Horumarka Siyaasadda Arrimaha Dibadda Ee Xukuumadda Somalilanad Oo
Si Wayn Caalamku Ugu Soo Dhaweeyay Shir Balaadhan Oo Ka Dhacay
Guriga Caanka Ah Ee Chatham House London
London, July 31,2011(TNN) - Shir balaadhan oo dulucdiisu tahay soo bandhigidda iyo
taageeridda Siyaasadda Arrima ha Dibadda ee xukuumadda Somaliland
, ayaa shalay oo ay taariikhdu ahayd 29 ka bisha July lagu qabtay
xarunta ca anka ah ee loo yaqaano "Chatham House" oo ah
Rugta
Faaqiddaada iyo Daraasadda Siyaasadda Caalamka ee dunui da ugu wayn
oo ku taalla magaalada London ee dalka Ingiriiska.
Xaruntan oo uu shalay khudbad dheer ka soo jeediyay
Wasiirka
Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caala miga ah ee
Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Maxamed Abdillaahi
, waxaa ka soo qayb
galay wufuud ka kala timid dalka Ingiriiska,
Holland, Den mark,
kiiniya, Koonfurta Afrika,
Itoobiya, Maraykanka
,oo isugu jiray
mudanayaal ka tirsan B aarlamaanka, masuulyiin ka socda wasaaradda
Arrimaha Dibadda ee dawladda Ingiriiska, madaxa hoggaanka sharci ga
ee Ururka Midawga Afrika, Madaxa ururuka
Midawga Yurub ee Qaabilsan
iskaashiga Dibadda, Garyaqaanno Caala miya, Safiirro badan oo
fadhigoodu yahay magaalada London, Sidoo kale waxaa shirkan ka soo
qaybgalay masuuliyi inta Ururda Bulshada ee Qurbajooga Somaliland ee
Yurub.
Wasiirka Wasarrasdda Arrimaha Dibadda ee Somaliland wuxuu si qotto
dheer uga hadalay wax uu ku timaamay isbe ddelka muuqd a ee ku yimid
sida ay beesha caalmaku ula dhaqanto dawladda iyo shacabka
Somaliland oo u sheagay inuu gaadhay sanadkii had da u dhammaaday
xukuumadda madaxwayne Axmed Maxamed Silaanyo heerkiisu ugu sa reeyay
ee abid soo mara Somaliland, wax aana hadaladiisi kamid ahaa. "Waxaan
xukunka la wareegay wakhti ay dad ka caadiga ah ee ajnabiga ah ee
waddama aanu saaxii bka nahay ay ka baqdaan inay Somaliland
yimaaddan, iska da a iskaashi kale oo na dhexmare, waxaanse hadda
joognaa sannad ka dib, xillii ay Wasaaradaha ugu darajada saree ya
qaaradda Yurub ay dhex mushaaxayaan Somaliland". Wasiirka Arrimaha
Dibadda Somaliland Dr. Maxamed Abdilla ahi Cumar oo hadalkiisa sii
wata ayaa yidhi.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland. Dr. Maxamed Abdillaahi Cumar
Oo hadal ka jeediyay Xarunta Caanka ah ee
Chatham House
,London.
"Sida laga warqabo waxaa Somaliland booqasho rasmi ah oo dawladeed
ku yimid sannadkii ugu horeeyay ee xukuum adda cusubi xilka haysay
shan wasiir oo ka tirsan dawladaha Denmark, Norway, Ingiriiska iyo
Holland, sidoo kale wax aa socdaal rasmiya ku yimi Somaliland
Kommishanarka 25 ka dal ee Midawga Yurub u qaabilsan Iskaashiga
Dibadda. Waana markii ugu horaysay taariikhda S omaliland ee tiro
intaa leg oo madax caalamka ka tirsan ay shirar iyo latashi yo ugu
yimaddaan Somaliland, waxayna ku timi arrint aasi isbedel siyaasded
iyo wax qabad oo ay la timi xukuumadda Somaliland ee hadda jirtaa.
Somaliland waxay maanta ku leedahay wadamada jaarka iyo Afrikaba
saaxiibo xidhiidh a dag naga dhaxeeyo, Yurub iyo Maraykanka waxaanu
la samaynay iskaashi aad u qotto dheer oo ah mid si dawlade ed oo
toos ah aanu u wada shaqayno, qaar ka mid ah wadamada carabta iyo
Shiinaha waxaa no o socdo xidhiidho is kaashi dhaqaale iyo wax wada
qabsi oo cusub, ururka IGAD iyo Golaha Ammaanka ee Jimciyadda
Quruumaha ka Dhax a ysa waxaanu yeelanay xidhiidh durba dhaliyay midho
la taaban karo.
IGAD waxay tageertay dhismaha
Berbera Corridor,
waxayna maal galisay Maxad lagu barto aqoonta xanaanada xoo laha oo
lala wadagaayo waddamada Geeska Afrika, kaas oo ku yaalla magaalada
Sheekh, waxayna madaxda IGAD So maliland ku yimadeen labo booqosho oo
rasmi ah, tasoo ah markii ugu horaysay oo ay si rasmi IGAD u timaado
Soma liland. Golaha Ammaankana waxaanu la yeelanay kulan toos ah,
kasoo u dhaxeeyay Golaha amm aanka iyo dawladda Somaliland markii ugu
horaysay muddo 20 sannadood gaadhaysa, waxayna naga dhageysteen
garnaqsi siya asadee d iyo nabadgalyo oo ka turjumaaya rabitaanka iyo
himilada shacabka Somaliland".
Masuuliyiinta kale ee ka hadashay madasha oo ay ka mid ahayeen
xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Ingiriiska, khub arro ku
takh asustay xidhiidhka caalamka iyo shururucda caalamiga ah, ururada
Midawga Afrika iyo Midawga Yurub, waxayna dhammaantod cod dheer ku
taageereen horumarka deg deg ah ee Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee
Soma liland ku talaabsatay muddadii yarayd ee sanadka ahayd ee hadda
u dhamaaday, waxayna qireen isbedelka fiican ee ku yimi sida
adduunku hadda ula macaamilo Somali land, waxay hoosta ka xariqeen
boqoshooyinkii Madawaynaha So maliland Axmed Silaanyo iyo
wafdiyadiisuba ku tageen dalka Jabu uti,
Itoobiya, Kuwayd iyo
Koonfurta Sudan iyo shir arkii
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland uu kaga qayb galay meelo badan oo
adduunka ka mid ah oo kor u qaaday
sumcadii Somaliland.
Madaxweynaha Somaliland Axmed Silaanyo ayaa ka dhawaajiyay maruu ka
hadlaayay Gobolka Awdal todobaadkan aynu ku jirno, in
aqoonsi ay
Somaliland ka hesho beesha caalamka uu maanta ugu dhawyahay, waa
siduu hadalka u dhigaye. Waxayna arrintani ku soo beegmaysa yadoo
Xukuumaddan cusubi baarka ka jartay muddo sannad ah. Shirkan waxaa
London lagu qabtay 29 July 2011.
Mustafe Future
Timacade News Desk
Hargeisa somaliland
mccfuture@hotmail.com
|