Wargeyska Guardian oo Warbixin Xiiso leh ka qoray Nolasha Miyiga ee Qoyska Xidiga Mo Farah

 

 


David Smith oo ah Suxufi ka tirsan Wargeyska Caanka ah ee Guardian ee ka soo baxa magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa warbixin xiiso leh ka qoray qoyska uu ka soo jeedo halyayga weyn ee reer Somaliland ee haysta jinsiyada British-ka ah ee todobaadkii hore ku guulaystay tartanka 10000m ee ciyaaraha Olmiga adduunka ee ka socda magaalada London.

Warbixintan oo ah mid aad u xiiso badan ayuu David Smith ka qoray qosyka xidigan caalamiga ah ka dib markii uu ku booqday meel miyi ah oo u dhow deegaanka degmada Wajaalle ee gobolka Ga biley, waxaanay warbixintaasi oo xiiso badnayd aanu ka soo turjunay intii ugu muhiimsanayd oo u dhignayd sidan:-



Mo Farah walaalkiisa ugu weyn qoyskooda ee Faysal Iyo Hooyaddii Amran, waxay u lugayn doonaan 4 Mile meesha ugu dhow ee ay ka heli karaan Laydh ay ku daawadaan finalka tartanka orodka ee 5000m ee ciyaaraha olombiga.

Faysal waxa uu u lugaynayaa Sabtida degmada Wajaalle oo 4 u jirta halka ay degan yihiin oo ah meesha ugu dhow ee uu ka helayo laydh si uu u daawado walaalkii Mo Farah oo u tartamayaa biladii labaad ee Dahab ah ee uu ka qaato tartanka Olombiga ee ka socda magaalada London.

Hooyaddii Amran oo imika ku hadhaysa daabiyadda ay degan yihiin ku taalla miyiga Somaliland waxay ka daawanaysay ciyaartii kama dambaysta tartankii Orodka 10000m ee wiilkeedu ku guulaystay goob TV-ga laga daawado oo aad loogu soo ururo.

“Markii uu guulaystay Mo Guulaystay waxaan u qarxi gaadhay sida Bamka oo kale,”ayuu yidhi Faysal oo ah beeralay 37 jir ah kana weyn walaalkii sided sanadood.

Faysal waxa uu intaasi ku daray “Waxa jiray dad badan oo ku farxay guushiisa. Waan dabaal degay, waxaanan dadka siinayay Jaad iyo Hilib.”

Mo Farah inkasta oo uu u ordayo dalka Britain, haddana Soomaalidu waxay u daawanayaan indhahana ugu hayaan si dhow waxaanay ku dhawaaqayaan geesigoodan dalkooda ka soo jeeda. Wuxuu ku dhashay Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, qoyskooduna waxay ku nool yihiin Somaliland oo ka go’day Soomaaliya.

Mo Farah waa ilmaha afraad ee qoyskooda, halka Faysal-na ka yahay curadkooda waxaanu ku nool yahay meel daabiyad ah oo u dhow xadka Itoobiya iyo Somaliland. Waa meel fog oo Hargeysa u jita illaa 40 Mile, waxaanay si aad deegaankaasi u gaadho u baahanaysaa Baabuur Land Cruiser ah si aad uga gudubto dhulka rafka ah.waxaana ku gadaaman goobta Faysal degan yahay dhul beereed, waxaanad ku arkaysaa Geel, Lo’ iyo dameero.

Faysal wax a uu inta badan tagaa magaalada Wajaalle si uu uga soo dabaysto Telefoonkiisa gacanta, ugana soo eegto xawaaladda in walaalkii Mo Farah u soo diray wax lacag ah.

“Mo Farah wuxuu xiisayn jiray oo uu jeclaa yaraantiisii Kubadda cagta iyo orodka,”ayuu yidhi Faysal, waxaanu intaasi ku daray “Wuxuu carari jiray jidadka xiligiisii caruurnimo, waxaanu ahaa qof mar kasta dhoola cadaynaya oo faraxsan.”

Faysal waxa uu sheegay inay wada ciyaari jireen kubadda isla markaana baratami jireen Mo, waxaanu carabaabay in walaalkiisa xidiga ahi ka dheerayn jiray caruurnimadoodiiba.

Faysal wuxuu dareemay markii uu todobaadkii hore daawanayay ciyaarihii walaalkii ku guulaystay “Waxay ii ahayd sidii inaan anigu ordayo oo kale, markaa kama xumi isaga (Mo Farah).”

Aabahood wuxuu ahaa Ganacsade waxaanay ku noolaayeen nolol wanaagsan iyo Guri daar ah oo dhagax ah, laakiin waxa ka burburiyay dagaaladii labaatanka sanadood ka socday Soomaaliya.

“Waxa dhintay dad jaarkayaga ahaa, qaarna way dhaawacmeen, waayo sidayada oo kale waxay markoodii hore ka tageen Somaliland. Waxaan xusuusta rasaas nalagu furay iyo qaraxyo nalagu bartilmaameedsanayay Soomaaliya ma jeclaysto markay xusuustaydu dib u soo celiso. Waxaan isku dayaa inaanan dib u xasuusan,“ayuu yidhi Faysal oo ka hadlayay markii ay Soomaaliya joogeen dagaaladii ka dhacay.

Waxaanu intaasi ku ladhay hadalkiisa “Waxaanu tagnay xeryo qaxoonti oo aanu ku noolayn taandho yar. waxaana aanu ka tagnay Ganacsigayagii iyo lacagtayadii, waxaana aanu mudanay faqiirnimo iyo nolol adag. Dalkuna (Somaliland) wuu burburay. Nasiib wanaagse Mo Farah wuxuu ahaa kuray yar oo caafimaad qaba.”

“Mo wuxuu hadda ku nool yahay nolol wanaagsan, laakiin anigu maan jeclayn inaan Britain tago, waxaan jecelahay inaan ku nagaado dalka oo ka faa’iidaysto. Walaalkay wuu naga maqan yahay laakiin wuxuu nagula soo xidhiidhaa maalin iyo habeenba Telefoon,”ayuu yidhi Faysal, isagoo hadalkiisa sii watayna wuxuu yidhi “Haddii aad bilowdo tababarka waa suurto-gal inaan maalin qudha kaga taajirto Ciyaarayaha Olombiga. Marka walaalkay noo yimaado sanad kasta hal mar waxaanu wadaagnaa sheekooyin badan.”

Waxa kale oo Faysal inaanay Hooyadii jeclayn inay Ingiriiska tagto iyo magaalooyinkaba.

Wuxuu sheegay in kasta oo uu Mo Farah ku ordayo Britain haddana inuu yahay Soomaali oo uu wa laalkiis yahay, waxaanu yidhi “Isagu waa Soomaali, calan kasta oo uu sito waa walaalkay. Wuxuu noqon karaa mid laba dal u dhashay. Haddii uu ku cararo calanka Somaliland waxay noqon lahayd wax weyn.laakiin wuxuu imika haystaa jinsiyada Ingiriiska xiligan, waana aan la dhacsan nahay in uu ku cararo oo uu noqdo nin caan ah.”

Wasiirkii hore ee wasaaradda Arrimaha dibadda Somaliland Edna Aadan Ismaaciil, ayaa tidhi “Mo Farah wuxuu ku dhashay Muqdisho, halkaasi oo dad badan oo u dhashay Somaliland ay ku noolaay een kana shaqaysan jireen intii lagu gudo jiray midowgii Somaliland iyo Soomaaliya.lsskin ksms juu iman Soomaaliya ee wuxuu ka yimid Somaliland. Waa qabiilkiisuna waa Isaaq, jufadiisuna waa Jibriil Abokor. Ma nihin umanaanu dhalan Soomaaliya.”

Edna Aadan waxa kale oo ay ka hadashay dareenkeeda la xidhidha guulaha Mo Farah, waxaanay tidhi “Muwaadiniinta Somaliland aad iyo aad ayay ugu faraxsan yihiin una dabaal-degeen guusha uu gaadhay Mo Farah, inkasta oo uu ku cararayo magaca Britain waa mid anaga (Somaliland) naga mid ah, guulihiisuna waxay noo tahay mid aanu aad ugu han weyn nahay. Waxaana aanu u aragn aa inay xudun u noqonayso inaanu isku xidhano Britain
 

 



Omar Mohamed Faarax