WAR-SAXAAFADEED

 

 

Taariikh:17 February,2012

 

Kadib markii aannu wada aragnay, kana baarandegnay arr imhii uu ka hadlay Agaasimhii Guud ee hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashig a Caalamiga ah Mr. Ma xamuud Raage Ibraahim, waxaannu jecalahay inaannu jawaabo faah faah san ka bixinno arrimihii uu ka hadal ay.

Inkastoo xafiiska Hantidhawrku wado baadhis maamul oo aannu sugayno natiijada ka soo baxd a, waxannu caddaynayana inaannu jirin haba yaradee musuqmasuqa uu ka hadalay agaasimuh u. Nidaamka xisaabaadka ee Wasaaradda Arrimaha Dibeddu wuxuu waafaqsan yahay sharciga maaliyadeed ee Jamhuuriyadda Somaliland. Kharash aan waafaqsanayn shuruucda iyo nidaamk a hab-xisaabeedka ma gudbo. Kharashka Wasaaradda waxa iiga masuul ah Agaasimaha Guud, isagaana saxeexa, waxayna u gudbaan marka hore Xisaabiyaha Guud ee Dawladda kadibna ba anka.

Kharashyada uu saxeexay Agaasimihii Guud oo ku baxay sifo sharci ah in inuu yidhaa waa “mus uq” waa khalad. Halkaa waxa ka muuqda arrin gef iyo mala-awaal ah oo xaqiiqda ka fog.

Wasaaraddu waxay ka hawlgashay sidii xafiis Somaliland uga furan lahayd Koonfurta Sudan. Xaaladda Koonfurta Sudan hadda ku jirto iyo iyo siyaasadoodu xidhiidhkooda cusub oo dib u d hacday awgeed ayeyna weli suurtogalin in xafiiska la hirgaliyo imminka. Arrintani waxay immin ka sugaysaa fasax laga helo dawladda Koonfurta Sudaan iyo xidhiidhka labada dal. Kharashka uu ka hadalay agaasimuhuna badhna waxa lagu qabtay hawlo qaran oo la xidhiidha hawshaasi, intii kalana waxay sugaysaa tallabooyinka hadhay ee la xidhiidha furitaanka xafiiska Somaliland ee Koonfurta Suudan.

Waxa kaloo Agaasimihii hore sheegay in la xidhay xafiisyo wakiillada dibadeed qaarkood. Taasi waa arrin jirta, waana siyaasad dawladeed, waxayna ku salaysan tahay baahida siyaasiga ah iyo muhiimadda ay leedahay waddamada xafiisyada laga furayo. Metelan waxaannu joojinay wakiillo aannu ku lahayn dalalka Pakistan iyo Newsland. Nooma muuqato muhiimadda siyaasade ed oo arrintaasi leedahay marka la eego heerka dhaqaale ee dalka.

Haseyeeshee, dhinaca kale waxa la furay xafiisyo cusub oo aannu u aragnay inay mudnaan gaa r ahaaneed u leeyihiin Somaliland siyaasad ahaan iyo dhaqaaleba, waxana ka mid ah dalka Jabu uti oo aannu xidhiidh cusub iyo safaarad cusub ka furnay oo ay ka hawlaglaan diblomaasiyiin So maliland u dhashay. Waxa kaloo aannu xafiis wayn ka furnay magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo aynu barigii hore ku lahayn qof wakiil ah oo keliya oo aan xafiis iyo shaqaalaba lahayn.

Waxaannu kor u qaadnay xafiisyadii aynu ku lahayn Maraykanka iyo Itoobiya. Waxa kaloo aann u wakiillo cusub ku yeelanay Sucuudi Arabiya. Waxa kaloo aannu leenahay adeegyo diblomaasi yadeed oo ay bixiyaan hay’ado caalami ah ka taageerta arrimaha diblomaasiyadda Somaliland iyo la-taliyaal waddani ah iyo kuwa caalamihaba oo ka hawlgala Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somaliland.
 

 

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashig Caalamiga
Dr. Maxamedd Cabdillahi Cumar