WARSAXAAFADEED

Taariikh: 26
February 2012
Ku: Dhamaan Isuduwaywasha Wasaaradda Macdanta, Tamarta & Biyaha JSL
Ku: Dhamaaan Gudoomiyayaasha Gobolada JSL
Ku: Dhamaan Gudoomiyayasha Golaha Degaanka ee Degmooyinka JSL
Og: Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha JSL
Og: Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada JSL
Og: Madaxwayne ku xigeenka JSL
Og: Madaxwaynaha JSL
Ujeedo: Qodista Ceelasha Biyaha
Anigoo tixgelinaya in ay biyuhu nolosha noolaha oo dhan u yihiin
udub dhexaad, sidoo kalena tixgelinaya inay waajib dawli ah tahay in
qof kasta oo degan dhulweynahaJSL uu xaq u leeyahay inuu helo biyo
na diif ah oo dabooli kara baahidiisa daruuriga ah. Isla markaana ka
hortagaya wasakheynta biyaha dhulka hoostiisa ku jira (taas oo aan
si naba suurtogal u ahayn in dib loo nadiifiyo), waxa kale oo ay
wareegtad ani meesha ka saaraysaa khilaafka ka dhex qarxa shirkadaha
ceelasha biyaha qoda oo badiba ku hungoo ba inay wax natiijo ah ka
gaadhaan shaqadooda iyo dadka rayidka ah oo aan marnaba ku qancin
jawaa baha aan cilmiyeysnayn ee ay bixiyaan masuuliyiinta
shirkadahaasi.
Sidaa awgeed waxaan soo saaray wareegtadan qeexaysa qodobada hoos ku
qoran:
Dhamaanba shirkadaha qoda biyaha dhulka hoostiisa ku jira waa in ay
ogolaansho (drilling Permit) ka ha ystaan WMT& Khayraadka Biyaha.
Shirkaduhu waxay qodista ceel bilaabi karaan ka dib markay
ogolaansho buuxa ka hesho xafiiska agaasi nka biyaha ee WMT& Biyaha,
iyadoo injineerada waaxda biyuhu ay ku khasban yihiin inay riiga ku
dul qot omiyaan meel ay macluumaad buuxa ka hayaan. Tani waxay
muhiim u tahay in hantida shacabka loo ade egsado sida ugu haboon.
Dhamaan shaqaalaha ka shaqeeya riigagga qoda ceelasha biyaha wa in
ay ka diiwaan gashanaadaan xafiiska agaasinka biyaha ee Wasaaradda.
Waxa lagu wargelinayaa cid kasta oo ka hor timaada qodobadan kor ku
xusan inay la kulmi doonaan ciqaab waafaqsan sharciga Somaliland.
Waxa lagu war galinayaa dhamaan hayadaha ka shaqeeya hawlaha biyaha
in ay iska diiwaan geliyaan waaxda biyaha ee WMT& Biyaha.
Haddaba waxaan ka codsanayaa dhamaan masuuliyiinta ay wareegtadani
tooska ugu socoto iyo masuuli yiinta ogaysiinta ku lehba inay sidaa
ula socdaan isla markaana gacan ku siiyaan Isuduwayaasha WMT& Biyaha
si ay u gutaan waajibaad kooda. Isla markaana waxaan farayaa
agaasinka waaxda biyaha in uu si dhaqso ah u diyaariyo dhamaan
dhukumentiyada iyo ruqsadaha looga baahan yahay wareegtadan. Sidoo
kale waxa Agaasimaha guud ee WMT& Biyaha la farayaa in uu hirgaliyo
fulinta wareegtadan.
Allaa Mahad Leh,
Wasiirka Wasaaradda Macdanta, Tamarta & Khayraadka Biyaha
Eng. Xuseen Cabdi
Ducaale
|