Salaadiin Reer Somaliland ah oo Maxkamad la Tiigsanaya Mid ka Mid ah Wargeyada Dalka oo War ka Qoray
 

Hargeysa, August 18, 2010 (TNN) - Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi, Boqor Maxamuud Cali Carab iyo Suldaan Axmed Nuur Cabdilaahi Sammaale, oo ka mid ah Salaadiinta Somaliland ayaa beeniyay war dhawaan ku soo baxay Wargeyska Waaheen, kaas oo sheegayey in Salaadiinta qaarkood ka biyo diidsan yihiin talaabooyinka uu ilaa hadda Madaxwayne Siilaanyo qaaday ee ku salaysan  maa mulkiisa.

Salaadiintan ayaa sheegay in warka wargeysku qoray oo ciwaan looga dhigay "Salaadiin  Somalila nd oo wada shirar ay kaga biyo diidsan yihiin talaabooyinka uu Axmed Siilaanyo fuliyay" aanu  aha yn war sal iyo raad toona leh sidaa daraadeed ay maxkamada dastuuriga ah la tiigsan doonaan  w argayska Waaheen haddii aanu cadayn halka uu warka ka keenay.

Sallaadiinta oo shir jaraa'id maanta ku qabtay magaalada Hargeysa, ayaa Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi oo ah suldaanka guud ee beelaha Subeer Awal oo ugu horeyn shirkaa jaraa段d ka hadlay ayaa hadalkiisa ku bilaabay "Halkan waxaanu iskugu nimid in aanu ku beenino war ku soo baxay  sa aladii doraad Wargeyska Waaheen kaas oo uu ciwaankiisu ahaa "Salaadiin Somaliland oo wada  shi rar ay kaga biyo diidsan yihiin talaabooyinka uu Axmed Siilaanyo fuliyay"

Waxaanu aad iyo aad aanu uga xunahay shirkayagan jaraa段d uu ku saabsan yahay warkaas uu  q oray wargeyska Waaheen oo runtii waaqiciga ka fog oo aan xitaa ku salaysnayn arinta dhabta ah ee Salaadiintu ay isugu yimaadeen ama himilada salaadiinteeda lafteedaba."

Suldaan Xasan waxa kale oo uu soo qaaday "Warkaasi ujeedada uu doonaba ha lahaadee ilaa  maa lintaa maanta ah ilaa maalintii uu soo baxay dhawaaqiisu aadbuu noogu faro-batay, jaraa段dku  wa xa uu sheegay salaadiin gaadhaysa ilaa 20 ay shirar muddo u soo socdeen, waxaanu cadaynaynaa in Saaldiintaa uu sheegay ee uu taxay ee uu yidhi waa beelaha Isaaq, waxaanu cadaynaynaa in  S alaadiintu ay mar walba isku timaado oo ay iskaashi buuxa leedahay oo xidhiidh saaxiibtinimo ayaa ka dhaxeeya." Ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray "Waxa xusid mudan ilaa maalintii natiijada  door ashada lagu dhawaaqay iyo intii Madaxwaynaha la dhaariyey ee xukuumadan cusub ee shacbigu soo doorteen ay timid salaadiin intaa leeg iskumay iman, laakiin shirka ay isugu yimaadeen  dhawa anta waxa uu ahaa mid Alle bari ah oo loogu Alle baryayo xukuumada cusub."

Suldaanka guud ee Subeer Awal waxa kale oo uu sheegay "Arinka labaadna waxa uu ahaa in  Saal adiintu ay booqdaa Madaxwaynaha la doortay Axmed Siilaanyo kulan iswareysiyana ugu tagaan la iskana wareysto arimaha amaanka maadaama oo salaadiintu doorka ugu muhiimsan ku leeyihiin  a rimaha nabadgalyadda, laakiin waxa layaab iyo naxdin nagu noqday markii aanu doraad ku  warhel nay telefoono badan oo ah arinkan odhanaya Saaldiin Somaliland kulan garnaqsi ah ayay  Madaxw aynaha ugu tagayaan." Ayuu yidhi waxaanu intaa sii raaciyay "Waxaanu beeninaynaa oo aanu  ca daynaynaa in aanay arinkaa waregayska Waaheen qoray waxba ka jirin, Madaxwynaha  Somalila nd-na aanu maanta taagnayn meel lagula garnaqsado oo dawladu curdin tahay oo dhismaheedii wali socdo oo xitaa Agaasimayaasheedii aan la magacaabin, ilmaha xalay dhashay lama canaan karo, xukuumada dhalatayna xiligii la canaanayeyna may gaadhin, xili loo dulqaadin kari waayana may gaadhin."

Ugu dambayn Suldaan Xasan waxa kale oo uu tilmaamay "Waxa salaadiinta ka go誕n in ilaa heer  m axkamadeed la gaadhsiiyo, waxaanuna ku rajo-waynahay in wargeyskuna uu isdifaaci doono."

Boqor Maxamuud Cali Carab, oo isna shirka jaraa段d oo ka dhacay Hargeysa kalmado kooban ka  sh eegay ayaa hadalkiisa ku bilaabay sidan "Anagu waxaanu nahay madaxdhaqameed oo shacabku dhaqanka u doortay. Ma jiro shir aanu u qabanay xukumada qiimaynteeda iyo waxa ay qabatay ka biyo diidkeeda, laakiin shirarka salaadiibtu had iyo jeer way isugu timaado, shirkii aanu dhawaanta yeelanayna muu ahayn waxqabadkeeda laakiin salaadiintii dhammaatood waxay ku hadlayeen  taa geerada dawlada cusub."

Boqor Maxamuud waxa kale oo uu tilmaamay "Ta labaad Madaxtooyada anaga ayaa kulan ka  cods anay, waana in markii mudo la joogaba mar al kulmo, anaga oo markii hore si guud ugu wada  tagn ay oo soo tahniyadaynay., imikana waxaanu ugu tagaynaa halkee wax kuu marayaan iyo maxaanu kula qabanaa, maxaanu nabadgalyada kaala qabanayaa."ayuu hadalkisii ku soo koobay.


Suldaan Axmed Nuur Cabdilaahi Samaale, oo isna halkaa ka hadlay isla-markaana fajac ka muujiyay warka wargeysku baahiye ayaa si kooban u yidhi "Waxa meesha yimid wax aan afka Salaadiinta ka iman, wax aan shirkayagii ku jirin ayaa yimid, soomalidu waxay tidhaahdaa wixii la arki jirayna wixiisaa laga naqaa, wixii aan la arki jirina subxaanalaa ayaa laga naqaa, arinkan jaraa段d ku soo baxayna subxaanalahas ayaanu leenahay."




Source:Berberanews.com