WARARKII GOBOLKA GABILEY IYO WERIYAHA
CAANKA AH  NIMCAAN DHEEG

 

Hayadda Bish Cas ee waddanka Imaaraadka Carabta, ayaa deeq raashin ah soo gaadh siisay degaanada Kalabaydh ee ka tirsan Gobolka Gabiley Hayadda , ayaa  si rasmi ah ugu wareejisay raashin  ilaa 800 oo qoys, oo ku nool degaanka Kalabaydh ee Gobolka Gabiley.

Tani maaha markii ugu horeysay ee ay Hayaddu caawimo u fidisay Gobolka , ee iyaduna waxaa xusin mudan, ceelashii biyaha ee ay hayaddu ka hir gelis ay degaanka Botor.

Saalax Saalim Xuseen (Jaabiri) , oo ka mid ah shaqaaalha Hayadda Bish Cas ee imaaraadak Carabta, oo wareysi siiyey Shabakadda wararka ee  Longlivesomaliland News Media ,ayaa wuxuu yidhi,  raashinkani  wuxuu qayb ka yahay cawimooyinka aan  u  fidinno  walaalahayaga muslimiinta  ah ee dan yarta ah, wixii aan u tari karnana waan gaadhsiinaynaa,haddii ilaahay qadarro.

Madash deeqda raashinka ah lagu gudoomay, waxaa  ka hadlay Badhasaab  ku xigeenka Gobolka Gabiley iyo maamulka degaanka Kalabaydh, oo dhamma antood mahad naq u soo jeediyey Hayadda Bisha Cas ee waddanka Imaaraa daka Carabta  iyo shaqaalaheeda.


Dhinaca kale,  magaalooyonka Gabiley iyo Tog-Wajaale, ayaa maal mahan si toos ah loo gala socdaa ,  wararka xiisaha leh  ee ay soo ban dhigto  Shaba kadda wararka ee Longlivesomaliland News Media,waxaana dadka indhah ooda aad u soo jiitay , aqoonta sare iyo farsamada casriga ee ay Shabakad du adeegsato   iyo muuqaalka Quruxda badan  ee ay  shabakaddu ku caan baxday .Waxaa kale oo dadku aad u jeclaysteen  Astaanta   Shabakadda ee  ah,  Calanka Somaliland , ee tawxiidku ku xardhan yahay.


Maamulka Gobolka Gabiley , oo uu ugu horreeyo Badhasaabka Gobolka, Mud ane Maxamed Axmed  Aw Cabdi , ayaa Hanbalyo iyo Bogaadin i soo gaadhsi iyey , kuna  socota dhammaan shaqaalaha iyo weriyayaasha, ka hawl gala Shabakadda.Waxaa kale oo uu si gaar ah ugu hanbalyeeyay Tafatiraha Guud ee Shabakadda , Engineer Maxamed Cali Muse.

 

  

 

 

Weriye Nimcaan Dheeg Ibraahim
Longlivesomaliland News Media
Gabiley Office  Somaliland