Hambalyo ku socota Hormoodka orodada caalamka Mohamed Farah (Mo Farah)


 


Asalaamu Caleykum wa Ramadaan Kariim,


Safaaradda Somaliland ee UK iyadoo ka wakiil ah bulshada reer Somaliland ee ku dhaqan Waddankan Britain iyo Qaranka Somaliland waxay mar kale HAMBALYO iyo BOGAADINN u diraysaa Orod yahanka caanka ah ee u dhashay Somaliland, una safnaa dalka Britain Moh amed Farah oo ku guuleystay tartankii orodka 10,000 iyo 5000 ee mitir iyo 2da Billadood ee Dahabka ah oo uu u qaaday xulka GBB.


Mudane Mo Farah inshallah guulo kale oo badan inaad soo hoyso ayaanu kuu rejeynaynaa.



Wa Billaahi Tawfiiq,
 

 



Ali Adan Awale
Wakiilka Somaliland ee UK