Wafti uu hogaaminayo Wasiirka Khaarajiga oo uu wehelinayo Wasiirka
Madaxtooyada oo maanta safar shaqo ugu kicitimay Dalalka Masar iyo
Kenya.
 
Safarkan Wasiiradu waxaa uu ka dambeeyey marti-qaad rasmi ah oo ay
Jamhuuriyada Somaliland ka heshay Dawlada dalka Masar ......
Hargeysa (TNN)-Wafti uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo
Iskaashiga Ca alamiga ,Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar ,oo uu wehelinayo
Wasiirka Madaxtooyada JSL Mudane, Xir si Xaaji Cali, ayaa maanta safar
shaqo ugu kicitimay Dalalka Masar iyo Kenya.
Safarkan Wasiiradu waxaa uu ka dambeeyey marti-qaad rasmi ah oo ay
Jamhuuriyada Somaliland ka heshay Dawlada dalka Masar, arrimaha ay
labada dawladood ka wada hadli doonaan mudada a y wasiiradu ku sugan
yihiin wadankaasi waxaa ka mid ah Arrimaha Siyaasada iyo Iskaashiga
dhaqa alaha ee labada dal.
Socdaalkan Wasiirada ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee si rasmi ah
Jamhuuriyadda Somaliland ku tagto wadanka Masar tan iyo intii
Dawlada uu hogaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxa muud (Siilaanyo)
talada Dalaka la
wareegtay.
Dhinaca kale ,Wasiirada Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga iyo Madaxtooyada Jamhuuriya dda Somaliland, ayaa ku sii hakan doona
mudada ay safarkan ku jiraan wadanka Kenya, halkaas oo ay kula kulmi
doonaan Diplomaasiyiinta beesha Caalamka ee fadhigoodu yahay dalka
Kenya.
Timacade News Desk
Hargeisa Somaliland
|