“Safiirku wuxuu cadeeyay inaanu shirkani saamayn ku laha yn qadiyada gooni isu taaga Somaliland”Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar

 


Hargeysa (TNN)- Wasiirka Arrimaha dibada Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa ka waramay kulankii maanta Madaxweyne Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) la yees hay Safiir Ku xig eenka Britain u fadhiya wadanka Itoobiya Mr. Chris Allan, oo socdaal maalin qaatay ku yimid Hargey sa.

Wasiirka arrimaha dibadu wuxuu sidaasi ku sheegay waraysi uu caawa siiyay shabakada war arka ee Somaliland.Org, waxaanu yidhi “Mr. Chris Allan waxay Madaxweynaha ka wada hadle en wada hadalo beryahanba u socday Somaliland iyo Britain oo lagaga wada arrinsanayay shirkan London lagu qaba nayo dabayaaqada bishan, waxay ka wada hadleen qodobo markii hore shirkan madmadow nagaga jiray oo ku saabsan Ujeedada shirka, arrimaha laga hadlayo , sida shirkani u saamaynayo qadiyada madax- banaanida Somaliland iyo sifaha iyo qaabka ay Somaliland uga qeyb galayso shirka London haddii ay go’aansato inay ka qeyb qaadato.”


“Safiirku wuxuu Madaxweynaha u cadeeyay inaanu shirkani haba yaraatee aanu saamayn k u lahayn qadiyada gooni isu taaga Somaliland, waxaanu qiray inay Somaliland tahay qaran dimuqraadi ah oo caalamka aqoonsi buuxa uga fadhiya. Waxa kale oo uu cadeeyay in arrinta qorshaha la magac baxa y (Road Map)-ka Soomaaliya oo ah arrimaha lagaga hadlayo shirka n oo ah sidii dawlada ku meel ga adhka ah wakhtigeedu marka uu dhammaado sidii looga hes hiin lahaa nidaamkii bedeli lahaa inaanay Somaliland qeyb ka ahayn wada hadalkaasi,”ayuu yidhi Wasiirka Khaarajigu.


Wasiirku wuxuu sheegay in Safiirku u sheegay Madaxweyne Siilaanyo in la doonayo inay Som aliland ka qeyb gasho doodo laga yeelanayo Nabdgelyada, Budhcad badeedda,argagixisada, horumarka iyo dhaqaalaha ay Ingiriisku oo qeyb ka ah ajandaha shirkaasi.

“Waxa muuqata in arrimo badan oo aanu is weydiinaynay jawaabo loo helay, waxa kale oo u u u yimi d inuu kulamo la yeesho xisbiyada qaranka iyo ururada bulshada,”ayuu yidhi Md. Ma xamed Cabdilaa hi.


Wasiirku wuxuu sheegay in Madaxweynaha Somaliland uu uga mahad celiyay ku xigeenka S afiirka In giriiska sida ay dawladiisu iskugu xil saartay inay wax ka qabato xasiloonida Geeska Afrika iyo guud ahaan taageerada ay siiyaan Somaliland.

Wasiirku wuxuu intaasi ku daray inay bilaabayaan kulamo ay la yeelan doonaan xukuumad ahaan Goleyaasha qaranka iyo xisbiyada si ay u dhageystaan tallooyinkooda.

source:so