“Marwadu Qaranka Waxba Imay Farin, Imana Fari-doonto” Wasiir Duur

 



Wasiirka arrimaha gudaha Md. Maxamed Nuur Caraale (Duur), ayaa ka jawaabayn eedayn uu u jeediyay............


Hargeysa (TNN) -Wasiirka arrimaha gudaha Md. Maxamed Nuur Caraale (Duur), ayaa ka jawaabayn eedayn uu u jeediyay siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, oo Arbacadii laga reebay diyaarad uu ka raacayay madaarka Berbera oo ku socotay magaalada Muqdisho, isagoo Mr. Cabdiqaadir ku eedeeyay wasiir Duur, inuu bixiyay in diyaaradda laga soo reebo.

Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, oo Geeska Afrika waraysi la yeeshay markii diyaaradda, laga soo reebay, ayaa isagoo ka hadlaya eedaynta uu wasiirka daakhiliga u jeediyay, wuxuu Cabdiraxmaan Cabdiqaadir yidhi “Sidaan meesha ka fahmayna waxa laygu yidhi warkaas waxa soo bixiyay wasiirka daakhiliga, markii wasiirka daakhiliga iyo wasiiro kale la warays tayna waxa la yidhi arintan madaxtooyada ayay ka timid oo wasiirka daakhiligu waxa uu ku dacwooday marwada madaxweynaha ayaa aniga I soo fartay in diyaaradda laga reebo, wali iyagii ayaa isku mashquulsan oo meel ay ku tiiriyaan waa ay la’yahiin, meel ay arintaasu fadhiisan doontana garan maayo.”

Jawaabta Wasiir Duur
Hase yeeshe Wasiir Duur, oo xalay u waramay Wargeyska Geeska Afrika, wuxuu beeniyay eedaymaha Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, waxaanu sheegay inuu madaarada dalka yaalo amar faraya inaan la ogolayn inay Muqdisho socdaalo ku tagaan madaxda xisbiyada siyaasadda, madax dhaqameedka iyo siyaasiyiintu. “Waxaan ka jawaabayaa hawshii madaarka Berbera iyo siday u dhacday. Madaarka go’aan amar ah ayaa yaala oo ah inaan madaxda ururada ama xisbiyada iyo siyaasadiyiinta, iyo madax dhaqameedka inaanay u safri Karin kana iman Karin Muqdisho, oo ah goob aynu siyaasadda ku kala duwanahay oo uu ka dhisanyahay maamul ina sheeganayaa. Xukuumaddu wada hadal ayay kula jirtaa waxaanu u dhexeeyaa labada dawladood, Markaas waa inaanu doc kale ka socon isu socodkii siyaasiyiinta, madaxda ururada iyo xisbiyada iyo madaxdhaqameedka oo ah masuuliyiin tusaale u noqon kara shacabka Somaliland. Markaas go’aankaasi waa go’aan madaarada yaala, cid kasta oo ka timaada ama tagtana lagu qaadayo. Intaas tegitaankooda iyo ka imaatinkoodu waa mamnuuc, markaas qofka siyaasiga ah ee sii socdaa haddii aanu dambi gelin noqo ayuun baa la odhanayaa, labadaas qof [Cabdiraxmaan Cabdiqadir iyo Maxamuud Siciid] oo keliya maaha ee masuuliyiin kale oo badana waa la celiyay, waa shaqadda laanta socdaalka oo ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha iyo amarka ay qabto.”

Isagoo Wasiirka daakhiligu ka sii hadlaya hadalkii Cabdiraxmaan Cabdiqaadir uu ku sheegay inay marwada koowaad Aamina Sheekh Maxamuud Jirde bixisay amarka diyaaradda lagaga soo reebay wuxuu Wasiir Duur yidhi “Waxa kale oo jira sida wax loo dhigay iyo xajiimaynta qof aan hawl-maalmeedka dawladeed meelna ka soo gelin sida marwada oo ah maamus qaran. Marwadu Maamulka dawliga ah amar kuma leh, ee maamuus ayay ku leedahay, Marwadu amar ma bixiso, mana bixin karto meelna kama soo gasho, imanay amrin, imana amri karto. Markaas waxaan leeyahay marwadu qaranka maamuus mooyee maamul kuma laha, waxba imay farin, imana fari doonto, ciddii warskaas tidhina waa cid aan xishoonayn oo aan dhaqanka iyo maamulka iyo milgaha midna garanayn, markaas arrinkasi ma jirin mana jiri karo, mana dhicin, mana dhici karo.”

Farriinta Saxaafadda
Ugu dambayn, waxa uu wasiirka arrimaha guduhu farriin u diray warbaahinta maxaliga ah ee dalka, waxaanu yidhi “Warbaahintu, waa inay ilaalisaa, milgaha sharafta iyo asluubta oo qofkay wax ka qorayso magaciisa la qoraa, qof aan la waraysan in magaciisa la soo qoro maaha. Markaas aniga warbaahin i waraysatay oo hawshaas I weydiisay ma jirto, warbaahintu ciday been ka xigato ha qorto oo ha tidhaahdo hebel ayaa sidaas yidhi. Waxaan kula talinayaa wixii la dhawri jiree sharaf lahaa in la dhowro, marka muranku iyo wax ka sheegu maamulka yahay, inaan guryaha loo gudbin, taasna waan idin kula talinayaa.”



Source: Geeska Afrika