Wasiirka Arr. Dibedda Somaliland Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay Faahfaahina Ka Bixiyey Safarkii Uu Ku Tagay Dalka Dibeddiisa

 



Safarkii aan ku tagnay xarunta Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysa ee New York........
 


Hargeysa (TNN)-Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa faah faahin ka bixiyey socdaal uu in muddo ah ugu maqnaa dalka Maraykanka, halkaas oo uu kulamo kala duwan kula soo yeeshay xubnaha Dawladdaha Joogtada ah ee Golaha Amaanka iyo Dawladda Maraykanka.


Wasiirka Arrimaha Dibeda Dr. Maxamed C/laahi Cumar oo maanta ka soo degay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa, waxa kale oo uu beeniyey Kulan la sheegay in Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Miboobay u qaabilsan Arrimaha Somalia Mahiga inuu la yeeshay Koox la baxday Awdal state, waxaanu Wasiirku ku tilmaamay Warkaasi mid been abuur ah oo lagu doonayo in lagu xumeeyo xidhiidhka ay Somaliland la leedahay Qaramada Midoobay.
Dr. Maxamed C/laahi Cumar oo Warbaahinta uga waramayey natiijada Socdaalkiisii Marekan ka, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Safarkii aan ku tagnay xarunta Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysa ee New York, isha September sanad kasta waxa qaramadda midoobay ay qabataa shirka guud iyo shirka Golaha Ammaanka waxaana inta badan iskugu yimaada  madaxweyne yaasha caalamka inta badan waxaana lagaga hadlaa arrimo waaweyn oo saamayn ku leh caalamka. Inta shirka Golaha Guud ka horaysana waxa Golaha ammaanka oo ah golaha ugu weyn ee qaramada midoobay u qaabilsan xaga nabadgelyada, waxaanay u sii diyaariyaan shirka guud ajandaha shirka lagu falan-qeynayo.xukuumadda Somaliland oo garowsan ahmiyada shirkan waxay xidhiidh la samaysatay Golaha Ammaanka oo aanu ka codsanay inay Somaliland siiyaan fursad khaasatan inay xubnaha rigliga ah ay uga waranto qadiyada dhabta ah ee Somaliland. Nasiib wanaag Golaha Ammaanku wuu ka aqbalay xukuumadda markaa safarkan aanu ku tagnay New-york sidaasi ayay ahayd.”


“Waxaanu la kulanay shanta dal ee joogtada ku ah golaha ammaanka oo ka mid yihiin Maraykanka, Ingiriiska, Ruushka Shiinaha iyo Faransiiska, waxa kulamadaasi aanu la yeelanay xubnaha rigliga ah ee qaramada midoobay waxaanu uga waranay xaalada dhabta ah ee Somaliland waxaanu tafaasiil ka siinay in Somaliland tahay dal madax banaanidiisu ku dhisan tahay sharciyad iyo xuduudo caalamiya oo adduunkana uga fadhida inay ka hesho aqoonsi dublamaasiyadeed oo caalamiya. Waxa kale oo aanu u soo bandhigay Qaramada midoobay baahida Somaliland u qabto dhinaca adeegyada nabadgelyada, siyaasadda iyo horumarinta,”ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadu.


Wasiirku waxa uu sheegay inuu kulamo kula yeeshay dalka Maraykanka dalalka Masar iyo Koonfur Afrika “Waxa kale oo aanu la kulanay Masar iyo Koonfur Afrika oo ka mid ah dalalka waaweyn ee Afrika ee fikradoodu saamaynta ku leedahay afrika,gaar ahaan dalka Koonfur Afrika waxa uu ka mid yahay Golaha Ammaanka ee qaramada midoobay waxaana aanu ka wada hadalnay xidhiidhka aanu jecelahay inaanu la yeelano. Kulamadii aanu la yeelanay dawlada Masar waxay ahaayeen kuwo xiiso leh oo ka turjumaya in dalkaasi laga samaynayo isbedelo hor leh oo siyaasadeed, waxaana aan rajaynaynaa inay wax ka bedelaan mowqifyadii barigii hore ay dawlada Masar ka taagnayd qadiyada Somaliland,”ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdilaahi.


Waxa kale oo uu tilmaamay inuu kulamo la yeeshay masuuliyiin iyo xildhibaano ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Maraykanka isla markaana ay kulan heer sare ah la yeesheen Wasiir ku Xigeenka Wasaarada arrimaha dibada u qaabilsan Maraykanka oo uuxusay inay ka wada hadleen sidii kor loogu sii qaadi lahaa xidhiidhka ay Somaliland la leedahay dalkaasi.
Wasiirku wuxuu sheegay inay xukuumadiisu ay go’aansatay inaanay sugin beesha caalamku inta ay u imanayso ee ay iyadu doonato, waxaanu yidhi “Siyaasada dibada Somaliland waxay ku salaysan tahay sidii qarankani u helaa aqoonsi caalami ah, waxaan halkan uga mahad celinaynaa Xukuumadihii kala dambeeyay ee dalkan soo maray oo intuba arrimo waxtar leh ka galeen qadiyada ictiraaf raadinta waxaanay xukuumad waliba soo gaadh siisay meel. Labaatankii sanadood ee la soo dhaafay waxay qaadatay Somaliland inay sugto inta dunidu u imanayso laakiin waxa xukuumaddani go’aansatay inay dunida aynu doonano.”
Wasiirku waxa uu ku dooday inay awooda saarayaan sidii ay Somaliland cilaaqaad adag ula yeelan lahayd dunida carabta. Waxa kale oo uu ka waramay xidhiidhka Somaliland la leedahay dalalka Afrika iyo kuwa mandaqada.


Intaasi ka dib Wasiirka Arrimaha Dibeda waxa ay War-fidiyeenadu halkaasi ku waydiiyeen Su’aalo la xidhiidha Safarkiisa, waxaana ka mid ahaa Su’aalaha la waydiiyey mid ku saabsan Kulan la sheegay in Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Somalia Mahiga la yeeshay xubno ka socda Awdal state sida ay Xukuumad ahaan u arkaan, waxaanu yidhi “Waan maqlay in warbaahinta Somaliland ay ku soo baxday warar sheegaya in Augustina Mahiga uu shirar gaar ah la galay kooxo ka soo horjeeda madax banaanida Somaliland. Waxaan doonayaa inaan halkan ka caddeeyo inaanay arrintaasi ahayn arrin jirta. Augustina Mahiga waxa uu ka qeyb galay shir ka dhacay dalka Canada waxaanu la kulmay Jaaliyada Somaliland iyo Soomaaliya waxaanu kala hadlayay arrimaha uu u xil saaran yahay arrimaha Somalia iyo Somaliland,”ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdilaahi, oo Saxaafaddu wax ka weydiisay sida uu u arko baaqyo ka soo yeedhay masuuliyiin ka tirsan mucaaridka oo ku baaqay in Mahiga la mamnuuco inuu socdaal ku yimaado Somaliland.


“Khudbadii uu shirkaasi ka soo jeediyay Mahiga waxa uu si qoto dheer qadiyada Somaliland waxaanu ka hadlay dimuqraadiyada iyp Nabadgelyada, waxaanu ka hadlay isbedelkii dalka ka dhacay iyo sidii xukuumadii hore iyo xukuumada cusubi xilka ula kala wareegeen sida amniga ah waxaanu arrintaasi uga hadlay si qiiro leh oo uu ugu hayo Somaliland ixtiraam. Waxaanu Mahiga sheegay in midowgii Somaliland iyo Somalia aanu u shaqayn sidii la rabay, Waxaan halkan idiinku cadaynayaa inaanu Mahiga la shirin kooxaha ka soo horjeeda qadiyada Somaliland. Qof sita garamada iyo shaadhadhka ee isku sawiraya Mahiga agtiisu ma aha kuwo saamayn ku yeelanaya xidhiidhka ay Somaliland la leedahay qaramada midoobay iyo wakiilka qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland/Somalia intaba.”

Wasiirka, oo la waydiiyey dhaliilo inta badan loo jeediyo in xafiisyadii wakiilada dibadu ay intooda badani soo xidhmayaan, iyo in Wakiilada dibadu u badan yihiin Yurub halka aad awooda saari lahayd wadamada Afrika ee aqoonsiga dalka yoolkiisu yahay, ayaa waxa uu ku jawaabay “Wakiilada Somaliland ee dalalka dibadu waa wakiilo si xilkasnimo ah u shaqeeya,socdaalada dibada madaxda dalku ku tagto qeyb weyn ayay ka yihiin haddii ay yihiin u diyaar garowga iyo samaynta xidhiidhadaba. Waxaan jeclahay inaan halkan mahad naq iyo ammaan uga jeediyo Wakiilada dibada.



Waa run oo Somaliland dalalka Afrika oo dhan kuma laha wakiilo arrimahaasi waxa xadidaya awooda dhaqaale iyo siyaasadeed. Waxase aan mar walba awooda saaraa meelaha aanu is leenahay waxay muhiim u yihiin qadiyada Somaliland, waxase qorshaha noogu jira inaanu ka furano xafiisyadeena dibadu.”

 

 


Sacad Muse Cabdi
Timacade News Desk
Hargeysa  Somaliland