“Wakhtigani ma aha kii la is-casili lahaa,Anigana igama suurtowdo…”

Hargeysa (TNN)- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Somaliland Eng.
Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar si
weyn shalay suuqa loo soo geliyey oo sheegayey inuu iska casilay
Xilka Wasiirnimo ee Xukuumadda Madaxweyne Siillaanyo, ka dib markii
Khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo qaar ka mid ah Golaha
Wasiirada.
Wasiirka Maaliyadda Eng. Maxamed Xaashi Cilmi oo xalay Wargeyska
Saxansaxo khadka Telefoonka kula xidhiidhay isaga oo jooga Magaalada
Hargeysa, si aanu wax uga weydiino wararka la isla dhex marayey ee
sheegaya inuu iska casilay xilka Wasaaradda Maaliyadda ayaa ku
tilmaamay wararkaasi qaar aan sal iyo raad toona lahayn oo lagu
doonayo in sawir khaldan lagaga bixiyo, madaama wakhtigan Waddanku
ku jiro xaalad Siyaasadeed iyo mid dagaalba.
Eng. Maxamed Xaashi Cilmi waxa uu ka dhawaajiyey in aanay jirin cid
uu ka dhexeeyo khilaaf gaadhsiiya inuu shaqada ka tago, waxaanu
xusay inuu hawl maalmeedkiisii uu ummadda u hayey uu u gudanayo
sidii loogu talo galay.
Wasiirka Maaliyadda oo ka hadlaya arrintana waxa uu yidhi “Adeer
wararkaas suuqa la soo geliyey waxba kama jiraan, wax is casilaad ah
oo aan sameeyey ama imika aan damacsanahay ma jirto, waana warar
been abuur ah oo dadka lagu soo dhex tuuray sal iyo raadtoona ma
laha”
Eng. Maxamed Xaashi waxa uu tilmaamay in aanay wakhtigan suurto
galba ahayn inuu iska casilo Xilka Wasaaradda Maaliyadda, waxaanu
yidhi “Wakhtigan maaha kii la iscasili lahaa, Aniga igama suurtowdo
in xilligan oo Waddanku ku jiro xaalad dagaal iyo duruufo kaleba in
aan shaqada ka tago, markaa arrintan waxa sameeyey dad doonaya in ay
iga dhigaan Nin aan ka fikirayn danta Ummadda, markaas waxba kama
jiraan warkan”
Wasiirka Maaliyadda oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaasi
raaciyey oo uu yidhi “ Wax igu kalifa in aan is casilo wakhtigan ma
jirto, waayo cid aanu is hayno ama is khilaafsanahay ma jiraan”
Si kastaba ha ahaatee, Hadalkan Wasiirka Maaliyadda Somaliland Eng.
Maxamed Xaashi Cilmi ayaa ka dambeeyey ka dib markii maalintii
shalay si weyn suuqa loo soo geliyey inuu iska casilay xilkii
Wasaaradda Maaliyadda, iyada oo ay sheegeen in xil ka tegistiisuna
ka dambaysay khilaaf soo kala dhex galay qaar ka mid ah Wasiirada
Xukuumadda Somaliland.
Wasiirka Maaliyadda Eng. Maxamed Xaashi Cilmi ayaa dabaqaayadii
sanadkii hore ka noqday istiqaalad uu Madaxweynaha Somaliland Mudane,
Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo ugu gudbiyey, ka dibna uu ka
noqday markii la dhameeyey khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo
Wasiirka Macdanta iyo Biyaha.
Xigasho:Saxansaxo
|