Degmada Wajaale Umay Baahnayn Maamul Foorara ee waxay u Baahnayd Mid Soo Jeeda
 

 



 

Xukuumada Madaxwayne Ahmed Maxamed Maxamud Siiraanyo hogaaminaayo waxaan xasuusinayaa waqtigii bulshada reer wajaale kuu ololaynaysay ee ay habeen iyo maalinba u halgamaysay sidii  guus hu u raaci lahayd Xisbiga Kulmiye oo ay shacabku 75% aamin sanaayeen in uu dhaami doono  maamu lkii astaanta lagu xasuustaa ahayd,Cadaalad daro, Musuq-maasuq, Cadaadis, iyo Qaraabo kiil I.w.m  o o dhamaantoodba ka dhici jiray Degmada wajaale Taasi oo dalkuna la qabay oo aanan odhan Karin  w ajaale ayay gaar u ahayd, hadaba markaan intaa ku dhaafo hoga- tusaalaynta ayaamihii la soo  dhaa fay waxaan hadaba leeyahay manta degmada wajaale may helin maamulkii iyo abaal gudkii ay  filanay say oo ay ku ilawdo hadimooyinkii uu maamulkii hore gaadhsiin jiray .

Waxaanay la kawsadeen dadka reer wajaale maamul foorara oo aan hogaamin Karin bulshadan la ara dan dhamaan adeegii bulshada tusaale ahaan.

1-waxbarashada degmada oo liidata marka laga yimaado dugsiga hoose iyo dugsiga dhexe oo aan  o dhan karo way dadaalaan maamuladooda iyo macalimiintooda balse waxaa si toosa u baabasan  dugsi ga sare oo ay dhigtaan 7 arday oo ay maalin walba ay u soo cawda maamulka degmada, balse aan  l aga hoos qaadin cabashadoodune ay eegtahay xiisadahii oo aanay wada helin.

2-Biyaha oo degmadu ka cabto balayada oo caafimaadkooda laga dayriyo

3-Qashinka :- waxaa buux dhaafiyay degmada qashin xad-dhaaf ah, waxaanay Dawlada hoose  xash iishka ka qaadaa kaliya suuqa bakhaaradu ku yaalaan oo iyagu baco waawayn ku ururiya qashinka laga saaro alaabada ay iibsadaan ganacsada dalalka aynu jaarka nahay, waxaanay baaburka qaada ee dawlada hoose ku daadiyaa mooska banaanka wayn ee ka sareeya magaalada taasi oo dabaysha iyo roobkuba dib ugu celiyaan gudaha magaalada .

4- Maamulka wuxuu awoodiisi oo dhan saaray sidii loo ururin lahaa lacag iyo sidii shaqaalaha loo dhimi lahaa, taasi oo maamulku shaqada ka joojiyay 42 qof , Badhasaabka gobolkuna markuu maamulkan xilka ku wareejinaayayna uu todoba bilood mushaharkood laga duudsiyay iyadoo uu badhasaabka gobolku shaqaalaha ugu hanjabay idinkaa lunsaday oo waxba kuma lihidin gudoomiyaha la badalay , taasi oo iyaduna aanay ahayn afkii masuulku shaqaale ku gancin lahaa xaq daro cadna ay tahay

5-Maamulka degmada wajaale wuxuu jabiyay amarkii uu madaxwaynuhu dalkoo dhan ku amray shan iyo afartankii maalmoodba in maalin olole loo dareero. Taasi oo aan marnaba degmada laga fulinin.



Maalinti dalka laga qabtay ee loogu magac daray 1December maalinta HIV/AIDS xafladii uu  badhsaa bku amray inuu maamulku diyaariyo oo aanay habayaraatee iska xil saarin, kana soo xaadiri waayeen taasi oo aan odhan karo maamulku inaanu ku xidhnayn maamulka gobolka taasi oo ah wadadii udub ku jabtay.



Hadaba waxaan leeyahay masuuliyiinta waxaan leeyahay masuuliyiinta wasaarada arimaha gudaha iyo madaxwaynaha Somaliland Mudane Siilaanyo waxay wax ka xumadaan ama ku hagaagaan waa go bolada iyo degmooyinka ee hoos ha loo eego oo yaan lagu sii daynin qof loo magacaabo.
Qore C/kariim Cali Caydiid



 

 


Cabdirisaaq Maxamuud Aw Daahir

abdidhago@hotmail.com
Tog wajaale