WAR SAXAAFADEED
Hargeysa, Ferbruary 15. 2010 (TNN)-Madaxweynaha JSL. Mudane Daahir
Rayaale Kaahin, waxaa uu maanta Digreeto uu ku Magacaabay Hay’add
cusub oo loo Xil saaray Dhawrista Tayadda Agabka Jamhuuriyadda
Somaliland.
Madaxweynuhu Markii uu arkay qodobka 90aad faqradiisa Sadaxaad ee
Xeerka Dastuur ka Jamhuuriyadda Somaliland isla markaana tix
gelinaaya Ahmiyada wayn iyo baahida loo qabo Dhawrista Tayadda
Agabka lagu isticmaalo Somaliland, waxaa uu magacaabay Ha
y’add Cusub oo ka hawl geli doonta hawshaasi.
Waa markii ugu horaysay ee Jamhuuriyadda Somaliland lagaga dhawaaqo
in Hay’add u Xilsaaran Dhawrista Tayadda Agabka aan isticmaalno ay
ka Hawl geli doonto Somaliland.
Madaxweynuhu isaga oo tixgelinaaya kartida iyo hufnaanta aqooneen ee
uu leeyahay Mudane Ibraahim Diiriye(AF-xakame) waxa uu u magacaabay
in uu noqdo Gudoomiyaha Hay’adda Qaabilsan Dhawrista tayadda Agabka
ee Dalka ka hawl geli doonta”.
Siciid Cadaani Mooge, ayaa
waxa uu u qornaa sida tan “Madaxweynaha JSL. Mudane Daahir Rayaale
Kaahin, waxaa uu Maanta Digreeto uu ku Magacaabay Hay’add cusub oo
loo Xil saaray Dhawrista Tayadda Agabka Jamhuuriyadda Somaliland.
Siciid Cadaani Mooge
Afhayeenka Madaxtooyada JSL
|