SOMALILAND REPUBLIC
The office of Somaliland Presidential Advisor on:
Economy, Commerce, and Investment.
Ahmed Hassan Arwo
002522 409 6421
Eci.advisor@gmail.com
Eci.advisor@ymail.com
Presidential Palace
Hargeysa
WARSAXAAFADEED
Si kor loogu qaado wacyigelinta bulshada Soomaliland leyskuna xidho
debed iyo gudaba, waxa ay nu goosanay inaynu damaashadka 18 May ee
sanadkan lagu qabto si heer sare ah meel kasta ooy joogaan
jaaliyadda Soomaliland. Waxa iyana barbar socota talo-uruurin iyo
wadatashi laga yeesho dhismaha dhaqaale iyo horumarinta bulshada.
Waxa hubaal ah in iskaashiga bulshada gudaha iyo debeddu yahay mid
lagu dhisi karo joogtaynta xidhiidhkooda, taasina ay ku imanayso
wado-tashiga ay wadaan mas’uuliinta xilalka kala duwan inoo haysa.
Taas oo lagaga midho dhalin karo aqoonta, iyo hantida dadakeena ee
daafaha dunida ku kala baahsan.
Iyadoo taas laga duulaayo, ayuu La-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha
Dhaqaaalaha, Ganacsi ga iyo Maalgashigu Mudane Axmed Xasan Carwo uu
maalinta sabtida ah ee 14 May 2011 Air Djib outi, uu u ambabaxaaya
dalka Imaaradka Carabta Insha Allah, isagoo ka qaybgalaaya damaasha
dka sanadguurada 20naad ee xorriyadda Somaliland. Waxa muddada uu
joogo uu la yeelan doon aa Jaaliyadda shirar wadotashi iyo xogwaran
ku saabsan arrimaha dhaqaalaha iyo maalgashiga.
Waxa Axmed iyana uu u gudbi
doonaa dawladda Qadar iyo dalka U.K. isagoo meel kastaba ka geli
doona shirar uu qurbajooga iyo ciddii danaynaysa arrimaha
maalgashiga dalkeena la kulmi doona. Ugu dambaynta Axmed waxuu u
gudbi doona U.K. La-kulanka Jaaliyadaha magaalooyinka U.K, wax a u
wehelisa qorshe uu kula kulmi doono masúuliyiin ka tirsan dawladda
U.K iyo tan Wales isagoo kala hadli doona xoojinta xidhiidhka
Somaliland iyo U.K iyo kordhinta xidhiidhka dhaqaale iyo maal
gashiba ee labada dal.
Guul iyo Midnimo
Xaafiiska La-taliyaha Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maalgashiga
Eci.advisor@gmail.com
Madaxtooyada Soomaliland
|