Warsaxaafadeed
 

Septmeber 4,2010

Madaxweynaha JSL Mudane: AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO) waxa uu Maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wefdi Balaadhan oo ka Socda Dawladda Britain oo kala ah Ergayga  ga arka ah ee Dawladda Britain u qaabilsan Arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya, Mudane, matt baugh, Safiir ku xigeenka Safaaradda BRITAIN ee Itoobiya, John Marshal iyo Madaxa  hay’ad da Mucaawimadda ee qaabilsan Britain , DFID, xafiiskeeda Magaaladda Nairobi Alaister  Fer nte.

Madaxweynuhu wuxuu Wefdigan uga waramay Xaaladda Guud ee dalka ee dhinacyadda  Siy aasadda, Dhaqaalaha, Nabad gelyadda iyo Arrimaha Bulshadda, iyo Qorshaha Xukuumadda Somaliland ee ku aadan horumarinta dalka.

Madaxweynuhu waxa uu Weftiga uga waramay Xaalada Nabad gelyo ee Gobolka iyo sida ay Xukuumadu Diyaar ugu tahay inay wadamada Jaarka iska kaashadaan Adkaynta Nabad  gel yada Gobolka sidoo kalena ay Beesha caalamka kala Shaqayso Dagaalka lagula Jiro  Argagixi sada iyo Budh-cad baddeeda.

Kulankan, waxa dhinaca Somaliland Madaxweynaha ku wehelinayay, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Debedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar.
 


ALLAA MAHAD LEH
 


Cabdillaahi Maxamed Daahir ( Cukuse )

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL