Xubno miisaan culus ku lehaa Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye oo uu
hor kacayey Imaamul Baladka Magaalada Gabiley Mukhtaar Sheekh
Muxumed Warsame ayaa maanta Xaflad si wayn loo soo agaasimay, kaga
baxay Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye uguna diga rogtay Xisbiga
Udub .
Gabiley (TNN)-Xafladan oo si wayn
uga duwanayd xafladihii hore Loogu qaban jiray taageerayaasha ka soo
baxa Axsaabta Mucaaradka ah iyagoo xubnaha Kulmiye ka baxay
cuskanayey laba qodob oo kala ah; Kala jab wayn oo ku yimi Xisbiga
Kulmiye hogaankiisa, iyo Horumarka Badhasaabku ku tallaabsaday
muddadii uu xilka hayey ayaa sabab tay in ay ka baxaan
Xisbigii hore yimaadaana halka uu joogo Badhasaabku oo ah Xisbi
Xaakinka .
Ugu horayn waxaa halkaasi kahadlay wasiirka Ganacsiga Abiib Xasan
Filfil oo mahad naq balaadhan u soo jeedi yay Dad-waynahan
Taageeradoodii ula soo guuray Xisbiga Udub kana soo wareegay Xisbiga
Kulmiye isagoo ku wargaliyey in taageerayaashan cusubi ay ula siman
yihiin Aasaasayaashii Xisbiga oo aanay cidi ka lahayn, Xisbi guna
Xisbigoodii yahay, isla markaana ay ku faraxsan yihiin miisaanka ay
ula yimaadeen ka Xisbi ahaan, Waxa kale oo Wasiirku sheegay in uu ka
markhaati kacayo, goob-joogna ka yahay in astaantan iyo
dhoola-tuskani ka dhinnayd Gobolka lana dareemayey maanta se soo
buuxsantay oo ay tusayso Baaxada way nee Xisbiga Udub ku leeyahay
Gobolka Gabiley, waxa kale oo uu sheegay in uu markhaati ka yahay in
aan halkan la iskugu iman in magac Xisbi la iska sheegto ee ay tahay
in loogu yimid Xeerkiisa iyo Siyaasadiisa muuqata nin waliba arkaayo
oo uu akhrisanaayo. Ugu danbayntii Wasiirka Ganacsigu waxa uu
sheegay in inta tirada yar ee ku hadhay Axs aabta Mucaaradkuna
ay sugayaan dhawaan oo Xisbiga Udub la iskugu iman doono .
Waxa isaguna halkaa ka hadlay Xoghayaha Guud ee Xisbiga Udub Jaamac
Yaasiin Faarax oo si wayn uga hadlay Halgankii ballaadhnaa ee dibu
Xorraynta SNM kuna dheeraaday doorkii ay Dad-waynaha reer Gabiley ku
lahaa yeen Halgankii, isaga oo sheegay in Mujaahidiintii ugu badnayd
ka soo jeeday Deegaankan Gobolka Gabiley, Xo g-hayaha Guud isaga oo
muujinaya soo dhawayntiisa waxa uu u sheegay Taageerayaashan Cusub
in Maanta wixii ka danbeeya ay isku mid yihiin iyaga iyo kuwii hore
u sii joogay , isla markaana ballan qaaday in Albaab adiisu
hadh iyo habeenba u furan yihiin.
Waxa isna halkaa ka hadlay Badhasaabka Gobolka Gabiley Maxamed Axmed
Aw Cabdi (xabiib) oo isna u mahad celiyey Taageerayaasha Cusub eek u
soo biiray Xisbigooda Udub isla markaana sheegay Wax-qabadka ay ka
heleen Xukuumadan hada joogta oo uu tilmaamay Afar qodob oo muhiim
ah kuna dardaaray in ay hoosta ka xarriiqaan reer Gabiley isagoo
tilmaamaya waxa uu yidhi;-“Hadaynu reer Gabiley nahay waxa muhiim ah
in aynu calaamadsano wixii aynu ka helnay Xisbiga Xukuumada ee Udub
ee talada dalka haysa hada waa ta koow aad eh; Gobolnimadii
aynu sugaynay kontonka sanno waxa aynu ka helnay Guddoomiyaha
Xisbiga Udub Md Da ahir Rayaale Kaahin, 2-Addeegii Biyaha oo
maanta gabo-gabo inoo maraysa oo tiraba Afar ceel inoo hir galiyey ,
3-Waxa inoo hir galay Jaamacad oo iyadana aynu muddo naawilaynay,
4-iyo Hirgalintii Caafimaadka oo isna aad ka warqabtaan in
Cusbitaalkii inoo dhismay . Markaa waa in aynu markasta niyada ku
hayno wixii inooga soo kordhay muddadii uu joogay Madaxwaynaheenu.”
Badhasaabka Gobolka Gabiley waxa kale oo uu sheegay in reer Gabiley
hada dantoodii garteen una guntan yihiin horumarinta Gobolka
go’aansadeena in ay markasta la shaqaynayaan Maamulkooda.
Waxa kale oo Munaasabadaa ka hadashay Guddoomiyaha Garabka Haweenka
ee Udub Marwo Maryan Xaddi Saban oo iyaduna mahad naq ballaadhan u
soo jeedisay Taageerayaasha Cusub eek u soo biiray Xisbigooda Udub,
kuna gubaabisay in ay ku soo dhawaadaan Xisbigooda oo ay ku sheegtay
Xisbi Barwaaqo iyo mid nabadeed, iyadoo u ballan qaaday
Taageerayaasha Cusub in aanay talada Xisbiga u daba fadhiisan doonin
cid kale balse ay ka mid noqon doonaan kuwa talladu ka go’do. Ugu
danbayntii waxa ay hambalyo u soo jeedisay masuuliyiinta Gobolka iyo
Wasiirka Ganacsiga oo ay sheegtay in ay si adag u shaqeeyaan
masuuliyiintaasi.
Waxa iyaguna halkaa ka hadlay Guddomiyaha Golaha Deegaanka Aadan
Muxumed Badde, Xog-hayaha Ollolaha ee Xisbiga Udub Eng Cismaan C/laahi
Cigaal, Guddoomiyaha Xisbiga Udub ee Gobolka Gabiley Saleebaan
Maxa med Sheekh Saleebaan, iyo Masuuliyiin kale oo dhamaantood iska
daba maray soo dhawaynta Taageerayaasha Cusub, una mahad celiyey
taageeradooda ay ula soo diga-rogteen Xisbigooda Udub waxanay
sheegeen in ay Gacmo furan ku soo dhawaynayaan Taageerayaashan cusub
.
Ugu danbayntii waxa isaguna halkaa ka hadlay Imaamul Baladka
Magaalada Gabiley Mukhtaar sheikh Muxumed Warsame oo ah imaamkii
hogaaminayey Taageerayaashan cusub eek u soo biiray Xisbiga Udub,
Imaamkan oo ah taageerayaashii ugu waynaa ee Xisbiga Mucaaradka ah
ee Kulmiye ayaa isaga iyo koox uu hogaaminayay ku soo biireen Xisbi
Xaakimka Udub isaga oo halkaa ka cadeeyay in uu sabab u yahay ku soo
biirista Xisbiga Guddoomiyaha Gobolka Gabiley oo uu ku door biday
wax qabadkii uu soo kordhiyey muddadii uu joogay Guddo onka
Gobolka .
Hadaba, Dadwaynaha iyo xubnaha ka soo baxay Xisbiga Kulmiye ayaa
sida la sheegay u badnaa taageerayaashii Kulmiye, oo si wayn uga
cadhooday qaabkii Xilka looga qaaday Guddoomiyihii Xisbiga Kulmiye
ee Gobolka Gabiley, taas oo ay xubnaha qaarkood ka dhawaajiyeen in
dildilaacan Kulmiye oo sabab u ah labada jinaax ee xilligan uu u
kala jabay, Xisbiga Kulmiye oo Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku
xigeenka Axmed Siilaanyo iyo Muuse Biixi ay u kala baxeen . "Waxaan
Xisbiga aan ka midka ahayn ee Kulmiye ka baxay , kolkii aan garan
waayey dhinac aanu salaada u tukano (Masjid qiblatayn) labada garab
ee uu u kala jabay Axmed iyo Muuse" sidaa waxa yidhi Mukhtaar
mawliid aw cali (cabaadh) oo ka mid ahaa taageerayaashii ku soo
biiray Xisbiga Udub .
Source:SDWO
|