Wariyaha Timacade News ee Degmada Wajaale oo Deeq lacaga  ku Ware ejiyay Cabdi Maxamed aw Xasan oo ah Miskiin Laxaa dka Araga iyo Maqalkuba ka maqanyihiin oo Gacmaha wax ka maqla

 

Hargeisa (Timacade News)-Wariyaha Timacade News ee Degmada Wajaale C/risaaq Muxumed Aw Daahir (C/risaaq Dhago) ayaa Deeq lacag ah oo Dhan 250$ gudoonsiiyay Cabdi Muxumed Aw Xasan oo ah nin mucjiso ah oo dhibaataysan oo laxaadka Araga iyo Maqalkuba ka maqanyihiin oo ku sugan Degmada Wajaale


Deeqdaasi oo ay soo gaadhsiiyeen walaalahooda kala ah Idiris Cabdilaahi Habane  iyo Sarmad Sheekh oo ilaahay dartii ugu deeqay miskiinkaa laxaadka la ee ku dhibaataysan magaalada Waj aale ,kaasi oo aan cid iyo ciirsi toona ku lahayn  Magaaladaasi marka laga reebo walaalkii oo aan isaguna waxba ku dhaamin .


Dumar Soomaaliyeed oo degen wadanka Ingiriiska ayaa hore usoo gaadhsiiyay deeq lacag ah oo dhanayd  $325 kuwaasi oo markii ay arkeen dhibaatada haysata miskiinkan mucjisada ah ay u damqadeen.

Waxaanu ku war galinaynaa cid kasta oo Jecel inay wax uqabato ninkaa miskiinka ah inay ugu soo hagaajiyaan wixii ay ku tarayaan Account-ka Xawaalada Qaran ee Numberkiisu yahay 1511.


Ama Xafiiska Guud ee Shabakada Wararka ee Timacade News Hargeisa si ay ugu Gudbiyaan Walaalkooda Dhibaataysan ee Cabdi muxumed Aw Xasan. Wixii Faahfaahin ah ee intaa Dheer kala Xidhiidh telephonadan 002522-4423109 ama 0025224469301

 

Dhibaatada ninkan la soo deristay oo  Shabakadda Timaacde News  hore u shaacisay ,waxaad wark aas oo faah faahsan ka heli kartaa:

 

1-Yaa caawinaya Cabdi Muxumed Aw Xasan

2-Haween Somaliyeed oo degan Bolton,UK oo deeq lacageed soo gaadhsiiyey Cabdi Muxumed Aw Xasan

 



Timacade News Desk

Hargeisa/Somaliland
timacadenews@hotmail.com