka soomaaliyeed ka tallo-galaan oo ay caalamka gacan ka siiyaan.”
Dr. Maxamed Cabdilaahi wuxuu shuruud ku xidhay xiliga ay la
hadlayaan dawladda Somalia, waxaanu yidhi “Marka la helo dawlad
Soomaaliyeed oo rabitaanka shacabkeeda ku fadhida oo go’aamada ay
qaadan karta ay yihiin go’aamo la fulin karo oo dadka Soomaaliyeed
ay wada ogol yihiin oo ku timaad rabitaankooda oo dunidana ka haysta
ogolaansho iyo wada shaqayn, Somaliland diyaar bay u tahay
ictiraafkeeda iyo sidii loo soo dhamayn lahaa arrimihii hore uga
dhaxayn jiray labada geesoodba inay Somaliland kala hadasho diyaar
bay u tahay waqtiga ay ku haboonaato, hase-yeeshe waa inay noqoto
dawlad aan ahayn ku-meel-gaadh oo ku timida ad rabitaanka shacabka oo
xeerar iyo qawaanina kala haga oo caalamku aqoonsan yahay yee lata oo
go’aamada ay qaadataana noqdaan go’aamo meel mari kara oo sida
dawladda Somalil and oo kale ku dhaw oo rabitaanka shacabkeeda .”
source:so
|