Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Md. Maxamed Cabdilaahi Cumar,
ayaa ka hadlay hadalkii ka soo yeedhay Agaasimihii is casiley ee...

Hargeysa (TNN)- Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Md. Maxamed
Cabdilaahi Cumar, ayaa jawaab cad ka bixiyay dhaliilo culsu uu
maanta u jeediyay Agaasimihii Guud ee Wa saaraddaasi Maxamuud Raage,
oo ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu wasaaradaasi ka hayay.
Dr Maxamed C/laahi Cumar waxa uu sheegay in Agaasimaha Wasaaraddu
aanuu garana yn shaqadiisa, isla markaana ay ku adkaaday hawlaha
shaqo “Agaasimaha Guud Maxam uud Raage, runtii mudadii yarayd ee
koobnayd ee aanu wada shaqaynaynay shaqada W asaaraddu way ku adkayd
dhibaato ,xoog lihina way ka haysatay oo wuu ku haftay.
“Wasaaradda Arrimaha dibadduna waa wasaarad balaadhan oo la shaqaysa
beesha caal amka, Ha’yadaha qarammadda Midoobay iyo
Urur-goboleedyadaba. Markaa qofka Agaas imaha Guud noqonaya waxa
laga doonayaa karti iyo aqoon.”
“Agaasimaha markii aanu aragnay inay ku adag
tahay hawsha wasaaraddu gaar ahaan
xidhiidhada iyo luuqaduba,
waxaanu garanay inaanu caawino oo waanu taageeraynay, mana jirin wax
dhibaato ah oo aanu ku haynay laakiin markii
shaqadii ku adkaatay ee ay ka hor timid
waa kan maanta iska casilay xilkii, waxaan u rajaynayaa waa
nin dhalinyaro ahe’e inuu mustaqbalkiisa ku guulaysto oo uu shaqo
kale oo uu ka soo bixi karo qabto,”ay uu yidhi Wasiirka Arrimaha
Dibaddu, mar uu maanta u waramayay Talefeeshanka
Horn cable TV
Wasiirka waxa kale oo uu sheegay in Agaasimaha Guud ahaa masuulkii
hawshiisa ay aha yd isku dubo-ridka hawlaha wasaaradda hase yeeshee
aanu Agaasimihiisu aqoon u laha yn shaqada uu hayay.
Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo aanu weydiinay su’aal ahayd waxa ka
jira inuu leeyaha y urur siyaasadeedka NASIYE oo Agaasimuhu ku
eedeeyay, waxa uu ku jawaabay “Anigu waxaan ka tirsanaa madaxdii
xisbiga Talladda haya ee KULMIYE oo aan ka mid ahaa dadkii ka
shaqeeyay inuu xisbigu ku guulaysto madaxtinimada dalka, walina
waxaan ka tirsan nahay xisbiga muxaafidka ah ee KULMIYE,mana jirto
wax urur ah oo kale oo aan ku jiro ama samaystay.”
Wasiirku waxa kale oo uu ka jawaabay eed la xidhiidhay in
xafiisyadii dalalka dibada ay S omaliland ku lahayd ay xidhmeen,
waxaanu yidhi “Xukuumaddu dalka ay ka furanayso x afiis iyo halka
aanay ka furanayn waa siyaasad xukuumadeed way jiraan xafiisyadii
Soma liland, kuwo kale oo aan loo baahnayna waanu baabiinay. waxaanu
qaadanay meel aha aan looga baahnayn wakiil ama xafiis aanu xidhno.”
Wasiirku waxa kale oo uu beeniyay eedo musuq maasuq oo agaasimaha
is-casilay u soo jeediyay, waxaanu arrintaasi ku sifeeyay been abuur
uu ku sababaynayo fashilaada ka soo wajahday shaqadiisa.
Timacade News
|