Wasiir
Beeshaada Ah Oo Wax Ma Tare Ah Iyo Wasiir Reer
Somaliland Ah Oo Hawl Kar Ah Shacabow Waa Iyama ?

Madaxweynaha JSL md
Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo waxaa loogu dhawaaqay in
uu m adaxtinimada ku guulaystay bisha July 1deedii
waxaana uu xilkii la wareegay oo loo dhaariyay isla
bishaa July 27keeda oo ahayd dhowr maalmood oo aan sii
fogayn ka hor . Maalintii dooras hada lagu
dhawaaqay sida aynu la wada socono waxaa kala joogsan
wayday hambaliyo iyo b ogaadin isdaba joog ugu soo
qulqulaysay websityada reer Somaliland iyo joornaaladii
dalkaba. Waxaa fariimaha la soo dirayay ka wada muuqatay
in xukuumadda cusub looga baahanyahay inay la timaaddo
isbadel iyo xukuumad kooban oo tayo leh. Waxaa qof kasta
uu carabka ku sii adkaynayay laguna celcelinayay in
madaxweynaha lagu taageersanyahay gudidii uu u saaray
tirada wasaaradahu inta ay noqon karaan iyo tala bixinta
gudidaas.
U malayn maayo maanta in shaki inagaga jiro sababaha ugu
waawayn ee xukuumadan madax weyne Siilaanyo
shacabka reer Somaliland codkooda u siiyeen laguna soo
doortay inay tahay isbadal muuqda oo kow ay ka tahay in
la soo koobo lana soo yareeyo tiradii ka badnayd
boq olka wasiir , wasiir ku xigeenada iyo wasiira
dawlehyaasha ee 10.00 ka subaxnimo ka rawixi jir
ay xafiisyadooda.
Golaha Wasiirada cusub iyo waliba xilalka loo kala
dhiibay inaga shacab ahaan haday yihiin ku wo tayo
leh iyo haday noqon doonaan qaar salaanka dib uga soo
siibtaba waxaa inagu haboon in bal horta laga waantoobo
ku deg degga iyo wax ka sheega wasiirada aan wali xilkii
xafiiska ba laba wareegin. Waxaa kale oo iyana deg deg
iigula muuqata durba in beelaha qaarkood la ga
tagay halkaasna ay abuurtay dareen aan jirin oo ah in
beelo xaqoodii la dudsiyay !
Waxaan jeclahay in aan laba waxba in si guud aan uga
digo, midi waa caadifiyadda ah ku deg degga markiiba
tacliiq lagula boodayo arin cusub oo aan laga fiirsan
wakhtina in la siiyo u baa han. Waxana halkaa ka
muuqata in dadkii wax soo qoraayayba ay sugayaan inay
faaladii iyo tacliiqdiiba iyadii tayo beeshay oo
hadalkii noqday mid meel waayay ! Waa ta labaade waxaan
ka digayaa in laba wax la kala daayo dawlad tayo leh oo
kooban iyo dawlad beel kastaa ka mu uqato oo
beelaha lagu raali galiyo, hadaba ma waxaynu u
baahannahay shakhsiyaad huwan magac beesha oo noqda mid
la isku raali galiyo mise waxaynu doonaynaa dawlad wax
qabana ysa oo dalka iyo dadkaba horumar gaadhsiisa
baahidoodana daboosha? Waa iyama.?
Waxaa suurta gal noqon karta in madaxweynuhu yahay qof
bini Adaam ah oo ilduufi kara, qof laba iyo sedex wasiir
oo uu hore u soo xushay ay noqon waayaan wasiiro
xilkoodii ka soo baxa ka bacdina la badalo, waxaa se la
huba in xukuumadan Axmed Siilaanyo wasiirkii ay badasho
i naan lagu badali doonin mid ay isku beel iyo jilib
hoose sii yihiin sidii xukuumadii Riyaale balse qofka
badalayaa waxaa uu noqon doonaa qof u qalma kartidii iyo
aqoontii wasiirnimo oo aan beelnimo lagu soo xulin. Ugu
dambayn wasiir beeshayda ah oo magac u yaal ah waxaa ii
dhaa mawasiir reer Somaliland ah oo karti ,firfircoonaan
iyo aqoon leh.
Maxamud
Caydiid Lafcanbe
Toronto,
Canada |
|