WAR SAXAAFADEED

Ref: UDUB/XGK/F-2-1147 Date: 30
July 2011
Shir balaadhan oo ay isugu yimaadeen Madaxda Sare ee Xisbiga UDUB
markii ay wax badan isla falanqeeye en waxay isla qaateen:
In shirkii Xuska 10 guurada Xisbiga UDUB iyo Fadhigii Golaha Dhexe
loo mudeeyey inuu furmo 19-ka Septem ber 2011, si cibaadada bisha
Ramadan loo guto.
Waxa Xisbigu aad u falanqeeyey wacyiga maanta jira ee Ururo furista
iyo Xeerka horyaala Golaha ee Xeer No. 14, arrintaas oo hore Xisbigu
mawqifkiisa uga dhiibtay kuna tilmaamay Guddigii ka talo bixinta ee
Madax weynuhu u saaray inay ahayd guddi aan sharci ahayn waxa
xisbigu hore u duray soo jeedintoodii taas oo aan 1700 qof ka
tarjumi karin rabitaanka shacbiga Somaliland oo lagu qiyaaso tiro ka
badan 3.5 milyan wax aanay noqonaysaa tiradaa guddigu wax ku
saleeyeen nisbad ah 0.05% tirada guud ee shacbiga reer Somal iland.
Waxaanu haddaba farriin u
diraynaa Golayaasha Sharci dejinta inay si lexejeclo ku jirto uga
fiirsadaan arri ntaas maanta hortaala ee dabada laga wado, wakhti ku
filan oo lagaga baaraandegona siiyaan, si aan um maddan loogu
afduubin meel aan hadhaw wax laga qaban karin.
Allaa Mahad Leh
Axmed Yussuf Yassin
K/S Guddoomiyaha UDUB
|