Jamhuuriyadda
Somaliland
October 10, 2011
Ref: 37/011
Ku: Saxaafadda Madaxa Bannaan
Uj: War-Saxaafadeed Dalladda Ururada Dhallinyarada Somaliland Ee
SONYO
Dalladda ururada dhallinyarada Somaliland ee SONYO, waxa ay hambalyo
halkan uga gudbinaysaa xildhibaanadii golaha wakiilada ee Maanta
shir-guddoonka golaha wakiil ada u soo gudbiyey mooshinkii ay ku
saxeexnaayeen 19 xildhibaan oo dalbanayay wax ka badal lagu sameeyo
xeer Nambar 20, gaar ahaan qodobka dabarka sharci ku ah
dhallinyarada reer Somaliland ee doonaya in ay ka qayb galaan talada
dalkooda.
Wax ka badal lagu sameeyo qodobka da’da lagu soo galayo golayaasha
deegaanka dalku waa mid muhiimadiisa leh si ay dhallinyaradu u
helaan xuquuqdooda dastuuriga ah ee muwaadinimo. Sidaa darteed SONYO
oo ka duulaysa raadinta xuquuqda dhalli nyarada Somaliland waxa ay
hambalyo iyo mahad-naq ballaadhan u dirayaan xildhina abada ku
dhiirraday in ay dareemaan baahida loo qabo furista dabarka sharci
ee dha llinyarada ka hor taagan ka qayb galka talada dalka.
Xil-dhibaanada maanta shir guddoonka u gudbiyay mooshinkan dhimista
da’da qofku ku soo galayo golayaasha deegaanka ee Xeer Nambar 20
waxa ay naga mudan yihiin in aan ugu hambalyayno tallaabadaasi
geesinimada ah ee ay qaadeen, anaga oo ku wa kalena ka filayna in ay
ku dhiirradaan meel marinta sidii ay ajandaha ugu soo dari lahaayeen
qodobkaasi waxna uga badali lahaayeen, marka dooddiisa la gudo galo.
Guud ahaan dhallinyarada reer Somaliland waxa ay gudo iyo dibadba ka
dhur sugay aan sida ay xildhibaanada golaha wakiiladu uga dhabeeyaan
damacooda dastuuriga ah, iyada oo ay dhallinyaradu xildhibaanada ku
dhiirri galinayaan sidii ay qodobkaasi da’da dhallinyarada
Somaliland uga dhigi lahaayeen 25-jir halka uu markii hore ka ah aa
35-jir
Allaa Mahad Leh
Maxamed Maxamuud Yuusuf (Ilkacase)
Madaxa Xidhiidhka Dadweynaha (SONYO PR Officer)
|