War Saxaafadeed
JAMHUURIYADDA SOMALILAND
Republic of SOMALILAND
Xafiiska Af-hayeenka Madaxtooyada JSL
Date: 30/10/2010
Madaxweynaha JSL Mudane: AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO) ayaa
Maanta Guddi heer qaran ah u magacaabay Tayeynta Billicda Caasimada
Dalka ee Hargeisa oo ah Muraayadi Dalka.
Guddidan uu madaxweynuhu magacaabay oo ka kooban Lix (6) Xubnood oo
ka kooban Wasiiro iyo Maayerka Caasimada.
Madaxwynuhu waxa uu Magacaabista Gudida ku yidhi sidan:
Mudanayaal, Sida aad ka war qabtaan, bilicda iyo muuqaalka
caasimaddu wuxuu qayb muhiim ah ka qaadanaya milgaha dawladnimo.
Haddaba Mudanayaal, laga bilaabo taariikhda warqadan waxaan idiin
magacaabay Guddida Bilicda Caasimadda Hargeysa, waxana gudoomiye
idiin noqon doona Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dr. Maxamed
Cabdi Gaboose.
Magacyada Gudida
1. Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha
2. Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda
3. Mudane, Xuseen Axmed Caydiid, Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud
iyo Gaadiidka
4. Dr. Xuseen Axmed Maxamed (Xoog),Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka
5. Mudane, Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geel-jire), Wasiirka
Wasaaradda Warfaafinta
6. Mudane, Xuseen Maxamuud Jiciir, Maayarka Magaaladda Hargeysa,
Ahna Gudoomiyaha Golaha Deegaanka
Ugu danbayn waxa uu Madaxweynuhu Gudidan kula Dardaarmay in ay Sida
ugu Dhakhsaha Badan hawshan u Gutaan oo ay Xil wayn iska Saaran
Waxaanu yidhi madaxweynuhu Illaahay Haydin Fudaydiyo hawshaa
ALLAA MAHAD LEH
Cabdillaahi Maxamed Daahir ( Cukuse )
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL
|