Wasiirka Arrimaha Dibada oo kulan uu la yeeshay wefti Masaari
ah kana hadlay cilaaqaadka labada dal

Hargeysa (TNN)-Wasiirku wuxuu sidaasi ka sheegay kulan balaandhan oo
uu maanta xafiiskiisa kula yeeshay wefti ka socday dalka Masar oo uu
Hoggaaminayay la Taliyaha safiirka Masar u fa dhiya Jabuuti Maxamed
binu Marwaan.
Wasiirka oo kulankaasi ka hadlay wuxuu yidhi “Waxaan jecelahay inaan
si diiran u soo dhawee yo weftiga balaadhan ee ka socda dalka Masar
ee aanu walaalaha nahay khaasatan Maxamed Ibnu Amiir oo safiirka
Masar ee dalka Jabuuti oo dhawr jeer oo horena halkan noogu yimid
farx ad weyn ayay noo tahay socdaalkooda xiligan. Masar waa dal aynu
walaalo nahay oo muddo dheerna dalkan Somaliland uu xidhiidh aad u
dheeri ka dhaxeeyay oo la xidhiidha dhinacyada dhaqanka iyo
waxbarashada .”
“Waxaan aad ugu faraxsan nahay xidhiidhka imika ka dhaxeeya
Somaliland iyo Masar oo imika xoogaystay ka dib markii dawladaha
Masar iyo Somaliland wada hadalo toos ahi dhex mareen. Waxaan uga
mahad celinayaa socdaalkii aanu ku tagnay dalkaasi oo aanu la
kulanay masuuliyiin badan oo ay ka mid yihiin wasaaradda arrimaha
dibadda iyo Wasiirro kale, waxana nuxurkii aanu kulamadayadiina
waxay ahaayeen in labada dal wada yeeshaan xidhiidh aad u adag.”
“Waxaanu halkan u fadhinaa wefti masar uga yimid sidii xidhiidhkaasi
loo hirgelin lahaa oo ay ka mid tahay in dawlada Masar ay dhisto
maxtabad lagu barto dhaqanka carabta iyo luuqada cara bigaba. Taasi
waa guul weyn oo aanu uga mahad naqayno dawlada Masaaridda gaar
ahaan safaaradaha dalkaasi ee Jabuuti iyo Nairobi,”ayuu yidhi
Wasiirka Arrimaha dibaddu.
Wasiirku wuxuu sheegay inay koox dhakhaatiir ah oo ka socota dalka
Masar ay adeeg caafima ad ka fuliyeen Hargeysa, waxa kale oo uu
xusay inay deeqo waxbarasho oo heer jaamacadeed ah ay Masar siin
doonto ardayda reer Somaliland.
Md. Maxamed Cabdilaahi waxa uu sheegay inay ka wada hadli doonaan
masaarida iskaashiyo kala duwan oo ku wajahan dhinacyada Ganacsiga
iyo xoolaha ah.
“Waanu soo dhawaynaynaa xidhiidhka aanu la leenahay dalka Masar,
waxaana aanu dhawaan shirkii midowga afrika isku aragnay mar kale
Wasiirka arrimaha dibadda dalkaasi oo aanu halka asi ka sii ambo
qaadnay xidhiidhka labada dal,”ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdilaahi.
Dhinaca kale, la Taliyaha safiirka Masar u qaabilsan wadanka Jabuuti
Maxamed Binu Marwaan o o ka hadlay kulankaasi ayaa sheegay inuu ku
faraxsan yahay socdaalkiisa Somaliland.
Maxamed Binu Marwaan waxa uu sheegay in xidhiidhka labada dal uu isa
soo tarayo oo ay Som aliland iyo Masar, waxaanu tilmaamay inay iska
kaashan doonaan dhinacyada Waxbarashada iyo ganacsiga.
La Taliyaha safiirka masar u fadhiya Jabuuti waxa uu sheegay inay
hadda u socdaan dhismaha maktabadda weyn oo ay ka dhisayaan
magaalada Hargeysa.
Sidoo kale, waxa kulankaasi lagu kala saxeexday heshiiska dhismaha
maxkatabadda masaaridda..
source:so
|