WARSAXAAFADEED

 

Hargeysa (TNN)- Xoghayaha guud ee xisbiga Kulmiye Keyse Xasan ayaa soo saarey  wa rsaxaafadeed ku wajahan sidii dadweynaha ku dhaqan  caasimaddu  u soo dhaweeyeen Guddomiyaha Xisbiga Kulmiye, Muj Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo).

Warsaxaafadeedkaas oo dhameys tiranna sidan ayuu u qornaa:

“Waxaa hoggaanka Xisbiga Kulmiye aad ugu mahadnaqayaa dhammaan  taageerayaas ha iyo guud ahaan shacabweynaha degan magaala madaxada ee Hargeysa sidii  diirra neyd ee ay u soo dhoweeyeen Guddoomiyaha Xisbiga, isla markaana ah Musharaxa  Ma daxweynah Mudane Axmad Maxamad Siilaayo kadib markii uu kasoo laabtay socdaal uu ku tegay dalka Maraykanka oo laga casuumay.

 

Wuxuu hoggaanka Xisbigu aad ugu riyaaqay sida sharafta iyo maamuusku ka muuqday ee shacabweynuhu ay isugu soo baxeen suuqyada iyo wadooyinka magaalada iyadoo lulaya calamo iyo caleemo qoyan kuna dhawaaqaya eryo iyo hadalo soo dhoweyna.

 

Wuxuuna isu soo baxaasi noo caddaynayaa kalsoonida iyo taageerada uu shacabka  So maliland u hayo Xisbiga iyo hoggaankiisa. Waxaanu aad ugu rajaweynahay inuu  shacab weynuhu diyaar ula yahay codkiisa inuu siiyo Hoggamiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane  Ax mad Maxamad Siilaanyo.Ugu dambeyntii waxaanu ku boorinaynaa xukuumada iyo  Xisbi ga tala haya ee Udub inay dhageystaan oo ixtiraamaan dareenka iyo dhawaaqa  bulsha da.”