JAMHUURIYADDA SOMALILAND
REPUBLIC  OFSOMALILAND

 


Xafiiska Af-hayeenka Madaxtooyada JSL
Email:

afhayeenka_jsl@yahoo.com,afhayeenka@gmail.com,(E-m: private) cukuse@hotmail.com

Date: 04/12/2010
Hargeisa

War-Saxaafadeed

Madaxweyne Ku-xigeenka JSL, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha JSL MUDANE: CABDIRAXMAAN CABDIL AAHI ISMAACIIL (SAYLICI) Waxa uu Maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wefti uu hogaaminaayo MR. ANTON IO GUTERRES oo ah Sarkaal ka socda Hay’ada Qaramada Midoobay u Qaabilsan Qaxoontiga Aduunka ee UNHCR Madaxweyne ku xigeenku waxa uu Weftiga Faah-faahin kasiiyey Xaaladda guud ee Dalka ee Dhinaca Dhaqaalaha iyo Nabad-gelyada waxa kale oo uu Madaxweyne ku xigeenku weftiga uga Xog-waramay inay Somaliland ku sugan yihiin Dad Badan oo Kuman-naan gaadhaya oo qaxoonti ah kuwaas oo Culays wayn ku haya Dalka isla markaana aanay Hay’addan UNHCR aanay u aqoonsanayn qaxoonti balse ay u taqaan Bara-kacayaal noloshoodana aanay wax kaalmo ah ka gaysan Madaxweyne ku xigeenku waxa uu tilmaamay inay Qaxoontigaasi ka soo Galaan Wadamada Deriska la ah Somaliland.



Madaxweyne ku-xigeenku waxa uu Weftiga ka codsaday inay Dadkaa qaxoonti u Aqoonsadaan oo ay Gacan ka siiyaan Somaliland.


Madaxweyne ku xigeenku waxa uu Hay’ada UNHCR ku amaanay kaalmada Binu-aadan-nimo ee ay Somaliland u gaysatay 19 sanno ee uu dalkani jiray.


Madaxa Weftiga MR. ANTONIO GUTERRES Oo ah Sarkaalka u sareeya ee Hay’adda UNHCR oo isna halkaa ka hadlay ayaa Madaxweyne ku-xigeenka iyo Xukuumada somalilandba uga mahad-naqay soo  dhawa yntii lagu soo dhaweeyey Dalka waxaanu si mug-leh uga waramay Hay’ada uu madaxda ka yahay ee UNHCR iyo Shaqadeeda, waxaanu sheegay inay UNHCR diyaar u tahay inay Somaliland kala Shaqayso Hawlaha Binu-aadannimo ee ay u xil-saarantahay waxaanu ka garaabay Culayska Dadka Qaxoontiga ah ee Dalkeeda ku sugan.


Dhinaca Somaliland Waxa Madaxweyne ku-xigeenka kulanka ku wehelinaayey Wasiiradda Warfaafinta ,D uulista iyo hawadda, Waxbarashadda, Arrimaha Guddaha, Caafimaadka, Kaluumaysiga iyo Wasiirku Xigeenka Arrimaha Debeedaa.

Dhinaca Weftiguna waxay ka koobnaayeen Sarkaalka ugu sareeya Hay’adda UNHCR, Sarkaalka UNHCR Madaxda uga ah Africa iyo Sarkaalka UNHCR u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya.

 



ALLAA MAHAD LEH

Cabdillaahi Maxamed Daahir ( Cukuse )

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.