WAASTO,
XILDOON IYO TAYO

Ahmed Arwo
Saacado ayaa ka
hadhay intii hoggaanka cusubi xilka dalka la wareegaayey,
sidoo kale ayey isla waqtiga asi ka hadhsan yahay
inta xukuumadda cusub lagu dhawaaqaayo. Waxa bulshada
hor iman doonta xuku umaddii la sugaayey oo kooban,
tayo leh oo qanc isa dadweynaha Somaliland ee u jeelay
maamul wax qa bta, maamul u shaqeeya, xilkas ah,
dareen wadaninimo leh, daacad iyo kartina u dheertay.
Waxa sawir buuxa laga heli doonaa ka-midho-dhalinta
barnaamajkii Kulmiye ku hantay codka muwaadinka.Waxa la gu celcehsay sida loo sugaayo xukuumad tayo. Waxa
Tayo lagu sifeen karaa kolka ay ku kulmaan sifooyin
dhowr ah; Aqoon ,
karti ,
hufnaan ,
daacadnimo , iyo
dadwadeynimo .
Waa kolka meel walba lagu bu uxiyo
cidda ku habboon, leh garashadeed si ay u abqaasho
isbedel dhab ah oo lagu unko hab-maamul-wanaag. Dalkeenu
waxuu u baahanyahay horumar dhammeeya maamulka
xukuumadda oo la helo Wasiiro, Agaasimayaal iyo madax
hayadeed, midwaliba booska loo dhiibay leh aqo onteed,
xirfadeed iyo kartideed. Ma aha dalkeenu mid leh
hab-maamul oo dhisan, sidaas awgeed ayaa W asiirada
doorkan la magacaabaya waajib tahay inay noqdaan dar
midwaliba halka loo dhiibaayo mid u leh aqoon iyo xirfad
gaar u ah hawsha looga fadhiyo.
Waxa habboon in leyska jiro wax yaabo iyo hab-dhaqan
dhooqeeya hanaanka wacan ee loo xulo hawl-w adeenada.
Waxa kow ka ah waxa loo yaqaan WAASTO, mecnaheedu yahay
in qofka xil doonayaa uu dirto cid kale oo riixda
arjigiisa, ciddaas oo noqon karta oday dhaqameedyo ku
dhisan qabiil, saaxibo, xigto, xig aal iyo xidid iyo cid
u dhowdhow kolba qofka xilka laga doonaayo. Badiyaa
cidda sida adag u adeegsata ni daamkan duuga ahi
waxa lagu sifeeya seddex midkood:
1. Qof xilka uu doonaayo
aan lahayn aqoonteed, rabana inuu waastada ku buuxiyo
dulduleedka ka muuqd a arjigiisa.
2. Ruux Doonaaya inuu gar
iyo gar daraba boos uu helo ka uu doono ha ahaadee.
Ujeedada ka danbeysa ana lid ku tahay xilkasnimada
shaqada looga baahan yahay. Waa ruux raba inuu dano gaar
ah ku fushado xilka loo dhiibay, cidda waastada u ihina
la wadaagto fikirkaas. Waa ka shaqayso oo ha u shaqayn.
3. Ruux karti darran oon
isku-kalsoonayn. Ruuxaasi waxuu noqdaa mid karti yar oon
lahayn hoggaamin, t alo-qaadasho iyo go’aan adag.
Taasina yarayso waxqabadkiisa.
Sidaas darted WAASTO waa
dariiq loo maro eexda, waana furaha musuqmaasuqa.
Waxayna keentaa tay o-xumo, taag-daraan maamul,
iyo waxqabad liita. Kuwaas oo dhammaan lid ku ah horumar
bulsho iyo hor ukac dhaqaale ee dalkeenu u baahan
yahay. Waxay tahay in laga foojignaan aafada ay yeelan
karto W AASTADA oo la
caadaystaa. Taasi la mid ma aha in mas’uulka xilka
bixinaaya la tashado cid uu door bido si uu xulashada
xildoonka ugu fududaato. Taasi waa wanaag iyo mid
habboon kol kasta oo loo baahdo. Waxa se reeban in ruux
xilka doonayaa isagu soo dirto cid u hadasha, oo iska
dhigta inay la talinayaan c idda xilka laga
doonaayo. Taasi waa xaaraan, waana midda u-hooyada ah in
ruux aan shaqada u qalmin lagula dul dhaco.
Waxa diinteena wacani xaaran ka dhigtay in ruux doonto
shaqo aanu aqoonteed iyo xirfadeed lahayn. Waxa loo
arkaa in cidda taas yeeshay tahay ruux khiyaamo u
badheedhay uu ku qaldo ummadda uu xilka ka doonaayo.
Waxa lagala mid dhigay qishka iyo khiyaamada ganacsi ee
beenta laga sheego badeecadda la gadaayo.
Waxa la soo weriyey in dibu dhaca ugu weyn ee Afrika
haystaa sababaha ugu muhiimsani ka mid tahay
WAASTO.
Khabiir ku takhasusay arrimaha horimarka ayaa taas ka
yidhi: “ Waxa la hubaa in dibudhaca Afrika intiisa
badani la xidhiidho shaqada dawladda ee lagu qoro
WAASTO.
Waa caddaalad darro caaqiiba xun. Waxa la hawlgeliyaa
cid aan shaqada aqoon u lahayn, waxaana shaqo waayo
ciddii garashada u laha yd dalkana hore-u-marin lahayd..”
Haddaba iyadoo uu ina horyaal barnaamajka dhaliyey
guusha, iyo baahida hareeraheena dhooban, waxa waajib ah
in la helo rag iyo dumar dhaqaajin kara hawlaha qaranka
ee amba taagan amba la xooliga ah diin gaboobay.
Waxaan arkay baahida loo qabo aqoon, waxaan dhugtay
darxumada dadkeena haysata oo adigoon meel kale tegin ka
arki kartid jaarka Madaxtooyada, u talaabso dhinaca
state-house oo guda gal kumaakunka guryahoodu yahay
labada mitir ee bac iyo cartoonka ka samaysan , aan roob
ka celin, dabayl iyo siigana afaafka uga soo gasho, dad
aan haysan biyo, nal, musqul, iyo meel ay wax ku
karsadaan. Waxay ku jiraan xabsi ka aradan adeegyada
nolasha. Inta kale ee ka durugsanina waa la ged. Ma
cadhaysan, ma muruga ysna, wajigooda waxa ka
muuqda deganaansho qalbi, wey samreen, waxay yihiin kuwa
dhab ahaan uga danbeeya nadabada aynu ku naaloonayno.
Waa iyaga kuwa dhaliyey isbedelka dalka ka tis qaaday.
Waxay garteen inay nolosha wax ka bedelaan, inay u
hubsadaan codkooda, iyagoo diiday inay iibiyaan ayey
gunta u xidheen guusha KULMIYE. Waa danyarta Soomaliland
ee gobol kasta joogta kuwa guushan dhaliyey.
Waxay sugayaan wax-qabad, waxay doonayaan caddaalad, iyo
in la xakameeyo xatooyada iyo ku tumas hada maalka
yar ee badiyaa iyaga laga soo xareeyey. Waxaynu ognay in
qabniga qaranku yahay cashu urta la saaro
badeecadda, oo danyartu tahay kuwa ugu badan ee
badeecadahaas iibsada, illeyn iyagaa dadka ugu badanee.
Waxa wehelisa cashhraha laga qaado, bacaad joogta iibisa
qaadka, khudaarta, baca ha iyo wax kasta oo miis iyo maro
la saaro suuqna la soo dhigo.
Dadkaas iyo dhammaan reer Soomaliland waxa deeqaaya in
la helo hawl-wadeeno aqoon leh, karti iyo da
acadnimana u shaqeeya oo dardar galiya waxqabadka
dawliga ah. Dar jeexa dariiq horumar ooy cagta s
aaraan ganacsatadu, kuwo soo jiita maalgashiga
qurbojooga iyo kan shisheeyaba oo dhidibka u aasa
si yaasad cad iyo sharciyo taas dhiirigeliya. Looma
baahan dark ku yimaada WAASTO
suldaan, caaqil, iyo xi gto
iyo saaxiibnimo toona. Looma baahana duul hawshoodu
noqoto inay kursiga kuleyliyaan oo ka arada n wax
qabad, bal se lunsada hantida danyarta laga soo
uruuriyey.
Waa saacado waxa ka hadhay xil-wareejinta hoggaanka uu
hormuudka ka yahay Madaxweyne Axmed M axamed Siilaanyo,
waa siyaasi aqoon, karti, samir, dulqaad iyo wax qabad
lagu doortay, waana tan dadw eynahu ka filaayo.
Waxa muuqata inuu dhabadeed qaaday oo uu la-tashi
ballaadhan sameeyey, go’aank eed iyo gunaanadkeedna laga
filaayo inuu sida uu ku bilaabay ku go’aamiyo. Waxaanu
leenahay ILLAAH AY ha ku waafajiyo inaad
qalinkaaga la hesho yoolka ummaddu calaamadaysatay, inay
noqdaan xukuma daadu mid ka turjumta himmilada
dadweynaha, mid ka midho-dhalisa barnaamajka KULMIYE ee
lagugu do ortay.
ALLE haynaga yeelo, kuwa ka waantooba inay isku hawlaan
shaqo eyna aqoonteed, iyo xirfadeed lahayn, ALLE haynaga
qabto kuwa kuraasta u doonaaya inay ku helaan hanta-qaran
oon xalaal ahayn, ALLE hay naga yeelo kuwa danta
guud u hawl gala, kuwa eega inta ka itaal yar, ka
dhaqaale yar ee u baahan taa kulin iyo taageero.
Waa inagoo wadajirna oo danta guud wada dhowrna.
Insha Allaha waa xil-wareejinta oo wanaag ku dhammaata,
iyo xukuumadda cusub oo hawsheeda xawli weyn ku
dhaqaajisa.
Mahad oo dhan Alle ayaa leh, tan iyo kulan kale
nabaadiino iyo ammaano ALLE.
Axmed
Carwo
MSc , Finance and Accounting
samotalis@gmail.com
http://samotalis.blogspot.com
Hargeysa
4096421 |
|