Dr. Gabboose oo ka hadlay Rabshad ka dhacday Ma gaalada Ceerigaabo iyo ciddii ka dambaysay
 

Laascaanood (TNN) - Madaxa ololaha doorashada Madaxtooyada ee xisbiga  KULMI YE u qaabilsan gobollada Bariga Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, ayaa  faah faahin ka bixiyay rabshado shalay ka dhacay magaalada Ceerigaabo, ka dib markii wefti uu hogaaminayaa gaadheen gobolkaas.

Dr. Gaboose oo uu xalay khadka Telefoonka waraysi kula yeeshay Wargeyska  Oga al, waxa uu sheegay qaabkii rabshadahaa weftigiisa lagala hortegay ku  bilaabant ay, wuxuuna ku hanjabay in ay sii socon doonto munaasibado uu kula hadlayo  dad ka degaankaas oo si wayn u soo dhaweeyay. Waraysigaas oo uu sidoo kale kaga hadlay qorshaha socdaalkiisa, waxa u u dhacay sidan;

S: Ugu horayn, guddoomiye faahfaahin naga sii siday wax u dhaceen markii aad Ceerigaabo gaadheen?


J: Gobollada u marayay inaan soo dhiso guddiyada ololaha ee xisbiga KULMIYE. Waxa kale oo qayb ka ahaa in barnaamijka KULMIYE loo sharaxo, buugaagtana u qaybino. Waxa kale oo aanu wadnaa in aanu dadka ku wacyigelino kaadhadhka diiwaangelinta qaataan. Markaa Ceerigaabo waxay ka mid tahay gobollada Bariga ee xilkaygu ahaa, saaka (shalay subax) markaan imidna dadweyne fara badan iyo gaadiid baa igu soo dhaweeyay. Ka dib, magaalada ayay igu soo wareejiyeen, halkaa la i mariyay waxa la mariyay Xoghayaha guud ee xisbiga UDUB, waxa la mariyay guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe.

Markii aanu magaalada soo maray, iyadoo intaasoo Km dad tuban yihiin, waxaanu tagtay xafiiska KULMIYE. Waxaanu markaa rabnay in aanu khudbada dib u dhigano, laakiin aanu dadka u mahadcelino, dabadeedna markii aanu xafiiska istaagtay buu dhagax bilaabmay. Labadii Dhagax ee u horeeyay markii ay soo dhaceen ee ay  xafi iskii korkiisa oo Jiingad ah ku dhaceen, waxa xabado riday askar, markii dadku  xaba da maqleena way kala yaaceen. Ka dib markii dadku iska yaaceen, qoladaa  dhaliny arada ah oo magaaladu aaminsan tahay inay markaaba ka soo baxeen xisbiga UDUB xafiiskiisa iyo dhalinyaro kale oo xisbiga KULMIYE ah baa is helay, markii dambena Ciidamadaa soo dhex galay oo sidaas baa lagu joojiyay.

S: Intaad ogtahay imisa qof baa wax ku noqday shaqaaqadaas?


J: Inan Jaamacadda dhigta ayaa ku dhaawacmay, Alle haw naxariistee dhaawaciisa galabnimadii buu u dhintay, waxaana ku dhacday xabad ciidamadu rideen. Waxa kale oo jira dhaawacyo yaryar oo ilaa saddex qof la iigu sheegay oo aan waynayn oo Dhagxaan ku dhacdhaceen.

S: Yaad u malaynaysaa inay rabshadahaa ka dambeeyeen?


J: Way iska caddahay, hubaal weeye. Xisbiga talada haya saacad walba waxaad ku arkaysaa Telefishanada isagoo tegaya meel walba ilaa Saylac oo Cismaan-Hindi  xaf iisyadiisa tegayo, lagu soo dhawaynayo oo uu ka khudbadaynayo, isagoo  Xoghaya hooda guud bariga tegay oo meel walba soo maray, anaguna taas kama duwanin. Hase yeeshee, nasiib-darada ay la kulmeen waxay tahay in dadkii ka wada jeestay. Markaa magalaadii oo dhan oo soo baxday markay arkeen oo taageeradii u  waree gtay xisbiga KULMIYE, ayay bilaabeen inay nabadgelyada waxyeelaan, si ay u  hela an in nabadgelyadu meeshaa faraha ka baxdo, ka dibna doorashada dib loo dhigo. Markaa waxay la xidhiidhaa uun carqaladaynta doorashada.

S: Guddoomiye, waxaad ogtahay in maalintaad Burco tagtay rabshad yar oo  koob ani dhacday oo aad ku tilmaameen in dhalinyaro la soo abaabulay ka dambeeyeen, imikana markaad Ceerigaabo tagtay bay rabshadani dhacday, markaa in arrintani kula kowsatay si gaar ah maxaad ku sababayn lahayd.


J: Sabab kale maahee, rejadoodii baa dhulka taal, wareer baa ku dhacay, aniga iyo qofkii kasta ee masuul KULMIYE ahna waxay u haystaan inay halaagoodii yihiin. Markaa waxa weeye, in shaqadaa aan wado ay is hortaagaan, inay mashaakil dadka dhex dhigaan oo ay xasiloonida waxyeelaan. Markaa cabsi uun bay salka ku haysaa, si kale oo ay ku joojin karaan markay waayeen oo farsamo lacageed iyo farsamo kasta isticmaaleen, ayay u gudbeen daydaynimo iyo jiri, waxanina waa ficil jirinimo.

S: Xaaladu magaaladu hadda siday tahay?


J: Wuxu waxay socdeenba sodon daqiiqo ayay ahayd, markiibana ay joogsadeen. Markaa magaalada hadda waxba kama jiraan, qofkii ku yidhaahda wax baa ka jirana been buu sheegay. Saacad badhkeed ayay dhagxaanta isku tuurtuureen keliya uun bay ahayd arrintu.

S: Maayarka Ceerigaabo wuxuu sheegay in arrinta ay sababeen weftiga aad wadatay, adiguna aad tahay nin dab sitay oo magaalada qabadsiiyay, ka waran eedaynta noocaas ah?


J: Horta, su'aashu waxa weeye, dabka aan anigu qabadsiiyay waa maxay, ma  shir ar baan qabtay aan wax isku dirayo?. Xisbiga KULMIYE inuu xafiiskiisa tago, barnaa mijyadiisa baahiyo, dadkiisana la hadlo waa sharci yaala, xisbiyada kalena ay  same eyaan. Markaa waxba odhan maayo, waayo odaygaasi waa oday wayn oo  adeerk ay ah, laakiin anigu sida uu u dhaqmayo u dhaqmi maayo.

S: Ceerigaabo inteed joogaysaa?


J: Waxaan joogayaa hadba inta hawshu iigu dhamaato, laba/saddex cisho inta ay iigu dhamaato, waanan qabanayaa xafladii oo halkii bay ka soconaysaa, dadkana waan la hadlayaa.

S: Guddoomiyaha xisbiguna miyuu kaa daba imanayaa?


J: Maya, hadda olole lama gaadhin, waxan aanu wadnaana waa hawl farsamo oo ah dhisida guddiyada, waxayna ahayd muddo shan cisho ah inaan meel walba maro, ka dibna soo laabto anigoo magacyadii iyo qaabkii soo dhisay.

S: Guud ahaan xisbiyada xisbiba marka la eego, qaabkan magaalooyinka la idiinku soo dhawaynayo iyo meelaha la idinkaga hortagayaa sow kama baxsana xeerkii aan saxeexdeen ee Anshaxa doorashada, ololena uma eka?


J: Hadday sax tahay iyo hadday khalad tahayba, xisbiyada kale wax ay sameeyeen uun baan sameeyay.
 

 


Xigasho: Wargeyska Ogaal