WAR SAXAAFDEED
Date: 26/10/2010
Madaxweynaha JSL Mudane: AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO) waxa uu
maanta Hotel M ansour Hargiesa ku qaabilay Wefti Balaadhan oo
uu horkacayo Wasiirka Horu-marinta iyo Xidhidhka Caalamiga ah ee
Dawlada Denmark MR. SOREN PIMD.
Kulankan oo ahaa kii ugu horeeyey ee Noocisa ah oo ay Dawlada
Denmark iyo Dawlada Somaliland wada yeeshaan waxa uu wasiirku
Somaliland soo gaadhsiyey Koolmo toos ah oo u gudoonsisey Daw
lada Somaliland.
Madaxweynuhu waxa uu Weftiga uga waramay Dadaalka ay Somaliland ugu
jirto Qaran ku dhisan Di muquraadiyad, cadaalad iyo Maamul wanaag.
Madaxwweynuhu waxa uu Weftiga Warbixin muqleh ka siiyey sida ay
Somaliland wax u qabsatay, D hinacyada Dhaqaalaha, Nabad gelyada iyo
Dawladnimada waxaanu sheegay in ay Somaliland Beesha caalamka Ka
dalbanayso in la Aqoonsado oo ay ka mid noqoto Qaramada Caalamka,
Isla markaana ay Buuxisay Shuruudihii oo Dhan.
Geesta kalena Madaxweynuhu waxa uu Weftiga uga mahad naqay Niyad
Samida ay Dawlada Denm ark u muujisay Somaliland iyo
Booqashada ay ku yimadeen Dalka Somaliland.
Ugu danbayna Madaxweynuhu waxa uu Weftiga dareensiyey Kaalmada iyo
Gacanta ay Somaliland uga baahantahay Beesha caalamka isagoo uga
mahad naqayna kan ay Maanta Gudoonsisay Dawla da Denmark.
Kulankan oo Qiimo wayn ugu fadhiya Somaliland waxa ay xukuumadu
weftiga u soo bandhigtay Qors heheeda dhinacyada Dhaqaalaha,
Nabad-gelyada, Cadaalada, Horu-marinta, Waxbarashada iyo Caa
fimaadka iyo Tayeynta Shirkadaha Gaarka loo leeyahay iyo Meelaha uu
Qorshahani uu Gacan qabas hada uga baahan yahay.
Wasiirka Xidhidhka Caalamiga ah ee Denmark ayaa isaguna Madaxweynaha
iyo Xukuumada Somalila nd-ba uga mahad naqay soo dhawaynta iyo
warbixinta ay ka siiyeen Dalka Somaliland.
Wasiirku waxa uu Somaliland ku Amaanay Hanaanka Dimiquraadiyadeed ee
sida wanaagsan uga hir galay iyo Sidii ay u Dhacday Natiijadii
Doorashadii Madaxtooyada ee dalka ka Qabsontay taas oo uu sheegay
inay Indhaha Caalamka Soo Jiidatay.
Wasiirku waxa uu Somaliland ku tilmaamay Qaran u qalma in wax lala
Qabto waxaanu balan qaaday in uu dhinacooda Dadaalidonaan.
Gebegabadii kulanka waxa uu Wasirku Magaca Dawlada Denmark
Madaxweynaha Somaliland ku gud oonsiiyey Had-yad, Sidoo kale
ayuu Madaxweynaha Dawlada Somalialnd-na gudoonsiyey Had-yad Wasiirka
ka Socday Dawlada Denmark MR. SOREN PIMD.
Dhinaca Xukuumada Somaliland waxa Madaxweynaha kulanka ku
Wehelinaayey Wasiirka Arrimaha Debeda, Wasiirka Qarshaynta Qaranka,
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Maaliyada, Wasiirka Xanaanada
Xoolaha iyo Maayerka Caasimada Hargeisa.
ALLAA MAHAD LEH
Cabdillaahi Maxamed Daahir ( Cukuse )
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
|