Waari mayside war ha kaa hadho

 



Maanta oo Axad ahayd, kana nasanaayey shaqadii toddobaadka oo aad u daalbadnayd ayaan furay bogga Internetka Waxaan ku arkay

Maanta oo Axad ahayd, kana nasanaayey shaqadii toddobaadka oo aad u daalbadnayd ayaan furay bogga Internetka Waxaan ku arkay war aad ii farxad galiyey. Inkasta oo maalmihiila la soo dhaafay ay wararka Somaliland ay baxaa dagaayeen. Kol ay qolo meel soo fadhiisato kuna dacwooto in la xidhay nin ka soo jeeda, tu kalena tidhaa anakaa la noo dig iyo dam leeyahay.

 Waxayna iskugu soo biyo shubanaysaa in aan weli la garan qabyaalada iyo qaranimada waxay kala yihiin ama faraqa u dhexeeya. Hadaan u soo noqdo arrinta aan kor ku xusay ee xiisa leh waxay ahayd Shirkii taariikhiga ahaa ee reer Togwajaale todobaadkii hore qasadeen. Waxay ku gorfeeyeen sidii ay u dhisanlahaayeen wadooyinka ama jidadka mara magaalada gudaheega e e cid waliba ka dharagsantahay tacadiga iyo dhibaatada lagu qabo. Iska day gaadhi ku qalib m ee ama dad wax ku noqdee, waxa afartaba kor taaga dameeraha hilibka sida. Dabeedna hilibkii oo ciidaysan ayaa masgarada la keena.

Waxa la yidhaa Necessity is the mother of invention, baahida ayaa keenta wax qabadka. Waa Ilaahay mahadii hadii Bacaluul is qaatay, dhammaana madal la iskugu yimid hormuudna ka aha ayeen madaxda degmadu sida gudoomiyaha degmada Mr. Xaashi, iyo maamulaha dowlada hoo se Mr. Faysal lana garwaaqsaday in wax lawada qabsado. Sida aan maqaalkaykii hore Charity begins at home ku iftiimiyey in ay waajib tahay loona baahanyahay in guntiga dhiisha la iskaga dhigo horumarinta danta guud. Aduunyoo waalalay war iyo sheekaa ka hadha!!!!!!!!!!!

Qofka aadamiga ah taariikh baa ka hadha, camalkiisuna wuu raacaa,xoolahiisuna kama danbee yaan.Aniga oo ku hadlaaya magaca ururada samafalka ah ee TWF (Tog-Wajaale Foundation) iyo kan gobolka ee GARDO waxaan idinla garab taaganahay hoo iyo hiilba ee ha noqdo goaankii shirku mid midho dhaliya. Siday tahayna Action is louder than words.

Waxan ku soo gunaanadayaa:- Wadaniga dhabta ahaw- Waari mayside War Hakaa hadho.

 

 

 

 

 

Jibriil Cali Caqli
jibril_akli@yahoo.co.uk
L
ondon , UK