WAKHTIGA CIDHIIDHIGA AH KOMISHANKA QARANKA QAATAY , KU JIQSIINTA INTERPEACE, IYO TIXGELIN LA’AANTA XAQA WADANIGA

 


Waxaa marka hore hambalyo u dirayaa dhamaan ummada reer Somaliland ee jecel nabada. Salaan ka dib waxaa manta dalka ka socda u diyaargarowga doorashada madaxwaynaha iyo tan madaxwayne ku xigeenka oo ku began 26ka bisha june 2010. Dadka reer Somaliland waxay diyaar u yihiin oo ka go 'an inay galaan doorasho xaq ah oo xalaal ah Ummada Somaliland waxay arinkaas u igmadeen una dh iibteen KOMISHANKA QARANKA ee SOMALILAND. Xilka komishanka saarani maaha oo keliya inuu  doo rasho qabto ee waa inuu qabtaa doorasho ku salaysan xaq iyo xeerka iyo dastuurka umada Somalila nd. Qof kasta oo wadani ah wuxuu diyaar u yahay inuu codkiisa si cad oo aan mad madaw lahayn u d hiibto uguna codeeyo cida uu rabo .

Komishanka waxaa xil ka saran yahay sidii uu qof kasta xaqiisa u dhawri lahaa, sidii qofkasta uu ugu sahli lahaa siduu kaadhka ku qaadan lahaa.iyo sidii qayb kastoo bulshada ka mid ah durrufaheega loo tixgelin lahaa. Qoyska maalintii hore iska diiwaangeliyey guban maantana xoolihii iyo xamastiiba u ra ray hawd komishanku wax tixgelin ah ma siinin baahidoodiina wax kama qaban. Ninkaas arinkaasi ku dhacay wuu soo dhaxayaa, wuu soo guuraynayaa , isaga oo dhiishii kaadhadhka uu ku riday sida  ay uu barito komishanka qaranka dul duljoogaa. Xaqaa cad ee komishanku garab maray waa dhibaato wali daahan oo maalinta doorashada soo bixi doonta . Waxaa kale oo ka mid ahaa ninka beerta  qoda ayey ee raysku ka tegayey ama beertiisii haramaynaayey. Ninkaasna Kaadhkiisii jeebka ayuu ugu  jir aa ma soo bedelan maxaa yeelay baahi ka culus ayaa jirtay oo reyska beerta ayaa tegayey , Kaasna xaqiisii lama siin lamana tixgelin baahidiisa gaarka ah.

Komishanku waa hayad qaran oo u xil saran qabashada doorasho xaq ah oo xalaal ah. Sida ku cad  d astuurka qaranka qof kasta oo muwaadin ah wuxuu xaq u leeyahay inuu ka qayb qaato  doorashooy inka. Hadii Komishanku is hortaago xaqa wadaniga wuxuu qofkaasi xaq u leeyahay inuu maxkamada ka dacwoodo. Komishanku si arinkaas wax uga qabto dhibaatooyinka iyo dacwadaha ku soo bixi  doo nana uga hortagaan waa inay hada codsadaan wax ka bedelka dastuurka dalka ah.Qiilka keliya ee u furan KOMISHANKU waa kaas.Qabashada iyo fulinta doorasho maaha mid ummada Somaliland ku  cus ub ee horey ayey inoogu qabsoomeen uguna caano maalay. Aqoontii iyo maskaxihii hirgeliyey  doora shooyinkii inoo qabsoomay wadanka way u joogaan.KOMISHANKA CUSUBI wuxuu ka qaatay wixii  waa yo aragnimo ina soo maray.

Waxaa durba inoo soo baxaya in dadka qaarkood yidhaahdaan waxaa ariinka ka taliyey khuburo  int erpeace ka socota oo qalad ma dhacaayo., waxaan jeclahay inaan wax ka sheego shaqada  interpea ce iyo hawlaha ay aduunka ka qabato. Hay’ada interpiece. Waxaa ay qabato ee ugu wayn waxa  we eye inay ka dhex shaqayso dad dagaal iyo colaadi dhextaalo oo warka ay u kala qaado. Waxay iku  d eyaan sidii labada qolo ee dagaalamaya wada hadal u dhex mari lahaa , aduunkuna waxa uu ku  caa wiyaa dhaqaalahana ku siiyaa sidii hawlahaa ay uga fulin lahayd meelaha khilaafyadu ka jiraan ee  ad uunka sadexaad.Interpeace ma ahayn hay’ad tirakoob horeyna umma samayn tirakoob wadan, ha n oqoto mid casriyeysan oo la isticmaalayo computer ama mid madax tirisa oo la isticmaalayo diiwaano iwm. Si kastaba ha ahaatee interpeace waxaa la siiyey qandaraaskii tirakoobka Somaliland.

Interpeace waxay hanan wayday hawshii loo xilsaaray.laga bilaabo bishii march 2009 ilaa 27th july waxay interpeace isku dayeysay inay tiro kabkab ah samamayso taasina way u socon wayday. Interpeace waxay ku dhacday inay soo bandhigto wax tiro ah habayaraatee sidaa daraadeed waxaa cadaatay in interpeace ku saaqiday kuna dhacday hawshii loo xilsaara Qodob ee ka soo baxay  interp eace. Interpiece waxay natiijadii kab kabka ahayd ula baxsatay Kenya oo  mishiinkoodii bukay  dhak htar uga raadiyeen. Waxaa maanta la soo celiyeyna waa Serfarkii oo wax laga bedelay jirin. Waxaa Komishanku cadeeyey in boqolkiiba toban qaldan yihiin. Taas macnaheedu waxaa weeye in boqol iyo labaatan kun oo qof codkoodu qaldamayo. Waxa aan mar labaad komishanka ka codsanayaa inay um mada Somaliland ee nabada iyo cadaalada jecel arinkaa ka qanciyaan. Dhibaatada aad qarsataa mar danbay ku qarxisaa.

Waxa kale oo aan ummada Somaliland xasuusinayaa waxaa habka Seerfarka laga furfuri kari waayey labada xisbi mucaarad ee wadan. Hadaan nahay muwaadiniinta Somaliland wixii wanaaga ee laga  dh eefo iyo xumaan laga dhaxlo waxay dushooda taalaa labada xisbi mucaarad. Taariikhdeedana waxaa gaar u sii yeelanaya Faysal Ali Waraabe oo sawirka iyo seerfarka aad u aaminsan.

ALLAA MAHAD LEH
 

 

 

 

MAHDI JAMA ROBLE