War saxaafadeed

Xisbiga Dimoqraadiga Ummada Bahowday
Xafiiska Siyaasada
Ref: UDUB/f-12/10 Date: 01/11/10
Waxa maanta wadanka soo gaadhay wefdi ka socad Wasaarada arrimaha
Dibada ee Dawlada Sweden, qaybta qaabilsan Africa oo ay hogaaminayso
Ambassador Marika Fahlen ahna ergey khaas ah. ( Ambassodor and
special envoy).
Wefdiga waxa uu maanta galenkii danbe kula kulmay Hotelka Ambassador
madax ka socotey Xisbiga UDUB, halkaas oo ay ka wada hadleen wefdiga
arrimo khuseeya xaalada guud ee dalku ku sugan yahay, iyada oo la
galay marxalad cusub.
Wefdiga oo hadalkiisa bilaabay ayaa sheegay inay u socdaan sidii ay
somaliland wax ula qaban lahaayeen, mar xalada cusub ee dalku
galayna wax uga ogaan lahaayeen.
Mar aanu wax ka weydiinay bal inay wax qabad la socdaan ayay
sheegeen inay u yimaadeen inay helaan xog, dhegystaana madaxda dalka,
xisbiyada iyo ururada bulshadaba. Waxay intaa ku dareen inay la iman
doonaan qorshe sugan marka ay helaan xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta
wadanka Somaliland.
Wafdiga waxanu uga waranay xaalada guud ee dalka iyo in loo baahan
in beesha caalamku gacan ka geysato horumarinta dalka, adkeynta
nabad gelyada iyo xaqiijinta, kor u qaadida Demoqraadiyada wadanka.
Waxanu kale oo sheegnay in
Xisbiga UDUB ka tegey wax yaabo badan oo lagu xusuusan doono, sida
hirgelinta demoqraadiyada, nabad gelyada, waxbarashada, dhismaha
dawladnimo.
Waxa kale oo Xisbiga UDUB lagu xusuusan doonaa xidhiidhka wanaagsan
ee Somaliland la lahayd beesha caalamka, gaar ahaan wadamada jaarka.
Waxanu kale oo xaqiijinay in awooda shacabku codkooda ku bedeli
karaan hogaanka ay dooranayaan, taas oo uu xaqiijiyey Xisbiga UDUB
oo si hufan u aqbalay natiijada doorashada, maamulkiina u weejiyey
si hufan oo aan turxaan lahayn.
Cumar Jaamac faarax
Guddomiyaha Gudiga Siyaasada ee Xisbiga UDUB.
|